Anagoo ku hadlayna magaca bulsho weynta qorba joogta(Diaspora) beesha Makahiil -Sacad muuse , waxaanu marka hore tacsi tiiraanyo le u diraynaa guud ahaan shacbiga somaliand gaar ahaaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii shuhaada ahaa ee maamulka Dulmiye ku xasuuqay magaalada Hargaysa iyagoo dareenkooda si nabad ah u muujinaya.
Beesha Makaahill -Sacad Muuse kadib markii ay gashay shir wada tashi ah xaga Teleconferencka(Xidhiidka telefonaka) oo lagaga soo qayb galay daafa aduunka Bishan December 10 keedii 2012 waxay soo saartay Cambaarayn, baaqyo ,talooyin iyo go,aamo u dhigan sida hoos ku xusan:
1-Beesho waxay cambaaraynaysaa go,aankii cadaalald darada ahaa ee kasoo baxay komishanka doorashooyinka oo lagu duudsiyay xuquuqdii ma garuunka ahayd kumanaan ka tirsan bulsho weynta somaliland ee ku dhaqan
dhamaan gobolada dalka.
2-Beeshu waxay si gaar ah u cambaaraybsa fal dambiyeedkii tariikhiga ahaa ee lagu duudsiisiyay lagana boobay ,si araxan darao ah oo cadaalada ka fog 3 xildhibaan oo beeshu dooratay kuna guulaystay doorashadii golaha deegaanka.Beesha waxay u cadaynaysaa, dhamaan bulsho waynta somaliland in 3da xildhibaan ay hamblalyo hordhaca ka heleen muraaqibiintii joogtay xarunta dhexe ee xafiiska cod tirinta komishanka 2 maalmood ka hor intii aan go,aankii xaraanta ahaa lagu dhawaaqin ,iyadoo oo 3da xildhiinaba tirada ay ku guulaystay loogu iftiimiyay si horhdhca .Walaalayaal tirada codka beesha laga boobay ee aanu xaqiiqdeedi helnay waxa weeye 9,671 cod, sida loo kala boobayna waxa weeye: a-Xildhibaanka kowaad waxa laga jaray 3210 cod b-Xildhibaanka labaad waxa laga jaray 3354 cod c-Xildhibaanka sadexaadna waxa laga jaray 3197 cod.
Beeshu waxay dhamaan buslsho waynta somaliland u cadaynaysaa in fal dambiyeedkaa taariikhiga ah uu fuliyay gudoomiyaha xisbiga Dulmiye(Muuse Biixi) isagoo la kaashanya lana galay "Bargain Deal" xubno ka tirsan komishanka iyo xafiiska madaxtooyada si rag uu isaga gaar u wato loogu badale 3 dan xildhibaan ee xaqoodii la duudsiyay.
Habkii bookani u dhacayna waxay ahayd markii data baska-Computerka la galinyay tirada in si badheedha looga jaray codadkii ay sadexdan xildhibaan ka kasbeeb bulshada .Waxaanu haynaa qaar ka mid ah dhalinyaradii hawshan lagu fushaday computerkana galisay tirada beenta ah, kuwaas oo haatan toobad keenay , waxananu soo ban dhigi doona mustaqbalka dhaw anagoo ilaalinayno amaankooda.
3-Beeshu waxay ugu baaqaysaa Maxkamada gobolka iyo Maxkamada sare in aanay ansaxin go,aanka ka soo baxay doorashada xaaraanta ee xuquudii ma guuraanka(Legitimate Civil Rights) ahayd lagaga duudsiyay shacbiga somaliland.Waxaananu labada maxkamadood faraynaa inaanay noqon Awrtii heeryadeeda cuntay, una horseedin cawaaqib xumo ay ku burburto qaranimada somaliland.
Xusuusta Waxaa uu Ilaahay ka horaysiiyay cadalaada qabla al Ixsaan.(Al Cadal wal ixsaan), markaa walaalayaal ku dhac iyo dhiiranaan yeesha aad shacbigiina dulman ugu hiilinaysaan.
4-Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan shacbiga somaliland oo ay ka mid yihiin ,Samo ka taliska,salaadinta, culimaadiinka,cuqaasha,ururada bulshada,aqoonyahanada,ururada haweenka,ururada dhalinyarda ,ganacsatda in si midaysan gamcaha laysu qabsado meelna looga soo wada jeesto sidii qaab nabad ah oo la mid ah kacdoonkii ka dhacay masar(Arab Spring Revolution) Xilka looga wareejin lahaa madaxweyna siilanyo oo ku fashilmay hoogaankii qaranka iyo xilkii loo igmaday.
5-Beeshu waxay ugu baaqaysaa ciimdamada amaanka iyo kuwa qalabkasida inaanay noqon aalad la mid ah kuwii Taliskii Siyaad Barre ku cabudhin jiray,kuna xasuuqi jiray kuna dafiri jiray xuquudoodii ma guuraanka ahayd.Unoqda garab, unoqda hiil unoqda gaashaan shacbigiina dulman.
6-Beeshu waxay baaq iyo fariin gaar ah u diraysaa beesha bariga burco oo ixtiraam iyo qadarin naga mudon in ay kaalin buuxda oo wax ku ool ah ka qaatan kacdoon nabadeed ee wajahan sidii Qaranakan loo badbaadin lahaa, Mr.Siilaanyana loogu qancin lahaa inuu si Nabad ah u wareejiyo xilka madaxweynimo(Peacful transfer of Power).Arrinkaas oo kale waxa uu dhacay March 1990 markii xilkii gudoomiyenimada SNM laga wareejiya Mr.Siilaanyo.Maaliinta waxaa xil wareejntaa hormood ka ahaa beesha Bariga burca, waxanuu Ingiriisku ku maah maahaa "History Repeats itself" ama taariikhdu waa wareegto.
Goob Goobteedii ayaynu taaganahay, markaa walaalahayo Bariga Burco waxaan ugu baaqayaa inay mar labaad Tariikhda baal dahaba ka galaan oo baaqayagan nala qaataan.
Waxa kale oo aanu halkan uga mahad celinaynaa qaybo ka tirsan beesha bariga burco oo garawshiimo ka bixixyay boobkii iyo dhacii lagula
kacay beesha Makaahiil- Sacad Muuse.
6-Beesho waxay go´aansatay in aanay marnaba aqbalin , kuna shaqayn natiijadi xaaraanta ahayd ee kasoo baxday komishanka xaaraanta ah ee ku wajahnayd doorashadii golaha deegaanka.Go,aankaasoo ah mid aanu gar iyo daw u leenahay.
7-Beeshu waxa go,aansatay in ay furto civil law suites "dacwado madani ah" oo lagu oogayo gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo wasiirka madaxtooyada oo faldambiyoodyo kala duwan ka galay beesha iyo guud ahaan qaranka somlailand.Dacwada waxa laga furi doonaa dalalka kala ah Uk, Franace iyo Belguim kuwaaso aanu ka helnay warar dhiiri galin leh.Waxaanan bulshada somaliland kusoo dhawaynaynaa cid walba oo gacan ka gaysanaysa sidii dacwadani u guulaysan lahayd.
8-Beeshu waxay go,aansatay inay hawlgal diblomaasiyadeed ka fuliso dalka dibadiisa si muuqaalka dhabta ah ee maamulka Dulmiye loo gudbiya.
Hawlgalka dibloomaasiyaded waxuu ku wajahanyahay "Friends of Somaliland, European Union,Inetrnational crises group, Amnesty International,
Human Rights watch".Beeshu waxay soo dhawaynaysaa cid walba oo ka tirsan bulshada somaliland oo gacan ka gaysanaysa hawlgalkan.
9-Beeshu waxay go,aansatay in magacawdo 10 xubnood oo gudi farsamo ah oo xidhiidh is daba jooga la samyeeya bulsho weynta somaliland si loo mideeyo xoogaga dulmi diidka ,loogana midho dhaliyo kacdoonka ku salaysan nabada iyo is bedelka(Mass mobilization and awareness programe).
10-Beeshu Waxay gogol wada tashi ah u fidin doonta horaanta bisha January 2013 oo ay ku casumi doonato qaybaha kala duwan bulshada somaliland ee ku dhaqan dalka UK si ay ugu soo ban dhigto daah furna ugu samayso xogata rasmiga ah ee la xidhiidha qaabkii codadka beesha loo boobay iyo cida lagu soo saaray.
9- Gaba gebo Beeshu waxay tix fariin ah oo laga soo xigtay gabayadii gaariye Alla ha u naxariistee u diraysaa hawlwadyaasha taliska Dulmiye tixdu waxay leedayahy "Hadaad duulimaad tahay ,Rido waa u meel dayo,Docor yohow abtiriyaa,Armaad dogoka qiiq leh derintaad ku huridiyo dushaaduun ka hurisaa,Tix way dagaal timi,waa daabad aan baqin,durba gumucii koowaad,waxay daartay nabarkiyo waxaa doogta uguwacan,dawadiise may gelin,kuwa ararta daajiyo ragbaan uga danleeyahay".
Shirkan teleconferenceka waxa kasoo qay galay dadka magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
1-Yusuf Axamad Diirye: London, UK
2-Xasan Jaamac Buraale London, UK
3-Ayaan Faraax Caynaashe Manchester,UK
4-Yasiin Cabdi Kaahin, Coventary, UK
5-Foosiya Cali Ismaaciil, Reading,UK
6-Cali Cabdi Bulaale ,Birmingham,UK
7-Maxamed Yassin Guleed, Atlanta,USA
8-Faarx Cabdilaahi warsame,Atlanta,USA
9-Engineer,Jaamac Xuseen Xasan,Houston,USA
10-Dr,Maxamed Abshir Colajoog, Nairobi,Kenya
11-Caaqil Cali yusuf Wayrax, Nairobi, Kenya
12-Xaaji Xuseen Adan Raage,Nairobi, Kenya
13-Dr.Waris Dauud Cismaan,Nairobi Kenya
14-Ganacsade, Xasan Ibraahim Shiine,Nairobi Kenya
15-Maxamud Cali Abokor, Sydney Australia
16-Cabdilaahi Askar Baxnaan,Sydney Australia
17-Cumar Xaaji Cabdiraxmaan, Holland
18-Cabdislaan Cali Axmad,Holland
19-Cabdi Ismaaciil Timacade, Germany
20-Axmad Yusuf Foodcade, Paris, France
21-Cali warsane Dhagjar, Paris, France
22-Zazam Xaaji Cabdi ,Paris France
23-Cabdi Jaamac guuleed
24-Xamse Sheekh Axmad
25-Raage Cali Aden.
Xidhiidhiya Shirka
Hassan Guuleed
hassanguleed@yahoo.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga