Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxa Demuqradiyad lagu faana, haddii kii shalay qawlka bixiyay ee heshiiskiiski Komishionka saxexay marku iska wayay natijadi kabaxayo qawlki???? Qormadii: Adan Jama Kahin , Milton Keynes , UK


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 13, 2012
Asc, waan idin salaamay dhamaantiin dadka akhrisanaya maqaalkanaw. Markii ugu horeyay ee lagu dhawaaqay in la

Asc, waan idin salaamay
dhamaantiin dadka akhrisanaya maqaalkanaw.  Markii ugu horeyay ee lagu dhawaaqay in la furayo xisbiyada badan, ayaa markiiba waxa tartanka soo galay ila 15 urur iyadoo ay waliba qaarkalena soo socdaan ayuu waqtigii dhacay sidoo kalana deeg bixiyayashii ayaa u arkay in dalkan yar intaa kabadan aanay macquul ku ahayn inay tartan soo wada galaan, sidaasanay intii kale ku hakatay.

Wax marka kadib isdaba jiitamayay oo marba intay

qaar kabaxan Xisbi ama urur qaarkale galaanba mid kale gelaayay ayay doorashadii waqtigeedi timi. Kadibna waxay Kommisionki doorashada ku dhawaaqeen in ay 8 urur oo ka mid ahi kuwii tartarmaayay ay hadheen , markii ay taa dhacday dee waaba la ogaa wixii dhacay.  Qaar ku dhaarta inaanay aqbalayn , qaar mudaaharaad miciinsadaba iyo madaxda caayaba.  Waxa markiiba lagu amray in ay Ciidamada nabadgelyada ilaaliyaan dabadeedna qofkii aan xukunka u hogaansamin sharciga la la tiigsan karo.  Waxa loo sheegay ururadii dhacay in qofkii dacwad qabaa uu maxkamada u maro dacwadiisa si sharciga waafaqsan.

Markay ay  arrintaa sida ku dhamaatay ayay qaar ka mid ah kuwii dhacay madaxdoodii ay mudda kadib u yaaceen Muqdisho iyagoo dantooda ka horeysiinaya ta Qadiyada Somaliland oo maanta si siman ula hadalaysa Somaliya sidii laba dal oo kale.

Si kastaba ha ahaate hadaan u soo noqdo mawduuca maanta taagan waxa weeye, waxaa jooga waa maahmaahdii somalidu ee tidhi tani ilawshiiyo dhawaa ma umulbaa.  Waxaynu la socona iyadoo laga faaiidaysanayo wixii hore u dhacay ayaa loo wada yeedhay ururada oo dhan oo lagu yidhi ma ku kalsoon tihin Komissionka doorashooyinka?  Ma ku qanacdaan doorashada natiijada ka soo baxaysa.   Kuligii way aqbaleen taana wayna saxeexeen.

Inta kadib waxa ay macadka nabada ee Hargeysa uu u qabtay dhamaan madax dhaqameedka , waxgaradka iyo culumadaba kuwaaso uu ku yidhi waad arkaysaan oo madaxdii ururadu way aqabaleen natiijada, ee idinkuna doorkiina qaata iyaguna arrinta way qaateen, walibana iyagoo Tvyada dadka ka wacigelinaya ayay ku tuuntuunsadan inuu urur waliba aqabalo natiijada ka soo baxda doorashada.

Iyadoo sidaasi jirto oo qawlkaa lagu kala joogo, ayay doorashadii dhacday. Markii ay natiijadii soo baxday,  Madaxdii ururada kale arrinka kamay hadline, qaarna way aqbaleenba.  Waxa markiiba qaylo afka saaray Madaxa Ururka Xaqsoor Hassan Ciise markii uu xaqiiqsaday inaanu soo baxayn, kaaso qayla afka saaray oo yidhi waa lagu shubtay.  Arrintaasi sharaftii Mujaahid Hassan runtii hoos bay u dhigtay.  Mida kale sidiisaba ninku marku yahay madax urur falka noocaasoo kale i wuxu dhiiri gelinaya in dad badan oo isaga raacsanay ay rabshad abuuraan.  Mida kale markuu leeyahay waar waa lagu shubtay doorashadii, shacabkayguna ha ilaaliyaan nabada laba wax oo isqabta maaha waayo arrinta aad ku dhawaaqday hore ayaa rabshada dhiiri gelisay.

Waxa kale uu Hasaan Ciise ku khaldamay horta balantii uu galay wuu ka baxay oo ahayd inuu ku kalsoonyahay Komissionka doorashooyinka.  Waxa kale oo khalad sadexaad ah isaga oon u marin gartiisa meeshii loogu tala galay ee ahayd Maxkamada sare, taasoo hore u kala saartay khilaafkii labadii urur ee Ucid iyo Udub.

Waxan ugu danbayn hadalkaygu ku soo gabagabaynaya arrintan Gudomiyaha ururka  Xaqsoor ku kacay waxay inugu celisay meel hore oo aynu ka tagnay 20 sano ka hor.  Bal eeg imika taageerayashiisii ayaa imika hadh iyo habeenba ka qaylinaaya websityada.  Waxaasoo dhami waxay meel ka dhac ku yihiin Dimuqraayida Somaliland, sumcadii wadanka iyo kalsoonidii umadu u haysay maamulkooda.  Waxan leeyahay Urur aan sharciga soo marin xaqumalaha inoo  ka hor yimado qawaaninta  iyo shariciga Somaliland ee sida ha u ogaadaan, sharcigaana sidiisaba cidwalba ka sareeya. 

Waxa Qoray

Adan Jama Kahin

Milton Keynes , UK

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.