Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxaa ka jira in xukuumadda Somaliland markii ugu horaysay soo faragelisay shirweynaha gaboodka dhalinyarta Somaliland ee sonyo kana go,aan gaadhay doorasha hogaanka cusub ee daladda by Mohamed Ali Dahir


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 03, 2013
Waxaa layaab iyo amakaag igu noqotay markii warar lagu kalsoonyahay ii

Waxaa layaab iyo amakaag igu noqotay markii warar lagu kalsoonyahay ii xaqiijiyeen in dowladda jamhuuriyadda Somaliland gaar, ahaan madaxtooyada Somaliland soo farageliyeen go,aana ka gaadheen cidii hogaamin lahayd labada sano ee soo socda gaboodka dhalinyarta Somaliland ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SONYO. Daladda dhalinyarta Somaliland ee sonyo ayaa inkasta oo ay saameeyeen duruufaha caamka ah ee dalka ka jira sida qabyaalada iyo qaraaba kiilka, oo aanay horeba u dheeliternayn (equal access and representation) oo aan odhankaro sidaa warka ku hayo looma dhama ama ma dheeliterna markaan ka eego dhanka gobolada iyo degmooyinka dalka ama shaqaalaha wada howl maalmeedka daladaas oo cidqudha u badan, ayaa hadana candhana waa xubine waxaa ka jirtay qaab democratic ah

lagu soo doorto go,aan dhalinyarta ee daladaas hogaamisa labadii sanabadii sanoba mar. Olole kooxaysan ama gobolaysan ayaa caado ahaan jirtay in la dareemo labadii sanoba mar, mudo haatan ku siman toban samo (10 years) laga soo bilaabo 2003 oo dalada la aas aasay ilaa sanadka hada dhamaaday oo laqabtay shirweynihii 6 aad ee gaboodka, inkastoo ay horeba u jireen dad kala taageeri jiray dhinacyada u tartamaya hogaan ka dhalinyarta dantoodu aanay ka fogayn mid qabiil iyo wax u dhow oo hadii lamacyadooda la sheegi laha qaarkiin odhanlahayeen ?intaa waan kala hanweynaa? qaar kale o dhanlahaayeen ?intaa waan ku ogaa? ayaa hadana waxaa arintii uga sii dartay markii xukuumadii faraha la soo gashay, oo u kala hiilisay laba nin oo si democratic ah u tartamayey, waxaa culaysk gaar ah la saaray gabolada Sanaag iyo awdal oo guushu u ku xidhnayd dhanka ay raacaan gaar ahaan gobolka awdal ergooyinkii ka socday oo mansabyo xaga dowlada ah iyo lacaga ba loo balanqaaday sidaa wararqaar shirweynaha ku dhawi sheegayeen, hadaba su,aashu waxay tahay tallow maxaa dan ah ee xukuumada ugu jira? Maxay labada tartame oo labadooduba oo madaxtooda isku in u jira loogu kala hiiliyey? Waxaan u dhaafayaa jawaabta su,aalahaas akhristayaasha sharafta leh.

Hadaan su,aalahaas akhristayaasha u dhaafo waxaan jeclaystay in aan umada u macneeya macnaha ururada bulshada rayidh ah, muhiimada jiritaankooda iyo doorka dowladaha ay ka dhexshaqeeyaan ama maamulada laga dhex aas aaso.

Ururadda bulshada rayidh ah waxaynu ku qeexi karaa, awooda seddexaad ee kala xadaysa dowladda iyo ganacsatada dalkasta si dan guud ee mudda loo wada qabto cidna aanay keligeed awood u yeelan in ay bulsha dhaqankeeda, dhaqaalaheeda iyo arimaheeda bulsho ku tagrifasho, muhiimada jiritaankoduna waa awood sedexaad oo loogu talay in dowlada ama maamulka meeli leedahay ka taageerto meelaha ay buuxin kari waydo, waa daneeyayaasha xuuqda bulshada, kuna ilaalisa dowlada iyo ganacsatada in ay gutaan waajibkooda, dowlaha iyo maamulada ay ka dhexshaqaynayaana waxaa waa jib ku ah in ay sifiican ula shaqeeyaan kana dhowrsadaan faragelin aan sharci ku dhisnayn, hadaba may malaynaysaa in doorka maamulka yahay in ay ka go,aan gaadhaan maamulkooda? maya weeye jawaabtu, waa arinku cusub Somaliland in civil society la farageliyo inaga oo ogayn xiligii dowladii rayaale in gaboodkii xuquuqul insaanka ee shura-net Somaliland iyo dowladii markaa jirtay ceebi ka raacaday burburkeedii, xisbiga hada talada hayaana ka hadli jiray in aan ururada bulshada rayid ah la faragelin, ayaa hada maatan aynu tan arkaynaa.

Sidaas darted waxa muuqata hadii arimahan dalladda ka dhanka ahi sii socdaan in ay cawaaqib xun keedi larto oo lays aamini waayo, Somaliland beesha caalimku ku dhaleecayn doonto, nalka Somaliland u ifaaya oo ah dhalinyartu wuu demi doono waayo waxaan afkooda ka hayaa dhalin badan, markii doorashii xukuumada soo fara gelaysay dhacday waa yaab waxa xukuumada arinta faraha u soo geliyey iyo hadii dowladii dhalinyartii wadanka kala jeclaysa nayso oo qaarna dhisayso qaarna dhaadhicinaysa waxba mahadhin oo mustaqbalka shakibaa ku jira.

Talo soo jeedin

Waxaan dhalinta reer Somaliland kula talinayaa waar wadanka idinkaa leh ee qabyaalada xukuumadani idiinku horseedka tahay ka dheeraadaa oo diida macnaha ururrada bulshada rayidhka ahna u sheega

Hogaanka cusub ee SONYO waxaan kula talinlahaa waxaad u eegtahay gudoonkii kowaad ee awood dowladeed kursiga ku fuulay ee howla gelin oo ha ka midnoqonin dowladda ee is badhqabo, dhalinta Somalilandna dhex u ahow, shalaalaha daladdana si cadaaladdi ku jirto ugu xaqsoor dadka ka wada qayb geli, ilaahay bay cadaaliddi u sugnaataye waa lagu eegayaa.

Tartamihii dhacay iyo taageerayaashiisana waxaa o dhalahaa saaxiib hadii dowladii kaa ololaysay oo kaa hiilisay, ha niyad jabin ee khibradaada ugu adeeg ubaxa dalka iskuna day in aad adigu wax wanaajiso waa nin ba waa mare aanay calool xumo iyo tallow maxaa lahaa hiilayey ha odhanin ee horsed u noqo in ay wax saxmaan.

Dowlada Somalilandna waxaa leeyahay, fahma macnaha ururrada bulshada rayidka, dhalinta qabyaalada howga hormuud noqonina, nin jeclaysigana iyo reer jeclaysiga wuu idinku badanyahay ee bal dib usugu noqda, hadii kale maxaa ku dhacay kuwii dariiqiina oo kale maray, bal tariikhda dub u raaca.

Allaa Mahadleh

Mohamed Ali Dahir

 alidahir_1001@hotmail.co.uk

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.