siduu ururkaasi u soconayaa?Waar bahalka suldaan ku dar..
DHaqane:Boqoraa ku jira adeer .
DHaashane:Oo yaa ka mida ?
Dhaqane:Waxaa ka mida boqor libaax madow .
DHaashane:Waar waxan aad shubayso ma naqaane.Maxaad labadan xisbi ee mucaaridka ah mid uun u geli wayday?Ileyn habeen mucaarid baad dhalatoo ,kolay muxaafid noqon mayside.
DHaqane:Maxaanu galnaa Ucidna waa mucaarid muxaafid ah.Wadanina waa muxaafid mucaarid ah e . Bal adigu waa kaase kala dooro.Wadani markaad is tidhaa gal uun baad arkaysaa kiiyoo wax walba runtaada haya kulmiye ,Hadhowna waxaad arkaysaa kiiyoo sheeganaya xisbi mucaarid ah.Ucidna markuu maalin yar qayliyo eed is tidhaa kanaa xisbi mucaaridee gal. ayuunbaad arkaysaa kiiyoo kulmiye xaflad ay leeyiin jooga .markaasaad is waydiinaysaa :Tolow Ucidba ma kulmiyey ku biirtay?Waar Urur kayagaa yare e Dulqaad baanu iska haysanaynaa .Waa iska dulqaadanaynaa intay wax yar si yihiin.Miyaanad maqal heesta tidhaaDul lahow aduuyada badan way dambaysaa.
Waa qalinkii: Baxnaan xaaji aden
Sweden
<haaheey@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga