waa arin la yaableh ragaadisayna ubaxa soo kacaya ee bulshada wiilal iyo gabdhaba, haddaynu tusaale haan u soo qaadano qabyaaladu xaga ay ka soo un´kantay waxay ahayd ay kuna dhisnayd jaahiligii iyo madawgii uu ilaahay inaga saaray hadaynu nahay ummada islaamka, kadib waxa dhaxlay amaba ay ku hadhay dadka ka fog amaba aan u dhaweyn magaalada iyo cilmiga sharafta leh barashadiisa, ee reer baadiyaha ama reer miyiga taasoo la garanayo say af iyo gacan ba ugu xooga badnayd qarniyo aan fogayn ka hor gayiga soomlida, laakiin hada waxa yaab ka keenay ayaa ah hadday qabyaaladu ka timi dad gaalo ah amaba jaahiliin ah maxaa manta qoorta u sudhay dhalin yaradii amaba dadkii mushatamaca iftiinka u ahaa ee ka dhigay dad iyagu huriya dabka qabyaalada maba unka xadhiga qabyaalada, haddaan wax ka yara tilmaamo qabyaalada iyo inay ka duwantahay qabillka , horta erayga qabiil maaha eray laga dido haddaan six un loo isticmaalin maxaa yeelay waxay ku timi qur,aanka isagoo ilaahay ina baraya waxa qabiilku taro taaso ah in la isku garto,ama aanu u lumin xaqii qaraabo nimo oo uu ugu horeeyo kan hooyo iyo ka aabo, taas waxaa caddeynaya markuu nabigu sallalaahu calaeyhi wassalam uu nacdalay qofka ku abtirsada qof aan ahayn aaabihii ama waalidkii waxay noqotay sababtu inuu ka dulmiyay xaqii aabihii ku lahaa marku ku abtirsaday ruux aan dhalin, halkaa waxaa kaaga soo baxaya inay muhiimada weyni tahay in aan la kala lumin si aanu u limin xaqii la isku lahaa, taasi waa xaga qabiilka, hadaynu fiirino xaga qabyaalada, horta qabyaaladu maaha eray ku yimi diinta ama kitaabka qur,aanka ah si amaan ah oo la isku maanayo laakiin wuxuu ugu yimi ama ay tilmaan kooban ka bixisay axaadista rasuulkeenu sallalaahu calaeyhi ay saxaabadu kazoo baxeen magaalada makka ayna yimaadeen magaalada maddiina waxa dhacday in laga dhigo dad walaalo ah oo diinta islaamku walaalaysay, waxaana look ala bixiyay laba magac oo kala ha( muhaajiriin iyo aansaar) hadaba ma ahayn labadaa magac magacyo uu u bixiyay qof bini aadmi ah, manay ahayn magacyo looga bixiyay dhulka dhexdiisa, waxa u bixi labada magacba ilaahay subxaana watacaalaa, waxaana looga soo bixiyay todobada samo ta u saraysa waliba korkeeda, haddana ayadoo ay taasi jirto waxa dhacday in ay is af dhaafaan laba saxaabada ka mid ah midi yahay muhaajir midna ansaari, markay taasi dhacday wuxuu mid waliba u qaylo dhaan dirtay qoladii ay isku magaca ahaayeeen, wuxu yidhi kii muhaajir ka ahaa yaa muhaajiriin ah? Kii kalana wuxuu yidhi yaa aansaar ah? Arintaas markay nabiga gaadhay aad ayuu u cadhooday wuxuuna yidhi ( waaar ma yeedhmadii jaahiliga ayaad isugu habar wacanaysaan anoo dhexdiina jooga)? Run ahaantii waxay taasi ku tusaysaa inay qabyaaladu shay aan fiicneyn maxaa yeelay markii loo isticmaalay labadii magac ee shrafta lahaa qabyaalad wax u eg waad aragtaa nabigu suu uga xanaaqay. Taasi waxay ahayd tusaale aynu kazoo qaadney xaga diinta, bal haddana aynu tusaale labaad aksoo qaadano xaga dhqanka wanaagsan amaba awxay ka dheheen qaar ka mid ah abwaanadii soomaaliyeed ee hore. Abdullahi suldaan tima cadde waa nincaan ah kuna can baxay inuuu aad ula dagaalami jiray qabyaalada taas oo uu marar badan ku cabbiri jiray ama uu kaga hadli jiray gabaydiisa, hadaan soo qaato mid ka mid ah gabayadiisa ka hadlayaa xaga qabyaalada iyo xumida ay leedahay wuxuu yidhi:
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa´in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane
Run ahaantii waxaabad moodaa inuu abwaanku soo joogay halka ay manta soomliyi marinayso qabyaalad xumida, waxaan kusoo koobayaa qoraalka dhalin yaradu waa fursad aad u qaali ah hadday ku dhaaftana aanad dib u heli haddey wax xun kugu dhaaftana aad ka qoomamoon doontid mar aanad meelaad ka laaabato joogin, marka dhalin yaro ha looga faa,idaysto fursadan in ummada la isku xidho iyo in la walaaleeyo, dhalin yaro ha noqonina kuwii ka qayb qaata burburka waddankooda ee noqda kuwii ka qayb qaaata sidii lagu heli lahaa ummad walaalo ah.
abdurrahman abdullahi yoonis
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga