Hargeysa(HWN):-Wasiirka dhalinyaradda,dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa gudoonsiiyey kooxda kubada cagta ee kuliyada ICT-ga jaamacada Alpha koob ay ku guulaysatay.
Munaasibada kooban lagu gudoonsiinayey oo ka dhacday Hotel Saba ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka dhalinyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland,gudoomiyaha jaamacada Alpha, hormoodka kuliyadaha ee jaamacadaasi iyo arday tiro
badan.
ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiye ku xigeenka jaamacada Alpha Cabdirisaaq Xuseen Xasan waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qayb galka munaasibadan, isaga oo hanbalyo u diray kooxda ku guulaysatay koobkan ?run ahaantii sharaf ayay ii tahay in aan idinkala soo qaybgalo munaasibadan aad u qabsateen in Koobka lagu gudoonsiiyo Kooxdii ku guulaysatay Ciyaartii aad wada ciyaarteen,anigu Ciyaaraha maan Ciyaari jirin balse waxa aan ogaaday inay Ciyaaruhu yihiin waxa dhalinyarada isku xidha ee ay isku dhex galaan marka waan idiinku hanbalyaynayaa in aad ku guulaysateen Koobkan aanu caawa idingudoonsiino?
sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha ardayda jaamacada Alpha Axmed Cabdi Ciise kaas oo ku dheeraaday muhiimada ay ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyarada, isaga kooxdan ku guulaysatay koobkana hanbalyo u diray.
Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo gunaanadkii munaasibadan soo xidhay ayaa dhalinyarada ku guubaabiyey dhinaca ciyaaraha isaga oo xusay inuu garab taagan yahay guud ahaan dhalinyarada Somaliland ?? sharaf ayey ii tahay inaan idin kala soo qayb galo oo aan munaasibadan idinku gudoonsiiyo koobkii aad dedaalkiina ku mutaysateen.
Anigu maadama aan ahay wasiirka ciyaaraha waaan idin garab taganahay, waxaanan idiin balan qaadayaa inaan idin la garab galo wax kasta oo aad iiga baahataan, waxaanan idiin sheegayaa in albaabada wasaaradu idiin furan yihiin idinka oo dhalinyaradii ah.?
Gabagabadii waxa munaasibadaasi koobkii ay mutaysteen lagu gudoonsiiyey kooxdii ku ciyaaraysay magaca kuliyada ICT-ga ee jaamacada Alpha kuwaas oo ciyaartii kama danbaysta ahayd afar gool iyo waxba kaga guulaystay kooxda Golden Boys ciyaar ka qabsoontay garoonka dhalinta ee magaalada Hargeysa.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com