Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


XISBIGA UCID FILM CARTOONBA MIYAANU WAAYEN by cabdiqaadir maxamed ibraahin ismaacil


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 03, 2013
Baribaa waxaa jirey nin odey ah oon waligii magaalo arag ayaa usoo safrey magaalo, ayaa markuu howlihiisa dhamaystey ayey baahi

Baribaa waxaa jirey nin odey ah oon waligii magaalo arag ayaa usoo safrey magaalo, ayaa markuu howlihiisa dhamaystey ayey baahi qabatey waxuu ku leexdey hudheel  waxaanuu is yidhi wax ka cun markuu fadhiistey , mudalbkii baa u yimid ?adeero waxaan cuno ii keen?ayuu odeygii yidhi,mudalabkii  ayaa waxa uu odeygii u tiriyaya wax uu fahmi  waayay odeyga waxa kaliya uu ka gartey ay ahay digir waxa u ka xishoodey inuu u sheego inuu fahmi waayey waxan uu u sheegey , ayuu waxa uu dalbadey digirtii uu ka gartey waxa uu mudalabku u sheegey, isagoon aan dooneyn, markasuu waxa uu arkey ninkaloo dhankiisa fadhiya oo aduun hilib iyo baasto isla dhacaaya si uu ku weydiiyo atuu garan waayey mar danbe

ayuu maqley ninkii oo leh ?BIIS? ii biis oo uu ola jeedo igu celi waa loogusoo celiyay ninkii, odeygii oo dhamays tidhi la? digirtii ayaa yidhi ?BIIS? isna isagoo moodaya in loo keenayo waxa ninkan loo keenay in loo kenayo hasa yeeshe waxaa loo kenay isla digirtii uu dhaqaajin kari waayay ayaa loo keenay isagoo yaaban ayuu lacagtii iska bixiyey diidana inuu iska dhigo nin miyi ka yimid.

Taa waxaa ka dhigan inankan yare e socod baradka siyaasada ah ee marba mar wadada hadka kale uga baxaaya mar uu dagaal ku hanjabo iyo mar uu cid aflagaadeeyo horana usoo baabiiyay xisbigii hoyadda u ahaa asxaabta dalka ee udub. Siyaasigu waa ka kahadla maalinba meeshey taagan tahay cabiri karana dareenka dadka uu la hadlaayo farxad iyo murugana la qaybsan kara dadkan uu la hadlaayo.

Mr film cartoon II ayaa hadal xanaf leh la dul fuuley gudoomiyaha xisbiga micaaridka ah ee wadani iyadoo xisbiga UCID  u dabaal dagaayo guushii uu kazoo hooyay doorashooyinkii golaha degaanka halka uu la qaybsan lahaa farxada u dabaal dagaayo xisbiya , waxaa uu boqolkiiba boqol qudbadiisa ku dhameystey inuu ka hadlo gudoomiyaha wadani isagoo aan soo bandhigin waxa uu dastuurka dalka ka qabo labadan xil ee gudoomiyaha golaha wakiiladda iyo waxa uu ku duraayo kuna meereystey kubad iyo sheeke caruureed , ma?aha markii ugu horeysay ee nin hogaamiya xisbi uu qabto xilalka dalka ugu mudun waxaa horey usoo marey,alla ha u naxariistee madaxweyne    CIGAAL oo ahaa gudoomiyaha xisbiga UDUB  iyo xilka ugu sareeya ee madaxweynenimo , waxaa ku xigey mudane RIYAALE  oo isna sidaas oo kale labo xil u wada haayay

Intaa dabadeed nin aanu saaxiib nahay oo habeenkaa ila daawanayay ayaa kalmad aan aad ula cajabay iga ag yidhi oo ah miayaanu xisbiga UCID waayeen film cartoonba isagoo ula jeeda halkeey saaxiibkii xisbaga ka iibiiyay oo ay naaneystan horey ula baxay

cabdiqaadir maxamed ibraahin ismaacil
 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.