Figrada qoraalkaygan waxa ay igu dhalatey,markuu Abwaan Maxamud Koofiyo uu qalkiisa Facebook soo galiyey Hees qoraal ah oo cusub hab hor dhac ah Heesta oo aan dhameystirnayn,Heesta aya ka hadlaysa Nin Qurbaha ka tagay kadibna wax uu sii gucleeyaba wadankii tagaya kadibna la kulmaya Inantii uu Jeclaa,markuu inantii la kulmay ee la wada sheekeystey ayuu qawidaya uu leeyahay sidaan filayey maad noqon,halkaas aya markaa Dadka
saaxiib wadaga la ah Abwaan Koofiyo oo aan ku jiro figrado lagu darsadey,sababta Ninka bedashay ileyn safarkaas dheer ayuuba galaye,halkaas ayan hadaba anigu figradeyda ka dhiibtey waxana idhi Odeyga Qurba jooga Inanta yar ee 15 jirkii wey ku da? yaratey,sheekadii iyo Haasaawihii aya la isku fahmi waayey ileyn waa Inan yar oo uu Awoow u noqon karo ama dhali karaba.
Sheekadani xalay ayey dhacdey oo aanu ku caweyney kuna kaftanay Ardaaga Abwaan Koofiyo,hadaba saaka ayan galay warbaahinta Somaliland,ayan ku arkay Muuqaal laga soo duubay Gobalka Daad-Madheedh iyo dhibaatada xaalufinta Dhirta lagu hayo,Muuqaalka dhamaadkiisa ayan ku sii daawaday kuna arkay Geed aan beryahanba Magaciisa maqlayey oo la yiraa Garan?waa.
Geedka Garan?waa mid aynu dhaqan u leenahay maha deegaankeenana kama bixi jirin hase ahate waxa la arkay intii wadanka dib loogu soo noqdey sidaan maqlay Geedku haba yarate wax Midho ah malaha,sidoo kale Dhirta yaryar ee uu ka ag baxo,wuu qalajiyaa ilaa hadana la garan kari maayo sababta,Dadka qaar waxa ay leeyihiin Xididada dhulka ugu jira Geedka Garan-waa aya sababay in ay dhirtii kale quudkii dhulka Hoostiisa ay ka heli jireen in ay waayan,quudkii iyo Biyihii dhulka ku jireyna uu wada muudsadey Geedka Garan waagi.
Muuqaalkaas markaan dhameystey Beeraleyda Magalada Beeratana ay dhuxuleyd ku bar ya yeen in ay Geedkan Garan waaga ay gubaan oo dhuxul ka dhigaan-Dhirta kalena aman galiyaan.halkaas ayan is bar bar dhigay Odayada badankoodu iyaga oo Xaas iyo Caruur u joogaan Qurbaha hadana wadankii tagaya kuna cidhiidhinaya Dhalintii yaryara ee dhexdooda is guursan lahaa Guurkii,Abwaan Koofiyo oo degan Yurub ayan markiiba fariin ugu direy qolkiisa Facebook,waxana u sheegay in aan sameynayo dacaayad ka dhan ah Odayada Qurbaha ka taga ee soo Guursada Hablaha yaryar,Magacii ku haboonana aan u helay Odayada waana Garan?waa...sida Geedkaas Garan?waaga oo kale,Heesta Abwaan Koofina waa Hees ku haboon Odayada Garan?waaga,xiliga ay soo bixi iyo fanaanka ku haboon koley Abwaanka aya og.
Waa maxay sababta aan uga soo horjeeda Odayada Garan?waa? waxa weeyan waxay xaalufin Guur yaraan ku rideen wadankii iyo Dhalinyaradii aan shaqada ku haysan wadankoodii Hooyo,waxay Odayadani sababeen in Wiilashii Dhalinyarada ahaa ay ka haajiraan wadankii mar hadaanay gooyn karin kharashka ku baxaya Hoteelada waaweyn ee xiligan lagu dhigto Aroosyada,sidoo kale Odayadan Qurba joogaa badankoodu waa tuug,Xaas iyo Caruur Qurbaha u joogaan iyaga oo Xaaskooda iyo Caruurtooda kala tashan in ay wadankii ku soo Guursanayan ayey soo Guursadan,waxa kale oo jira Niman Odayal hada noqdey oo ku raagay Doobnimo Qurbahana in badan joogey,kana heli kara Hablo sharaf leh oo Somali ah Magalooyinka iyo wadamada ay joogan hase ahate waxay ku leeyihiin Hablaha wadankii Jooga ayey doonayan bal adba?halkaasna waxa ka dhashay khasaare Guur yaraan weyn Qurbihii,Hablihii Somaliyeed ee waxbarashada ama shaqada ku mashquulka aha cid Guursata ama ay nolasha la qeyb sadan ma jirto,badankooduna xiligan da? ahaan wa 30 jir ama 35 jir,Suuqa Guurka wadankii yaala sida Hargeysa oo kale Hablo yaryar oo Da?doodu u dhaxayso 15 jir ilaa 25 jir aya Suuqa Guurka ku cidhiidhiyey ilaa hadana cid ka hadasha ma jirto,dhibaato aad iyo aad u weyn weeyaan oo Bulshada Somali Gude iyo Dibadba u soo koradhay,waana Dabar go?a iyo xaalufinta Guurka eedeedana waxa iska leh Raga ama Odayada Somali waana in loo sameeya dacaayado fara badan sida Oday Garan?waa si loo kala badbaado.
Bulsho kasta oo Aduunka waxa ku soo kordha wey ka wada hadlaan si ay xal ugu helaan inaga Somali ahaan iyada oo dhibaatooyin badan aynu huwanahay sida Guurka dabar go?ay iyo xaalufinta Guurka Odayada Garan?waaga ayeynu ku mashquul nahay Siyaasada.
Waxaan aad u rajeynayaa in Magacaas Odayada Guurka Xaalufintiisa Qurba jooga loo bixiyo Odey Garan?waa- inkastoo Somalidu tiraa God hadimo ha qodin hadaad qodidna ha dheereyn ku dhici doontana mooyaane,wax walba ka yaab waaba intaas oo aan ka mid noqdaa Odayadan aan ka sheekeynayo,waxa kale oo aan meesha ka maqneyn aniga Khan iyo saaxiibkay Abwaan Maxamed Koofiyo-aanu ka Maseersanahay Odayadan Garan?waa ee Hablaha yaryar sanad walba soo Guursanaya.Kubada Guurku Cirkay ku laalantahay Qofka Cagtiisa la hela nasiibkiisa lee.khayr.
Khan Maxamed Farax.
kjawil@hotmail.com.
Vancouver Canada.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga