Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


SOMALILANDEEEEEEY SIIIIIILAAAAAAAYO WAAAAAKAAAAAS by Qalinkii: Mohamed Omer Elmi Dalamiye Norway- Oslo


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 13, 2012
Waxaan marka hore shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo debadba ka tacsiyaynayaa Ceebta

ACSI KU SOCOTA SHACABKA REER SOMALILAND!!!!!
 
Waxaan marka hore shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo debadba ka tacsiyaynayaa Ceebta, Fadeexada iyo Magac xumada soo gaadhay Sumcadii Qarankooda, taas oo ay u soo jiiday sidii foosha xumayd ee yaq-yaqsiga lahayd ee xumadda Siilaanyo, Xisbigiisa Dulmiye iyo Gudi ku sheega doorashooyinka Siilaanyo (Waraabayaal Cadaalad la biday) u marin habaabiyeen rabitaankii iyo wixii ay guyaal iyo guyaal badan ay ku soo tabcayeen kuna faani jireen una ahayd baadi sooc ama wax lagaga garto dadyowga kale

ee deggan Geeska Africa taasoo Siilaayo iyo Xisbigiisa Dulmiye ka dhigay hal bacaad lagu lisay.
 

Waxaan kaloo mar labaad u tacsiyaynayaa dadkii dilka, dhaawaca, xadhiga iyo cabudhinta xukumadda Siilaayo ee macagnimada iyo talo- xumaanta ku caanbaxday u gaystay intii lagu guda jiray wixii loogu yeedhay Ololahii doorashada ee looga gol-lahaa in lagu xalaaleeyo Xisbiyo iyo Ururo hore u sii doornaa, taasoo madaxtooyadu Siidhi wale kasii noqotay Waraabayaasha dadka lagu khaldaayayna Calan-walayaal ka ahaayeen, balse dadka lagu marin habaabinaayay taana waxaa markhaati u ah Bulshada oo ka dheregsan in mudaba suuyada la wad-wadi jiray waxaa soo baxaaya Xisbi Hebel iyo Urur Hebel inkastoo urur markii hore shaxda ku jiray lagu bedelay mid dib laga rimaygacmeediyay kadib markii uu kii hore kaga haboonaday dhinaca wada shaqeyn la´aanta shoodhe Dulmiye Mr.Siilaanyo iyo Xisbigiisa Dulmiye Jiibaar ugu seexdaan una yidhaahdaan Allaw adaa cadawgayaga cadaw kale ku beegay, kadibna maalinba mid Siilaanyo cunno sidii 3dii dibi ee midabada lahayn ileyn iyagaa coloobaye arinkaas oo Shacabka Reer Somalilandna waxaa ka yaabiyay oo fajiciyay min galbeed ilaa Bari waxaa gobol kasta iyo goobkast 7ka ama 9ka siiyay ma maradoonaa soo tabaray musharixiinta reer Dulmiye markayse xafiisyada inoo fadhiistaan bulshooy maxaynu ka bilaynaa???.
 
Waxaa kaloo markhaati ma doonto ah in Xisbiga Siilaanyo ee Dulmiye uu ka mid ahaa Ururadii iyo Xisbiyadii ugu taageerada yaraa maalimihii isu soo baxa, waxa kaloo taas dheeraa in magaalooyinka qaar cid badaniba u soo bixi jirin magaca Kulmiye oo noqday wax laga khajilo ama laysku caayo sidii Faqashtii.
 
Hadaba waxaa dadka qaar weli ka daadegi la´  dhabanadana la haystaan,qaarna xabadu xabadka ugaga dhacday oo xabaal u galeen, qaarna waadhka u jiifaan, qaarna jeelka uga jibaadayaan waa u qaadanwaa iyo amakaag ku yimi wixii marag madootada ahaa ee ka turjumaayay rabitaankooda intii Ololuhu socday.
 
Intaas waxaa dheeraa shacabka Reer Somaliland waxay sugayeen waxa Hashoodii Maandeeq ee rimanayd dhalayso taasoo sida looga bartay laba mid uun la sugaayay Nirig ama Qurbac, laakinse dadkii oo seexday ayay habeenimadii waxay Maandeeq dhashay bahal aaduna oo aan dad iyo xoolotoona dhaafayn taasoo dadkii u soo samray ee islahaa Maandeeq danbakeedaa ka durduuran doontaan oo dhamaysaan fajiciso iyo firkanax ku noqotay taasoo nin walbana meel ka kuday ileyn naftu orad bay ku aamintaaye.
 
Taas waxaa dhigeedaa Xukumadda Siilaayo iyo Xisbigiisa Dulmiye ee awalba ku caanbaxay Fulaynimada , Cadaaladdarada, Musuqmaasuqa , Qabyaalda iyo ku Takrifalka hantida Qaranka isagoo waxaas oo fool xumo iyo fadeexada u badheedhay si aanu macaaridka dhabta ahi ugu soo bixin dalka iyo dadkan ayaan daradu ku habsatay waayo hadii uu Shacabka kalsooni ku qabo si xor ah oo xalaal ah ayuu u tartamilahaa laakiin horaa Cali Guray u sheegayo bahal ceedhin ma daayo nina caadadii ma baajo.
 
Sidaas daraadeed wuxuu Siilaanyo doorbiday Boobkaas iyo Musuq-maasuqaaas cadaanka ah ee Ummadda reer Somaliland iyo Caalamkaba ka yaabiyay waayo Dr.Gaboose iyo Xasan Ciise oo ku soobaxa ayaa kaga xumaan lahayd Somaliland oo la waayo sida ka muuqata hadaba ninkii hore u yaqaanay iyo kii hada bartayba waxaan leeyahay Somalilandeeeeeey Siilaayo waakaas indhihiina idiin macalina ninkii is lahaa waxaa ku hadhsanow ku quuso qudhaajo.
 
Guntii iyo Gebagabadii maqaalkaygan Somalilandeeeey Siiiiiilaaaanyo Waaaakaaaaaaaaaaaa waxaan ku soo afmeerayaa in shacabka Reer Somaliland dalkooda iyo nabadooda ilaashadaan, wadajirkoodii iyo walaaltimadii wacnayd ee Xukumadda Siilaayo iyo Xisbigiisa Dulmiye kala qeybiyay ee qurub-qurubka u kala jar-jarayna dib u soo ceshadaan kana samraan gafka iyo danbiga Xukumada Siilaanyo iyo Xisbigiisa Dulmiye ka galay kadib markii doorashadoodii muruqa, maalka iyo wakhtiga badan ay galiyeen laga  shubtay sida cid weliba ka dheregsan tahay taasoo ay reer Dulmiye 6 Gobolba wan u galeen ileen Madaxtooyada ayaa cayaarta siidhi wale ka ahayde iyagoo sidaas u yeelay si aanu Shacabkani waligii u go´aansan cida ay rabaan iyo in dadku ka aamin baxo in ay doorasho xor iyo xaal ahi ka qabsoomi karto gayigeena dadaalkii 20ka sanno soo socdayna laga dhigo sheeko caruureed aan weligeed rumoobin si ay u fududaato in dad daalo oo qanco kadibna Xamar xabad-xabad loogu dhuunto si ay Siilaanyna ugu fududaato heshiiskii uu la soo galay Madaxweyne Shariif. 
 
Waxaa kaloo  shacabka samir ugu filan in labadii xaqdaro ku heshiisay ay hadhow xaqa ku coloobi doonaan, waxaana hubaalaha in rag badan oo maanta aamusay ama afka ka xidhay in ay shacabkooda u hiiliyaan xitaa haday wax ku waayayaan lana dhacsan natiijada meher-ka horaysiiska ah in la arki doono iyagoo jalaadaaya waase loo wada jooga saadanbe iyo wixii nool inshallah.
 
Ugu danbayntii waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Gudoomiyaha Mucaaridka Dhabta ah ee Ururka Ummadda Dr.Gaboose sidii wanaagsanayd ee u qaatay taladii taageerayaashiisa iyo cidkasata oo dalkan iyo dadkan lexejeclo ka haysay siisay, taasoo uu ka qaatay go´aan xilkasnimo oo uu shacabkiisa ugu tudhaayo waana mid dhabarjab ku noqon doona Mr.Siilaayo iyo Xisbigiisa Dulmiye Allaw aanaan Cimrigayaga Ceeb iyo fadeexad ku sagootinin AAmiin.
 
 
 
Sidaas iyo Nabadgelyo
Qalinkii: Mohamed Omer Elmi Dalamiye
Norway -Oslo

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.