Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxamuud Xaashi Baan U Doortay Masuulka Sanadka, Waana Fekerkayga ee Maaha kiina?.Maxamed Ismaaciil


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 03, 2013
Runtii aniga oo aan jeclayn in aan halkan ka sheego qodobo badan, balse waxa aan is yar dul taagi lahaa, horumarka uu gaadhsiiyay wasaaradda duulista Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Aniga oo marka hore u mahad celinaya maamulka iyo hawlwadeenadda hagar baxay ee Hadhwanaagnews, waxa aan jeclaan lahaa in aan fekerkayga ka dhiibto  su?aasha maanta oo ah masuulkee ayaynu  u aqoonsanaa kii ugu wanaagsanaa ee sanadkii tagay.

Runtii aniga oo aan jeclayn in aan halkan ka sheego qodobo badan, balse waxa aan is yar dul taagi lahaa, horumarka uu gaadhsiiyay wasaaradda duulista Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Maxamuud, waxa

uu la wareegay Wasaaradda Duulista Hawada oo runtii aan odhan karo waxa uu kala wareegay Wasiir laftiisu guulo la taaban karo gaadhsiiyay, hadana waxa aan soo qaadan karaa dib u dhiska iyo casriyaynta ku socota Garoonka Diyaaraddaha ee Magaaladda Hargeysa.

Marka laga yimaado dhabaha, waxa iyaguna barbar socda dhismeyaal kale oo uu ka hir geliyay isla madaarka, waxaanu ku rakibay qalab casri ah oo dhaq-dhaqaaq kasta oo ka jira madaarka lagala socon karo.

Waana wax ka sokow Wasiirka Duulista loogu mahad celiyo xukuumadda uu ka tirsan yahay oo lafteedu la leh guushaas.

Hadii aan ka tago Madaarka Magaaladda Hargeysa oo aynu dhinaca Bari u jihaysano, waxa uu ka hir geliyay dib u casriyayn Madaarka Magaaladda Berbera oo ah kan ugu weyn geeska Afrika.

Madaarka oo ku yaala Magaalo Xeebeed, waxa uu u sameeyay imkaaniyaadkii ay u baahnayd meel xeeb ahi, waxaana hadda ka socota shaqadda oo dhan, waana madaarka laga duulo ee laga soo dego.

Sidoo kale Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayuu Wasiir Maxamuud Xaashi ka hir geliyay in uu madaarkeeda u sameeyo Dayr Weyn.

Waana markii ugu horeysay ee Madaarka Magaaladda Burco dad xoolaba laga oodo, waayo sanadihii hore Madaarka Magaalada Burco waxa uu ahaa mid aan shaqaynayn, waxaana hadda laga wadaa dib u dhis, in kasta oo ay dadka reer Burco amaanteeda wax badan ku leeyihiin oo ay qurbe joogu u soo jeedsadeen, hadana dhawaaqa dib u dhiska waxa iska lahaa Wasiir Maxamuud Xaashi.

Hadaba aniga oo ah Maxamed Ismaaciil, kuna nool Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, runtiina aan la hayb ahayn wasiirka waxa aan u dooran lahaa Maxamuud Xaashi Cabdi in uu yahay Wasiir ka dhex Muuqda Saaxiibadiisa Kale.

Maxamed Ismaaciil

Hargeysa/Somaliland


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.