Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Doorashooyinbaa Galayaa macanaheedu maaha waan ku GUULEYSANAYAA . kuwa laga helay waxaanu leenahay NAMBARKIINA XEJISTA oo is la yaaba ileen idinka saxeexay NIDAAMNAKAN wax lagu doortaye.


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 13, 2012
Doorashada Somaliland khalad badan baa ku jiray Sida degmada FARAWEYNE iyo bariga Hargeysa oo rag badan lagaga shubtay

Doorashada Somaliland khalad badan baa ku jiray Sida degmada FARAWEYNE iyo bariga Hargeysa oo rag badan  lagaga  shubtay . waxa kaloo xisbayadu is weydariyeen musharaxiintooda.KULMIYE , UCID , WADANI ,DALSAN, RAYS  haddaba kuligood raggii soo baxay bay qaar reebeen oo rag kale ayeey ku badaleen gudahood a oo aan cadaalad ku dhisneyn.Lakiin nidaamkan diwaan gali la?aanta ah waxa saxeexay URARADA iyo muraqibiin La?aanta  iyaga ayaa ka masuula oo waxaa doontay .

Bal sheekadan Beenta ah ee HALBEEGNEWS akhriya Ciidamadda Booliiska ee caasimadda Hargeysa ayaa maanta wakhti danbe gelinkii

danbe waxay xabsiga dhigeen Musharax xisbiga KULMIYE uga sharaxna golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo isagu ku hadhay tartanka oo lagu magacaabo Xasan Cali Cabdi Axmed (Xasan Shaxar) oo numberkii ololahiisu ahaa 324  iyadoo warar ay Halbeegnews hellaysaana tibaaxayaan in sababta loo xidhay Xasan Shaxar ay la xidhiidho isagoo la dagaalamay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isla markaana Feedh ku dhuftay.

 

Iyadoo aan la garanaynin sababta dhabta ah ee keentay ilaa heerka Musharax golaha deegaanka KULMIYE uga sharaxna uu feedh ula badheedho Guddoomiyahiisii Muuse Biixi Cabdi ayaa wararka aanu hellayna tibaaxayaan inuu Musharaxu Xasan Shaxar ka cadhooday cododkiisii oo uu ku eedeeyey in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE si badheedh ah ugu lug lahaa in loogu kala bedelo musharaxiin hadhay oo la soo saaray.

Ma Cadda dhaawaca rasmiga ah ee gaadhay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi balse wararku waxay sheegayaan in Musharax Xasan Shaxar oo aad u cadhaysani uu weeraray Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo wakhtigaasi goob fadhiyey isla markaana uu feedh kaga dhuftay wajiga, waxaana isla markiiba gacanta ku dhigay Xasan Shaxar ciidamadda Booliiska oo geeyey saldhiga dhexe ee Hargeysa iyadoo ciidamadda danbi baadhistanu ay su?aalo ka weydiinayaan arrintani.

Falkani ayaa wuxuu tusaale u yahay xiisadda iyo xamaasadda ay doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 November ay sababtay iyadoo hore ay u jireen musharaxiin xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka tartansana oo ka cawday in cododkoodii loogu sadqeeyey musharaxiin kale.

 

Muse qarandi

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.