urur siyaasadeedka Xaqsoor oo uu hogaamiyo ninka aadka iyo aadka u qiimaha badan
ee aad wada garanaysaan reer Somaliland na abaal badan ugu hayo gacanti uu ku lahaa dib u xoraynta
wadanka ahna madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey ee Somaliland muj Gud Xasan Ciise Jama
Xukuumada maanta talada haysana taariikhda ayaa qori wax kasta oo ay dhigtaan ayaa bari lagula xisaabtami
Xilkana lamay dhalan ee maalin ayay ka tagi hadaba Somaliland waxay leedahay cadaw badan oo dhan walba
ka xiga oo ka faa,idaysan kara cadhada ururka xaqsoor dowladdu haday ka garaabi waydo gardaradii oo hada
xal toosa u raadin waydo meel fog ayaa hadhow xal laga raadin doona waxaan ugu baaqaya xukuumada uu
hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo inanay arinta Xaqsoor dhayalsan ee si dag daga uga hawlgasho siidii
loo xaal marin laha urur siyaasadeedka Xaqsoor iyo taageerayaashiisaba, waxa kale oon kula talin laha
madaxda haldoorka iyo dhamaan taagerayaasha urur Siyaasadeedka Xaqsoor inay cadhada kasoo noqdaan
wadankuna u todhaan oo ogaadaan wadanku inuu yahay kii aad shalay dib uga xorayseen kalidii taliyihii
Ina barre halgankana aad qaadateen qaybta ugu muhiimsan waayo xaruntii SNM wa baligubadle ee gobalka
Hawd halkii Somaliland shalay laga dhisay maanta looga baqan maayo ishallah. walibalaahi towfiiq.
Allaa mahad iska leh dhamaan
Abdiqani Ibrahim Salaf (Kabtanka)
Realcabdiqani@gmail.com
gudoomiyaha gobalka maroodi jeex ee urur siyaasadeedka Umadda