Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


waxaan halkan kusoo gudbinayaa qoraal yar ama curis kooban oo ka hadlaya ama wax ka tilmaamaya qaabka loo abuuray qabiilka ama u jeedada laga lahaa


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 03, 2013
Marka hore waxaa mahad iska leh dhamaanteed ilaahay, mahadda kadib waxaan halkan kusoo

Marka hore waxaa mahad iska leh dhamaanteed ilaahay, mahadda kadib waxaan halkan kusoo gudbinayaa qoraal yar ama curis kooban oo ka hadlaya ama wax ka tilmaamaya qaabka loo abuuray qabiilka ama u jeedada laga lahaa iyo in soomaalidu u isticmaashay   qaab ka duwan u jeedadii laga lahaa taas oo dhab ahaan lumisay macnihii qabiilku lahaa sababtayna in dad badan kala sooci waayaan macnaha qabiil iyo qabyaalad oo ay dad badan oo soomaaliyeed u qaateen macnaha qabiil inuu yahay in la is garab taago ninka ku xiga wanaag iyo xumaan kuu wado adaan kala eegin amaba fiirin miyuu ku qaldan mise wuu ku saxan yahay waxanaad ku dufaacayso, wax kastuu sameeyana uu u qaatay inuu qaraaabadiisa ku xidhiihdiyay runtii

waa arin la yaableh ragaadisayna ubaxa soo kacaya ee bulshada wiilal iyo gabdhaba, haddaynu tusaale haan u soo qaadano qabyaaladu xaga ay ka soo un´kantay waxay ahayd ay kuna dhisnayd jaahiligii iyo madawgii uu ilaahay inaga saaray hadaynu nahay ummada islaamka, kadib waxa dhaxlay amaba ay ku hadhay dadka ka fog amaba aan u dhaweyn magaalada iyo cilmiga sharafta leh barashadiisa, ee reer baadiyaha ama reer miyiga  taasoo la garanayo say af iyo gacan ba ugu xooga badnayd qarniyo aan fogayn ka hor gayiga soomlida, laakiin hada waxa yaab ka keenay ayaa ah hadday qabyaaladu ka timi dad gaalo ah amaba jaahiliin ah maxaa manta qoorta u sudhay dhalin yaradii amaba dadkii mushatamaca iftiinka u ahaa ee ka dhigay dad iyagu huriya dabka qabyaalada maba unka xadhiga qabyaalada, haddaan wax ka yara tilmaamo qabyaalada iyo inay ka duwantahay qabillka , horta erayga qabiil maaha eray laga dido haddaan six un loo isticmaalin maxaa yeelay waxay ku timi qur,aanka isagoo ilaahay ina baraya waxa qabiilku taro taaso ah in la isku garto,ama aanu u lumin xaqii qaraabo nimo oo uu ugu horeeyo kan hooyo iyo ka aabo, taas waxaa caddeynaya markuu nabigu sallalaahu calaeyhi wassalam uu nacdalay qofka ku abtirsada qof aan ahayn aaabihii ama waalidkii waxay noqotay sababtu inuu ka dulmiyay xaqii aabihii ku lahaa marku ku abtirsaday ruux aan dhalin, halkaa waxaa kaaga soo baxaya inay muhiimada weyni tahay in aan la kala lumin si aanu u limin xaqii la isku lahaa, taasi waa xaga qabiilka, hadaynu fiirino xaga qabyaalada, horta qabyaaladu maaha eray ku yimi diinta ama kitaabka qur,aanka ah si amaan ah oo la isku maanayo laakiin wuxuu ugu yimi ama ay tilmaan kooban ka bixisay axaadista rasuulkeenu sallalaahu calaeyhi ay saxaabadu kazoo baxeen magaalada makka ayna yimaadeen magaalada maddiina waxa dhacday in laga dhigo dad walaalo ah oo diinta islaamku walaalaysay, waxaana look ala bixiyay laba magac oo kala ha( muhaajiriin iyo aansaar) hadaba ma ahayn labadaa magac magacyo uu u bixiyay qof bini aadmi ah, manay ahayn magacyo looga bixiyay dhulka dhexdiisa, waxa u bixi labada magacba ilaahay subxaana watacaalaa, waxaana looga soo bixiyay todobada samo ta u saraysa waliba korkeeda, haddana ayadoo ay taasi jirto waxa dhacday in ay is af dhaafaan laba saxaabada ka mid ah midi yahay muhaajir midna ansaari, markay taasi dhacday wuxuu mid waliba u qaylo dhaan dirtay qoladii ay isku magaca ahaayeeen, wuxu yidhi kii muhaajir ka ahaa yaa muhaajiriin ah? Kii kalana wuxuu yidhi yaa aansaar ah? Arintaas markay nabiga gaadhay aad ayuu u cadhooday wuxuuna yidhi ( waaar ma yeedhmadii jaahiliga ayaad isugu habar wacanaysaan anoo dhexdiina jooga)? Run ahaantii waxay taasi ku tusaysaa inay qabyaaladu shay aan fiicneyn maxaa yeelay markii loo isticmaalay labadii magac ee shrafta lahaa qabyaalad wax u eg waad aragtaa nabigu suu uga xanaaqay. Taasi waxay ahayd tusaale aynu kazoo qaadney xaga diinta, bal haddana aynu tusaale labaad aksoo qaadano xaga dhqanka wanaagsan amaba awxay ka dheheen qaar ka mid ah abwaanadii soomaaliyeed ee hore. Abdullahi suldaan tima cadde waa nincaan ah kuna can baxay inuuu aad ula dagaalami jiray qabyaalada taas oo uu marar badan ku cabbiri jiray ama uu kaga hadli jiray gabaydiisa, hadaan soo qaato mid ka mid ah gabayadiisa ka hadlayaa xaga qabyaalada iyo xumida ay leedahay wuxuu yidhi:

 Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
 Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
 Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
 Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
 Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

 

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa´in abidkiise
 Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
 Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
 Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
 Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
 Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka

 

 

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
 Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
 Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
 Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
 Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
 Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane


 

Run ahaantii waxaabad moodaa inuu abwaanku  soo joogay halka ay manta soomliyi marinayso qabyaalad xumida, waxaan kusoo koobayaa qoraalka dhalin yaradu waa fursad aad u qaali ah hadday ku dhaaftana aanad dib u heli haddey wax xun kugu dhaaftana aad ka qoomamoon doontid mar aanad meelaad ka laaabato joogin, marka dhalin yaro ha looga faa,idaysto fursadan in ummada la isku xidho iyo in la walaaleeyo, dhalin yaro ha noqonina kuwii ka qayb qaata burburka waddankooda ee noqda kuwii ka qayb qaaata sidii lagu heli lahaa ummad walaalo ah.

 abdurrahman abdullahi yoonis

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.