Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Milicsiga Waxqabadka Maayaarkii Hore ee Caasimada Hargeysa Markhaatiga Dadweynaha iyo Malaayiinka Uu Kaga Tagey Khasnada D/hoose (Faallo)Wariye C/raxmaan-Hiiraan


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 05, 2013
Hargeysa(HWN)-Marka si dhab ah loogu gondo noqdo Waxyaabaha ugu muhiimsan ee tilmaanta u ah Waxqabadkii Maayarkii

Hargeysa(HWN)-Marka si dhab ah loogu gondo noqdo Waxyaabaha ugu muhiimsan ee  tilmaanta u ah Waxqabadkii Maayarkii hore ee Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud(Jiciir), oo wakhtigan xaadirka ah ka muuqda Gudaha Magaalada Hargeysa marka dhinacyo badan laga Qiimeeyo Sida Dhismaha jidadka Gudaha Magaalada iyo Dhismayaasha Guryo badan oo Golaha Deegaanka Hargeysi mudadii uu Hogaaminayay ay u dhiseen dad badan oo danyar ah oo ay iska kaashadeen Hay,ado kuwa Samafalka ah.

Waxaana inta lawada ogyahey Khudabadii uu maanta ka jeediyay Madashii Xil-wareejinta ee ay Xuilka Maayarka Caasimada kula kala wareegayeen Isaga(Maayarkii-hore) iyo Maayarka Cusub Eng Yuusuf Warsame Siciid ee lagu Qabtey Hoolka Shaqaalaha Dowlada ee Magaalada Hargeysa waxa dareenka Khudbadaasi soo

jiitey Guud ahaanba kasoo Qeyb galayaashii Munaasiibada oo ku waajahey hadalada Maayarkii hore ee Caasimada dareen Qiiro leh oo ay jawaab markhaati ah uga dhigayaan Waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu Xilkaasi hayay, taas oo marka loo sii dhabo nuxurka hordhaca Khudabdiisii ee ku suntaneyd Shantii Sano ee hore iyo Caqabadaha ay ka talaabsan la,aayeen oo uu sabab u ahaa Khilaafkii Golaha Deegaanka dhexdiisa oo ay hogaaminayeen koox kamid ahaa Golahaa hore oo uu horkacayay Eng Yuusuf Kirix Cawed oo isagu maaganaa Damaca Kursiga Maayarnimo in ay talaabadaasi ku aheyd dhaabad Xanibaad culus ku ah in ay ku dhaqaaqaan Talaabooyiinka Hurumarka ee uu fursada badan u helay Wakhtiyadii u dambeysday iyadoo, inta lawada ogyaheyna Maayarkii Hore ee Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud(Jiciir), uu Waxqabadyo badan oo la taaban karo islamarkaana ku xidhiidhsan Bilicda Caasimada Hargeysa ee Wadooyinka iyo Hareerahoodaba waxa kaga qabtey mudadii ay Xukuumadani talada la wareegtety intii ka dambeysay xiligaas oo ay U suurta gashey dhismayaasha jidad door ah oo nidaamka Dhismahooda uu isagu jideeyay isagoo ku saleeyay kala Qeyb galka Bulshada qodobkaas oo buddhig fiican u ahaa waxyaabaha uu ka tagayo maanta ee dhismaha danta Guud ee midhahoodii lahayo oo kamid ahaa Fikardaha lagu xasuusan doono Eng Xuseen Maxamuud(Jiciir) ee uu kaga tagey Caasimada Hargeysa oo Hurumar balaadhan iyo waxaqabad dhab ah laga Dareemayo Tobankii sano ee aynu soo dhaafney, hadaan Tusaale usoo qaato nin toban sano ka hor dhinaca dalka Itoobiya kasoo Booqdey Caasimada Somaliland ee Itoobiya oo hadana dhawaan mar labaad Booqasho kuyimid ayaanu ku kulaney Huteelka Emperial ee Magaalada Hargeysa, Salaan markii aanu isweydaarsaney kadib waxa uu ninkii igu yidhi kalmad aanan Ilaabin indhawaale taas oo hadalkiisa ay u dhigneyd "Samadii Arsaaqada ayaa Ku Beegan Halkan Hargeysa"Isagoo ku macneeyay Dhismayaasha ka hirgaley mudo kooban ee dhinaca Dadweynaha iyo Nidaamka loo habeeyay Dhismayaasha Wadooyinka ee laga bineeyay meelo dhagaxu garabka is qabadsiiyay waxaanu Sheegay in hadii tabac kale oo Dhinaca Dowlada ahi galo in ay Maalin dhow Gaadhi doonto Magaalooyinka Caalamka.

Sikastaba ha ahaatee, Waxa Xusid mudan oo Khudabadii maanta ee Maayarkii Hore ee Caasimada Hargeysa ka ilaabay hadaladii Xilwareejinta kamid ahaa Lacagata uu kaga tagey Khasnada Dowlada oo ah Lix Boqol oo Milyan oo Shilinka Somaliland ah taas oo aanay jirin habayaraatee wax deyn ah oo uu ku wareejiyay Golaha Cusub iyo Maayarka uu Xilka ku Wareejiyay, waana lama Huraan in maalinta Qofku tagayo aan la ilaawi karin Waxqabadkiisii.

 

C/raxmaan Nuux Axmed(Hiiraan)

Hadhwanaagnews

Email:hiiraan2007@gmail.com  


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.