Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hargeysa: Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Oo Mugdi Geliyay Deegaanka Ay Xukumi Doonaan Mayorka iyo Ku Xigeenka Saylac


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 03, 2013
Ergo ayaanu nahay xukuumadda ayaanan kala hadlaynaa sidii ay wada hadalo xal ah looga gaadhi lahaa khilaafka ka jira deegaanka Saylac?

Hargeysa (HWN) Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, ayaa gaashaanka ku dhuftay Doorashadda Golaha Deegaanka ee Magaaladda Saylac ay ku doorteen Mayorka iyo ku xigeenkiisa.

Waxa uu xusay in aanay beeshoodu aqoonsanayn doorashadaasi isla markaana ay la yaaban yihiin cida uu xukumayo mayorka iyo ku xigeenkiisa.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar

uu maanta Magaaladda Hargeysa ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanu yidhi

Wax ay doorashaddaasi dadka deegaankaasi ama beeshaasi ka rumaysan tahay ma jirto, mida kale Mayorka iyo ku xigeenkan la leeyahay waa la doortay ma garanayno meel ay xukumayaan, anaguna mana dhacayso in ay iyaguna doortaan mayor iyo ku xigeen, xaalkuna uu noqdo mindi-mindi ku tag? Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye.

Waxa kale oo uu xusay in ay yihiin ergo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kala hadlaysa sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka ka jira Gobolka Salal

Ergo ayaanu nahay xukuumadda ayaanan kala hadlaynaa sidii ay wada hadalo xal ah looga gaadhi lahaa khilaafka ka jira deegaanka Saylac? ayuu yidhi

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.