Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Mudaharaadyadii Somaliland Soo Marey WQ-Ceelaabe


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 06, 2013
Maamul wanaag iyo nidaam dawladeed oo sax ahna hirgelisaa.Shacabkuna Mudaharaad Qabiil iyo reer loogu hilinaayo ama reer kale lagaga soo horjeedo haddii ay u soo baxaan wixii kaga dhinta

Macnaha Ereyga Mudaharaad,Qeybaha mudaharaadyadu u kala baxaan iyo Waxyaabaha laga mudaharaado intaba somaliland meelo badan si khaldan Ayaa looga Adeegsadaa.Waxa lagu tilmaami karaa Bulshadeena dad raba in ay Aduunyada kale ku deydaan hase ahaate aan wax aqoon ah u laheyn Jidka iyo Hababka loo Maraayo marka la rabo in wadankeena laga hirgeliyo Waxyaabo wadamo kale ka Jira.Laba su,aalood oo muhiim ah aynu is weydiino.Horta yaa mudaharaad ama baxaan bax rabshado wata sameeya,Ma dad Aqoon leh mise Dhalinyaro gadoodsan oo marka kaleba Suuqyada iyo xaafadaha habeenkii dadka ku dhex Dhiba Mise dad aqoon


leh Ayaa mudaharaadka iyo rabshadaha u soo baxa.Dhinaca kale Su,aasha labaad waxa weeyaan Maxaa laga mudaharadayaa ama banaan baxa loo Dhigayaa.Ma wax dalka iyo dadka Dani ugu Jirto ama bulshada u wanaagsan,Mise wax nin ama qabiil iyo rag siyaasada ku tartamaya dani ugu Jirto.

Haddii Sixir barar Jiro ama sidoo kale Shaqo la,aan baahsani Jirto dad isku kaashanaya ama banaan bax Nabad ah ugu soo baxaya si wax looga qabto arki meysid,laakiin Dad qabiil iyo Nin siyaasi ah daba socda oo lagu guuraayo wadankana waxyeelo u geysanaaya waad arki kartaa,waana ka somaliland ku badan.Haddeynu dib u eegno Mudaharaadyadii ama banaanbaxyadii wadanka soo marey intii uu Jirey gaar ahaan wakhtigii udub ama wakhtigan Kulmiye waad garan kartaa sida ay u qabsoomeen,Waxa sababey,Ujeedada ka danbeysey iyo Dhibaatada ka soo gaadhey dadkii ku waxyeeloobey.

Somaliland waxa lagu bartey wadan kala danbeyn iyo is ixtiraam ama qadarini ay ka Jirto,Somaliland laguma baran wadan banaan baxyo iyo rabshado laga dhigo ama ay ka qabsoomaan.Somaliland maaha wadan ka soo kaban kara ama Dhibaatada ka soo gadha banaan bax rabshado sida Dhaawaca qaranimo iyo midka Nafteed ama waxyeelada la gaadhsiinaayo Hantida dawlada ama bulshada intaba.

Sannado ka hor Maamul xumo iyo in la badalo Udub ayaa loo soo baxey,Sida loo baxey iyo waxa la doonaayey ayaan is laheyn.Dad rabshado dhigaya,Baabuur shiidaya,Gubaya,Meheradaha suuqyada waxyeelo u geysanaya,Iyagu dhexdooda ka dagaalamaya,Baabuurta qasab ku fuulaya,Muraayadaha ka jejebinaya oo aan garaneynin sida nabada leh ee loo mudaharaado,oo aan garaneynin sida ay u soo bandhigi karaan Dareenkooda isla markaasina raba in ay madaxtooyada galaan Ayaa wadanka soo marey.

Dad siyaasiyiin ka danbeyso,Dhalinyar lagu guuraayo,aan waxba loo tareynin,Dagaalka iyo rabshadahana lagu hurinaayo Ayaa jirta,Dad ka helaya in wadanku fawdo noqdo Ayaa buuxa.Dad tuug noqdey oo jeelal lagu xidho aan xitaa loo heynin Ayaa mudaharaad iyo banaan baxa kuugu soo gabanaya,Dad aan aqoon laheyn oo wax kasta sameynaya haddii ay gadoodaan ama kacaan Ayaa buuxa.

Dadka wadooyinka waxey doonaan ku shidaya ee aanad moodin in ay leeyihiin,Dadka meheradaha waxyeelada u geysanaya ee aad moodo in aaney kuwan waxba ka iibsanin,Dadka dhalinyarta Qabiil iyo siyaasad ku beera kuna kiciya,Dadka raba in ay weeraraan ama burburiyaan xafiisyada dawlada ama baabuurta dawlada oo aan moodeynin in ay iyagu leeyihiin ayaa buuxa.

Mudaharaad waa la qaban karaa,Aduunyadana si Joogto ah Ayuuba wakhtigan uga socdaa,Dawladuna wax aan dadka qaban ama cadaalad daro ah wey sameyn kartaa hase ahaate dadkeenu maaha dawladaha 120 sanno ka hor Jirey ama Qarniyada Dhisnaa ee xadaarada iyo Aqoonta yeeshey.waa dadkaad aragtey ee Reer miyiga ah waxa qudha ee ay Garanayaan waa Qabiil,Qaad iyo Siyaasiga reerkoodu waxa uu faro ama ku amro.

Doorashadii golaha deegaanka oo dhab ahaantii ceeb weyni ka dhacdey Isla markaasina Komishanka doorashooyinka iyo Gebi ahaan ururadii ku tartamaayey mid kastaa taagtii sameeyey wixii uu ku soo bixi lahaa Ayaa meelo kala duwan wadanka ka ridey Mudaharaadyo kala duwan oo la xidhiidha Cadaalad daro la tirsanaayo markii natiijadii lagu dhawaaqey,Dhinaca kale Xilka xubinta ugu sareysa Golaha deegaanka degmo ama caasimad oo ah Maayorka Ayaa dhaliyey Mudaharaadyo kala duwan.

Qabiilka iyo Siyaasiga iyo Dhul boob Ayaa dad badani u mudaharaadeen una soo baxeen.Faafinta qabiilka iyo hiilka ninkasta wuu ka qeyb qaatey dadka qaarna Mudaharaad rabshado wata ayeyba ku dhigeen.Hargeysa ayey ka dhaceen iyo boorama intaba Burcona waa laga soo sheegay.Dhalinyarta gadoodsan ee aan waxba la hadheynin haddii la daayo sow Madaxtooyada toos u geli mayaan oo ceeb wadanka kuma ah.Nin dhan oo laga hayo Xarumihii dawlada ee uu shaqada ka rabey.

Askarteena Ayaa la dhaliilaa,Dawladii siyaad bare ayaa wax leysey ayey leeyihiin,Dawladana wey na dileysaa.Midkastaba wax ayey ka sheegi doonaan.Askariga qorigiisii la rabo in laga qaado,Askariga loogu tagey saldhiga ee la xanuun Jiyey,Askariga 100$ qaata haddana raba in uu amaankaaga sugo,Askariga ilaalinaaya nabada guud ee wadanka iyo xarumaha dawladu xaq bey u leeyihiin in ay is difaacaan.Dadka mudaharaadka dhigayaa haddii ay garan waayeen xaqa iyo sharafta askarigu ka mudan yahay,Ma askariga ayaa garan doona Midka muwaadinku ku leeyahay.Askarta somaliland dadkeenu wey bahdileen waxna uma heystaan.Wiilka yar ee raba in uu askariga qoriga ka qaado haddii uu iska celiyo maaha in la yidhaahdo Caruurtii ayaa la gumaadey ama la dilayaa.Caruurtu marka hor guryahooda ha joogto.

in la Dhiso Akhlaaqda,Dhaqanka,Tababarka iyo Nidaamka askarta waan ogolahay,In loo keeno agabka la iskaga difaaco ama caabiyo mudaharaadyada ama banaan baxyada rabshadaha isku roga,in la helo Sunta dadka ka ilmeysiisa waan ogolahay,Arintaasina waa mid in dawladu ay fuliso laga rabo.Dawladuna waa in ay cadaalad wax ku dhaqdaa.Maamul wanaag iyo nidaam dawladeed oo sax ahna hirgelisaa.Shacabkuna Mudaharaad Qabiil iyo reer loogu hilinaayo ama reer kale lagaga soo horjeedo haddii ay u soo baxaan wixii kaga dhinta iyaga ayey u taalaa.Waxa wanaagsan looma soo baxo,Laakiin waxyaabo liita sida Qabiil Ayaa loo soo baxaa.Beelna urur siyaasadeed ma soo saari karto,Urur siyaasadeedyaduna maaha qabiil hase ahaate waa dad isku fikir iyo mabda ah.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.