Fardaha ayaa ahaa kuwo ahmiyad weyn u lahaa dhaqanka Somaalida ayaa waxaan isku dayey in aan waxyar oo aan ku soo koobey qoraal gaaban ka soo gudbiyo.
Faraska Dhedig waxa afsoomaaliga lagu yidhaa Sange, Farska labna waxa la yidhaa Darmaan. Guud ahaan fardaha waxa loo kala saaraa laba nooc oo kala ah Yaar iyo Fagaase.
Faraska midabka maddow leh waxa afsoomaliga lagu yidhaa Caynab. Faraska cadna waxa la yidhaa Baroor, Farskan ayaa inta badan wuxuu leeyahey indho blue ah.
Faraska Casna waxa loo yaqaan Xamari, waxaana jira Xamar-cas iyo Xamar-dahab. Faraska midabka boorka (Grey) ah leh waxa la yidhaa Ashkar, waxa jira Ashkar-cad iyo Ashkar-madow. Faraska barabaraha leh ama Laba
middab iskugu jira waxaa la yidhaa Ubaxleh inta badan wajiga ama jilbuhuu cadyahey ama barobaro ku leeyahey.
Waxa kaloo jira Bulaale iyo Bulaale xareed..
Faradaha socodkoodu waa sadexnooc girdif, gaaguf, iyo giig-dhaqaajis. Fardaha markaanu orodkoodu u dhameyn waa Wagleyn, kadleyn. Fardaha marka Ordayaana waa Fagal, Fadhaq, Toocin, Kalabixin i.w.m
Qalabka ama aaladaha loo isticmaalo Fardaha waxa ka midda Birmad oo ah Birta afka laga geliyo, waxa kaloo ka midda Jarre oo ah kii lagu joojinayey (Break) faraska waxaana noqonkaraa Jarre suun ah ama mid laga sameeyey Dun adag oo la soohey.. Waxa kale oo loo isticmaalaa Fardaha Xakame iyo Shakaal oo kala ah hogaankii hagayey Faraska iyo gadhqaadkii xakameynayey faraska.
Ahmiyadda iyo qiimaha farduhu u lahaayeen Bulshada Somaaliyeed waxaa ugu mihiimsan sadexdan xikmadood ee hoos ku qoran.:
-Hadaad Xoolo dooni Xamarro ag-joog.
-Hadaad Xillo dooni Xamaro ag-joog.
-Hadaad Xarago dooni Xamaro ag-joog
Xamaro oo looga jeedo Fardaha oo Bulshada Somaaliyeed ahaa qaar faaiido badan u leh . Fardaha Somaalida ayaa ah qaar qoob fudud oo lagu amaano iney ka karti badan yihiin kana dheereeyaan faradaha kale caalamka waxaana aad loo sii amaana Fardaha Nuugaal iyo Sanaag, waxa kale oo jira Fardaha Hawdka, Fardaha Adari, I.W.M.
Si kastaba ha ahaatee Fardaha ayaa ahaa mid ahmiyadoodu intaa aan kor ku xusney ka badantahey, Somaliduna dhaqan u lahaan jirtey Dhaqashadooda oo faaiido badan ku qabeen Bulshada somaaliyeed oo asalkoodu reer guuraa u badnaa....
Qalinkii: Mustafe Dahir Roble ( Shaash) Copenhagen Dk.
Mustafe-shaash-dk@live.dk
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga