Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiir Samaale Cadawada u u hayaa waynaa Reer Gabiley? By Maxamed Cali


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 06, 2013
Waxaan manta qalinka u qaatay in aan waxyar ka idhaah cashuur Kordhinta Wasiirka Maliyadu ku kordhiyay shirkahada Jaadka ka soo warida dalka Ethiopia

Dhamaan warbaahinta madaxbanan way salamanyihiin

Waxaan manta qalinka u qaatay in aan waxyar ka idhaah cashuur Kordhinta Wasiirka Maliyadu ku kordhiyay shirkahada Jaadka ka soo warida dalka Ethiopia kana soo galiya Kastamka KALABAYDH ee Gobolka Gabiley,una nordhiyay sida la sheegayo 100% , halka dekeda Berbera lagu kordhiyay 30%, tani ayaa sababtay cadho aad u wayn oo shirkadaha QAAD ku kaga wareegen dhamaanba Kastamka KALABAYDH, una gureen xarunta gobolka HAWD ee (Baligubadle), Kastamka KALABAYDH ayaa ahaa isha labaad ee dhaqalaha Somaliland taasi oo ay ka soo xaroon jirtay dakhliga dalka 18%, halka 82% ay ka soo hoydaan Dekeda Berbera ee Gobolka Saaxil, waxaana kaga lumaysaa gobolka Gabiley cashuur kordhintan dhaqaale xad dhaafa oo gobolka iyo degmooyinkiisa ba

ka soo gali cashuurta laga qaado QAADKA, una dheera gobolada dalka intooda kale, waxaana u shaqo tagi jiray boqolaal reer Gabilay ah iyo shaqale kale oo ka kala yimid gobolada dalka intiisa kale, taasi cakis keeda waxaa hada dabaal deg ku jira dad waynaha gobolka Hawd oo iyagu hada gacanta ku dhiga cashuurta aad ka u badan ee laga qaado QAAD ka inooga yimaada dalka Ehtiopia, deganadaasi oo beryahan danbe aayna isku sanbananayn xukuumada Silaanyo, lana sheegayo in xataa 50% aan laga qadin cashurti hore looga qadi jiray, iyada oo laga faidaysanaayo kacdoonada shacabka dhulkaasi ku dhaqan oo yaalaba la sheeko in ayna fulin badiba amarada xukuumada somaliland .

Hadaba samayn nooce ah ayay Wasiir Samaale ku yeelan kartaa cashuur kotdhintan Shiriikadaha QAADKU?

Sida aan wada ognahay wasiirka maliyada Somaliland waxaa lagu waday u u noqon doono musharax madaxweyne xusbil xaakimka KULMIYE sanadkan Cusub (2013), gobolka tageerada ugu badan u ka filayayna waxay ahayd golba ka Gabiley kaasi oo una ka soo jeedo, inkasta oo reerkiisa lagaga awood badanyahay, gobolkan gabilay ayaa lagu nanaysaa Ohio yada Somaliland, wana gobolka ugu dadka badan gobolada Somaliland waana meesha lagu kala baxo dorashooyinka madaxtinimada Somaliland iyada ayaana go?aamisa cida noqonaysaa madaxweynaha Somaliland. Gobolkan ayaa mudooyinkii u danbeyayba waxay fiintu dhex miranaysay xukuumada u hogaamiyo madaxweyne Silaanyo, kadib markii ay ku qaday xukumadu gobolka dufaano siyaasadeed oo is xig xigay, uguna horeeyay Mayorkii xilka hayay markii ay dalada dalka la wareegtay oo si shraf dhac ah xilka looga qaday into askar lo soo kaxaystay isaga oo aan wax danbi ah galin sifo aan sharci ahayna xilkaasi lgu cumaday kuxigeenkisii marwo Khadro Gaydh, intaasi uun lagagama hadhine waxaa isna sidaa si lamida looga xayuubiyay taliyihii cidamada qaranka Somaliland Gen Nuux Ismaciil Taani, waxaa hada si sidaa ka sii daran loogu xigsiyay talihii lagu bedelay Taani Gen JIDHIF, waxaa hada lagu sii daray oo si fuwaaxisha ah xilka looga qaday wasiirkii warfaafinta iyo wacyigalinta Mudane Mujaahid C/raxmaan Yusuf Ducaale (BOOBE). Hada iyada oo halkaasi gadhay cadawada xukuumada Kulmiye u qabto Gobolka Gabiley waxaso hadimo ahna hore ugu gahaysatay ayaa hadana waxaa u imika u raaciyay wasiir Samaale in u ka xidho ishii dhaqaale ee gobolkaasi caanka ku ahaa, halkaasi oo dadka odoroosa arimaha siyaasada ay tilmamayaan in ay god madoow ku riday mustaqbalkii siyaasadeed ee wasiir Samaale oo aan markii hore cago adag ku tagnayn, wasiir Samaale ayaa hore u shaaciyay in u u tartami doono jagada madaxwen nimo xisbiga dhibatada badani haysato ayna soo kala taganyihiin shacabka reer Somaliland, taasi oo ay sababtay dhibatda aan xadka lahayn ee u u gaystay shacabka mudadii u xilka hayay, Mr Samaale ayaa awalba dadka siyaasada odoroosa ku tilmaami jireen nin aad u hanyar oo aan lahayn misaan siyasadeed, iyo wayo aragnimo toona, taasina ay sababtay in isaga oo ku fadhiya kursiga wadanka ugu sareeya u qatay wasiir iyada oo la odhan karo ducaqabe,haseyeshee iyada oo dadka ka falooda amuuraha siyaasadu marka horeba ay ka sii dardaar warinaayen mustaqbal siyaasadeed ee wasiir Samaale oo ay la hayeen wasiirnimada Samaale waa siyaasada kagaga saarayo xayn dabka siyasada, ayaa talabooyinka hada u qaadayaa ay u eegtay midi Ticket ka u jari lahayd dibada u uga bixi lahaa siyasada Somaliland madama u macasalameeyay hada meeshi kali ahayd ee u isku halaynayay amaba u ka filayay codka hadiiba u e u nasiib u helilahaa in u musharax u noqdo xusbiga Kulmiye. Waxanay aniga ilatahay tani ay tahay tii u inagu macasalamayn lahaa Mr Samaale Saaxadana u uga bixi lahaa.

By Maxamed Cali

Email: maxamed1191@hotmail.com

 

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.