Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dhallinyaro Nafahooda ku Waayey Tartan Shaqo oo ay ka Qaybgaleen


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 03, 2013
Cape Town-(HWN)- Dunida qof kasta wuxuu jecel yahay inuu helo maal amma shaqo uu naftiisa ku maareeyo, balse shaqo la?aanta raagtaa

Cape Town-(HWN)- Dunida qof kasta wuxuu jecel yahay inuu helo maal amma shaqo uu naftiisa ku maareeyo, balse shaqo la?aanta raagtaa waxay dadka ku khasabtaa inay shaqooyin ka doontaan meelo geeridu ka dhowdahay.

Toddoba shaqo-raadiyayaal ah ayaa geeriyooday, 230 kalena way miyir doorsameen, kadib markii 15,500 dhallinyaro shaqo la?aan kala qaybqaateen tijaabo caafimaadkood oo lagu doonayey 90 qof oo ka hawlgala shaqooyin ilaaliyeyaal ah dalka Koonfur Afrika.

Dhallinyadan shaqo doonka ah ayaa mid kasta loo diray farriin ah inay yihiin dadka isugu soo baxay shaqada, kuwaasoo dhammaantood isugu tegay garoon kubadda lagu ciyaaro oo dalkaas ku yaal, waxana loo sheegay in qofkiiba laga rabo inuu garoonka ku

dhammaystiro orod masaafadiisu dhan tahay 2.4 mayl muddo 30 daqiiqo ah si uu u gaadho heerka ugu hooseeya ee laga doonayo qofka doonaya qofka ciidan doonaya.

Isla waqtigii ay bilaabeen oo ahayd Khamiistii toddobaadkii hore oo uu aad u sarreeyey heer-kulka garoonka tartanka tijaabada ah lagu qabtay oo la yidhaa Pietermaritzburg?s Harry Gwa uu gaadhay ilaa 33 digrii, iyagoo dhallinyaradaas badankoodu aanay maalintii oo dhan waxna cunin, waxna cabbin, sidaa darteed waxa la soo daristay xaalad adag oo caafimaad-darro.

230 ka mid ah dhallinyaradaasi way miyir doorsameen, halka toddoba kalena cadho isu gawraceen, halkaasna ku dhinteen, kadib markii ay dhammaystiri kari waayeen orodkii masaafada looga baahnaa si ay shaqada ugu guulaystaan

ibraahim Khadar Saciid

Hadhwanaagnews/Office Hargeysa

ibraahimkhs@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.