Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


WARBAAHITA BEESHA SIIRAANYO OO KA HINAASTAY SHAHAADO SHARAFTII LA GUUDOONSIIYAY ABWAANKA QARNIGA ABWAAN ILKA JIIR. by RASHIID MAXAMUUD CABDI.


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 06, 2013
Intiinii la socotay todobaadkii aynu ka soo gudubnay waxa shahaado la gudoonsiiyay abwaanka qarniga

Intiinii la socotay todobaadkii aynu ka soo  gudubnay waxa shahaado la gudoonsiiyay abwaanka qarniga Somaliland, taasi oo uu  ku mutaystay sida aanu abwaanku uga hadlay siyaasadda guracan ee Siiraanyo ee ku salaysan eexda, qaraabo kiilka kala qayb qaybinta qaranka walaalaha, musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dalka, isaga oo abwaanku sugaan ku cabiray habdhaqanka siiraanyo iyo waliba sida uu ugu fashilmay xilkii qaranka ee loo egmeday.



size=4>Shahaada sharafta la guudoonsiiyay  abwaanka ayaa waxa ku maamuusay oo u hibeeyay urur fadhigiisu yahay magaalada London ee uk oo magiciisa la yidhaa SCG, kaasi oo ah urur samo fal ah oo u dooda xuquuqda insaanka iyo waliba xoriyatul qawlka, waxana ay shahaadada ku gudoonsiiyeen madal  ay isugu yimaadeen dhalin yaro tiro badan oo ka kala timi daafaha magalada London oo ka soo kala jeeda dhamaan gobolada  uu ka kooban yahay wadanka Somaliland.

 

Haddaba markii shahaadadan la guudoon siiyay abwaanka qarniga ayaa waxa aad uga hadlay warbaahinta beesha siiraanyo ee uu maal galiyo wasiirka madaxtooyada Somaliland taasi oo dhamaantood dareen isku mida ka bixiyay, sidoo kale waxa ay mid ka mida shabakadaha beesha siiraanyo aflagaado qaawan kula kacday ururkii isagu soo abaabulay munaasibadan kaasi oo ay ku tilmaameen urur qaran dumis ah, oo aan danaha Somaliland wadin, iyaga oo leh abwaanku waxa uu ka qayb galay shir Somali weyn ah  oo calanka soomaaliya ayaa lagu sawiray, oo uu gabay ka tiriyay taasi oo ay abwaanka eed uga dhigayaan iyaga oo ay aad uga tiiraanyay san heesta sida weyn suuqa u gashay ee  odayahow dag dagayaa , maxaa dunida kuu hadhay , dhan uun daalin noodhaaf.

Haddii shir Somali weyn ah oo laga qayb galo cid lagu qabsanayo ,  oo xaaraan laga dhigayo,odayga daga dagaya ee siiraanyo tiraba waa ka qayb galay shir soomaaliyeed , oo waa hoos hadhsaday calanka buuluga  ah oo waxa ugu danbaysay markii uu tagay jabuuti ee uu sida qaabka daran u hadlay ee uu yidhi waxa aan ahaan jiray, halka ay kaga haboonayd in uu yidhaahdo waxaan ahay, isaga oo waliba dabac wayn ku keenay  arintii jirtaanka qaranimada Somaliland, oo uu axdigii iyo  sharcigii wadanka u yaalay uu intaas oo jeer ku tuntay.

Waxa kale oo mid ka mida shabakada qaabka beelaysan ee indha  la?aanta ah u taageera siiraanyo lagu qoray in haddii  abwaan ilka jiir oo shir soomaaliyeed ka gabyay shahaado la siiyay, dee morgana ha yimaado hargaysa oo ha ka taliyo, horta ninka hadalkaa yidhi waa nin iska hadlay oo aan hadalkaa ka fiirsi u odhan waxana ka keenay fikirka  ay wada qabaan beesha siiranyo ee ah haddii madaxweynaha wax laga sheego habarjeclo ayaa wax laga sheegay, taasi waa fikir ay wada qabaan  beesha  siiranyo oo ay iswada gaadhsiiyeen, laakiin haday sidaa u fikiraan jawaabtu waxa ay noqonaysaa ka xaysta oo caaqil ka dhigta markaa bal cid wax ka sheegta arka.

Abwaanka qaranku waa nin rayid ah, xamarna ma tagin,laakiin dagdagaaye kiis ayaa loo haystaa, waxa uu ahaa nin kii yidhi, dawladi ma jirto, wixii h/jeclo aheey dawlada iskaga soo baxa iyo hadalo kale oo aad u qadhaadh oo uu dadka wada dhashay ku kala kaxaynayo oo aan ku haboonayn in aan halkan ka sheego.

 

Dhanka kale haddii ay tahay sheekadu siiraanyaa wax laga sheegay, oo la dhaliilay oo heeso loo tiriyay, waxa soo socda mawjado suugaan ah oo heesaha oo dhamaantood ku jahaysan  maamulka habacsan ee siiraanyo, kana hadlaya siyaasadaha uu ku kala qaybinayo shacbiga walaalaha ah ee reer Somaliland, waxa barbar socda warbaahin aan iyadu beelaysnayn oo talaabo talaabo u soo gudbin doonta wadciga dha bta ah ee wadanka ka jira, waxaana si cad u sheegi doonaan maamulka beelaysan ee  siiraanyo, waxa iyaguna dhawaaqooda midayn doona labada xisbi ee mucaaradka ah, arimahaas oo dhami waxa ay dhinbiilo ku noqon doonaan odayga  80 jirka ah ee dagdagaya iyo beeshiisa  aan dhaliisha u ad kaysan.

 

Isku soo wada duub oo haday daan reer is daba yaac kala hadhin , oo ay daan ka waantoo bin qaabka aad ugu soo ururaysaan shakhsi qudha ee xitaa aydaan garanayn waar  bal kala hadha , ogaada dadku indho ayay leeyihiine , dhicina mayso sheekada aan maan galka ahayn ee aad ku dhaqan taan ee ah nin kaagana ilacay oo ha ka hadlin, kaygana yaan waxba laga sheegin.

 

Ugu danbayntii  warbaahinta beelaysan ee siiraanyo  beel ahaanta u taageerta waa mid aan waxba ka tari Karin,iska daa in ay wax u tartee waa mid dadka ku diraysa oo ku kicinaysa, kuna soo jeedinaysa shacbiga wadaniyiinta ee lexjecladu ka hayso dalkooda hooyo

 

RASHIID MAXAMUUD CABDI.

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.