wax yaalaha ay Soo saarto puntland sida kaluunka, Cusbada, Beeyada, iyo qaarkaloo badan , aduunyadu wax waa kala gadataa laakin waa in helaa ( Business Exchange ) ama ganacsi lays waydaarsado , itoobiya qaadka ay noo keento balaayada hadaanba ka maarmi weyney may dowladau maalgaliso warshadaha kaluunka soo saara oo kaluunkii oo qasacadaysan loo dhoofiyo itoobiyana aan laga baqin laguna dhiirado sharuudna looga dhigo Itoobiya in ay 50% Qaadka lacagtiisa ku qaadato Kaluun iwm. Waxaa kaloo loo baahan yahay in la labalaabo ama la sadex jibaaro Canshuurta qaadka dowladu ka qaado si loogu taageero dadka qaadka laftiisu waalay oo ku jira isbitaalada dhimirka iyo kuwa dariiqa taagtaagan oo dayaansan qaadkuna wax yelo badan u geystay.
Waxaa kaloo aad iyo aad u muhiim ah is wasaarada waxbarashadu la timaado qorshe qoto dheer oo looga wacyi galinayo ardayda yar yar laga bilaabo dugsiga dhexe in lasiiyo casharo kasheekaynaya dhibaatda qaadka loona diyaariyo dad qaadka cuni jiray oo hoogoodii iyo jabkoodii uga sheekeeya dhalinyarada soo koraysa si ay ugu waano qaataan.
Waxaa kaloo loobaahan yahay in Madaxda iyo Masuuliyiinta dowladu tusaale kudayasho mudan u noqdaan dhalinyarada Soo koraysa oo ay is ka dhaafaan Cunista qaadka si loo helo (good role models) bulshadana u horseeda una tilmaama tubta toosan .
Ugu danbayntiina dadka qaadka cuna waa inay ogaadaan in taaha iyo shalaayga habeenkii qabsadaahi weligood haysanayo hadaanay ilaahey talo saaran oo aanay iska deyn qaadka , waa inay ogaadaan inay yihiin xanuun anaga nahaya oo aan ka wal-wal sanahay waa inay fahmaan inay yihiin boog kutaala bulshada si walba oo la isugu dayo in la dhayana ay adkaan doonto hadaydaan diyaar u ahayn.
Ugu danbayntiina in sanadkaan cusub la hirgeliyo xeradii qaadka ee Qaylo badan oo ah goob magaalada kabaxsan oo qaadka lagu gado laguna cuno, lagana dhexsaaro ,qadka iyo qurunkiisa faras magaalaha Taasoo sabbabi karta inay Bilicda magaaladu hagaagto, inay denbiyada laxariira qaadka sida dagaalka, jeebsiibka , cayda, qashinka, ay kayaraadaan magaaalada oo ay noqoto magaalo xasilan . Waxaan ka Codsanaynaa oo ugu baaqaynaa in dowladu ugu yaraan talada ku darsato arimahaan oo ay ku dhiirato waxna ka qabato dhibaatada qaadlku kuhayo Puntland anogoo og inay dowladu kawarqabto ,hadana waxaan is leeyahay caqli xumo kumaad ogeyne cabsidu xagee ka jirtaa
Abukar Awale ( Qaad Diid ) Gudoomiyaha Ladagaalanka qaadka.