Canada(HWN):- Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Maamulka Radio Xaqsoor Oo Nuqul Ka Mid Ahi Soo Gaadhay Shabakada Caalamiga Ee Hadhwanaagnews Ayaa U Dhignaa Sidan:-Waxaa Imika aduunka oo dhan laga sii cidhib tirayaa maamulada ku salaysan Eexda, qabyaalada Musuq-maasuqa caga juglaynta iyo xasuuqa dadka shicibka ah ee aan waxba galabsan .
Hadaba Radio Xaqsoor waxa uu u taagnaan doona Codka shacabka dulman waxaa kale oo u tagnaan doonaa difaaca qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo oo imika
ay wiiqantay sharaftii iyo karamadii ay caalamka ku lahayd Somaliland.
Dalka Somaliland waa dal curdin ah oo Dimuqradiyadda ku faani jirtay waxaa mudo imika laga joogo 2 sano iyo badh dalka xukumayay Xukumada Siilaanyo oo Dimuqradiyadii Somaliland ay ku faani jirtay God dheer ku tuuray dalkana u horseeday bur bur iyo kala yaac sidaa daraadeed waxa uu radio Xaqsoor U taagnan doonaa sidii Xukumada Siilaanyo wadada qaloocan ay qaday wax loogu sheegi lahaa dalkana uu radio Xaqsoor u badbaadin lahaa.
Waxaa dhawaan hawada soo gali doona radio xaqsoor oo laga dhagaysan doono dhamaan Gobolada Somaliland oo dhan dadweynaha calamkuna waxay ka dhagaysan doonaan websitka cinwaankiisu yahay www.radioxaqsoor.com waxaana imika lagu wadaa websitkaasi dhismo.
Radio xaqsoor dadweynaha ku nool Somaliland waxay ka dhagaysan doonaan Muwjadaha ka aanu idiin soo sheegi doono waxaadna si sahlan uga dhagaysan kartaa adiga oo jooga aqalkaaga,shaqadaada, baabuurkaaga ama adiga oo Miyiga jooga.
Radio xaqsoor waxaa maal-galin ku sameeyay Taageerayaasha tirade badan ee ururka xaqsoor kuna kala nool Aduunka daafihiisa, waxaana Radio Xaqsoor ka howl gali doona wariyeyaal Khibradeeda leh.
Waxaa uu hawada soo gali doonaa Feb-25 -2013 waxaadna aad maqli doontaan 6 cisho oo aanay ku jirin maalinta Jimce ah oo kaliya maalintaasi oo ah maalin fasax ah, Sikastiba ha ahaatee waxa uu hawada ku jiri doonaa maalin walba 2 sacadood, sacada ugu horeysa Radio xaqsoor waxa uu ku bixi doona aLuqadda Afka- somaliga.
60 Daqiiqo Af Somali
30 Daqiiqo Afka English-ka
30 Daqiiqo Afka Xabshiga (Amharik)
Waxa uu Radio Xaqsoor laf dhabar u noqon doona Wararka oo sadexdaa luqadood ku baxaya iyo waraysiyo lala yeelan doona Muwaadiniinta dalkooda Somaliland ka damqanaya isla mar ahaantaana ka gilgilanaya Xukumada siilaanyo ee tacadiyada, boobka hantida qaran iyo Dulmiga ku haysa dadkeeda.
Wararkaasi hadii ay ku dhaafana waxaa ka dhagaysan kartaa website-kooda oo ah www.radioxaqsoor.com