Salaaam Warbaahinta sharafta le:
Gudoomiyaha xisbiga Wadani oo cashar lama ilaawaana u dhigey Jamaal iyo Faizal. Qudbadii Abdirahman Ciro maanta ka akhriyey xafladii Wadani wuxuu cadeeyey in aan sharcigu ogoleyn nin gudomiye 3 jeer xisbi isaga soo sharaxa sida Faizal Ali Waraabe. Xeerka JSL wuxuu ogolyey 2 jeer oo keliya. Sida ku cad xeer no. 14 qodobkiisa 12 faqrada 1 iyo 2
Faizal ileyn qiiqa ayuu isku qarin jirey? Lagu qabay Faizalow?. Maxkamad na waa laguu dirayaa in aad sharciga jebisey oo aanay ahayn ba in aad gudoomiye mar sadexaad isu sharaxdo.
Gudomiyaha Wadani, Jamaal Ali Hussien na wuxuu u bixiyey Guuleed Xawaashe oo ahaa nin xiiqsan oo soo dhex geley laba nin oo isu gabyey. Hadaba Jamaal iyo
Faizal ha ogaadaan haday Kulmiye iyo Wadani labadaba ku mucaaradaan in sandwich laga dhigayo oo dhan walba laga soo dhir baaxayo. Qudbadaa maanta oo mid aad u qiima badneyd ahayd waxay aad uuga khalkhalisey xisbiga UCID.
Faizal iyo Jamaal la isma gaadhin weli: Hubka waaweyn xamili meysaan iyo hababa bac diisee waxa la idinku heyl heylayaa waa hoota bagaftii.
Ciro Faizal iyo Jamaal ba wuu ka siyaasi sanyey oo qudbad cilmiyeysan oo dhan walba taabaneysa ayuu akhriyey, hadey tahay Musharax nimadiisa Madaxweyne, iyo hadey tahay danta dalka iyo doorashadii la soo dhaafey iyo dhaliila heeda ba. Jamaal na wuxuu xasuusiyey haduu durba xiiqey in uu siyaasada iskaga baxo.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga