Hargeysa(HWN):-gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa fadhigi maanta ee mudanayaasha golaha wakiilada ka sheegay in shir gudoonka golaha loo soo gudbiyey mooshin ay ku saxeexan yihiin sodon xildhibaan.
Gudoomiye Cirro ayaa sheegay in mooshinkan lagu dalbanayo in golaha la hor keeno xeerka caasimada Hargeysa kaas oo mudo badan golahaasi hor yaalay isla markaana laga saaray ajandaha kal-fadhigan.
Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in mooshinkani uu
yahay mid sax ah, isaga oo xildhibaanada soo gudbiyeyna ku war geliyey inay maalinta bari ah ka hor akhrin doonaan fadhiga golaha.
Xeerka caasimada Hargeysa ayaa mudo badan hor yaalay golaha wakiilada iyada oo aanay marna u suura galin mudanayaasha golaha wakiilada inay ka doodaan xeerkan.
Xeerka caasimada Hargeysa ayaa laga saaray ajandaha kal-fadhigan 20aa ee golaha, balse xildhibaanada ayaa dib u soo nooleeyey rajada xeerkan ee ah in la hor keeno golaha.
Xeerkan ayey si weyn ugu baahan tahay caasimada Hargeysa taas oo aan ilaa hada lahayn xeer u gaara.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com