ay ka raadsadaan shaqo markii ay ka waayeen wadankoodii hooyo (somaliland),
Dhimashadii ugu dambeysay ee ka dhalata tahriibta ayaa waxaa ay 27 ? dem ? 2012 ayaa waxaa dalka liibiya ku dhintay dhalinyar reer Somaliland ah oo tiradoodu dhamayd 20 qof,
Dhalinyartaasi oo u badnaa dhalinyarta reer hargeysa iyo burco waxaanay intii dhaawaca ahayd iyo intii badbaadayba lagu hayaa jeelka lagu magacaabo "khumus" ,
Guntii iyo gababadii waxaan xukuumada uu madaxweynaha ka yahay siilaanyo u gudbinayaa fariin in dhalinyarta Somaliland loo abuuro shaqooyin ay dhalinyartu ku aaminaan wadankooda si aanay ugu madhan ubaxii wadankani badaha aduunka,
By: Mustafa Hamud Omar
Hargeisa, Somaliland
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga