Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xubno Ka Tirsan Beesha Ciise Oo Xukuumada Culays Ku Saaraya In Loo Magacaabo Jagada Xoghayaha Fulinta Saylac Iyo Maayarkii Hore Oo Si Kadis Ah Ugu Shiraaqday Jabuuti


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 06, 2013
Hargaysa-(HWN)-ayaa sheegay in odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Ciise oo saluug ka muujiyay hogaanka golaha deegaanka Saylac

Hargaysa-(HWN)-Xubno ka soo jeeda beesha Ciise ee gobolka Selel ee lagaga guulaystay kuraasida maayarka iyo maayar ku xigeenka degmada Saylac ayaa la sheegay inay wadaan qorshe ay ugu ololaynayaan sidii ay xukuumada culays ugu saari lahaayeen in loo magacaabo jagada xoghayaha fulinta dawlada hoose ee degamada Saylac.

 

Sida ay wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, ayaa sheegay in odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Ciise oo saluug ka muujiyay hogaanka golaha deegaanka Saylac ay doorteen ee kasoo jeeda beesha Samaroon ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xukuumadu ay ku dajiso in jagada xogahayaha dawlada hoose ee

Saylac loo magacaabo, hase yeeshee ilo wareedyada ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah waxgaradka iyo cuqaasha beesha Ciise ay arrintaasi gaashaanka ku dhufteen, kuna tilmaameen arrin maamul oo u taala xukuumada, isla markaana ay tibaaxuhu sheegeen in beesha Ciise aanay wali ku qancin qaabkii golaha deegaanka Saylac ay ku doorteen maayarka cusub Xuseen Iidle Barkhadle iyo maayar ku xigeenkiisa, taas darteedna wararku intaasi ku darayaan in beesha Saylac ay mawqif adag ka istaagtay xubnaha u ololaynaya sidii loogu magacaabi lahaa jagada xoghayaha oo ay saami u lahayd beesha Sacad Muuse oo iyagu ah beesha kaliya ee murashaxiintoodii uga sharaxnaa golaha deegaanka Saylac ay dhamaantood ku soo bixi waayeen xubnaha golaha deegaanka ee degmada Saylac. Dhinaca kale maayarkii cusbaa ee todobaadkii hore ay doorteen golaha deegaanku ayaan ilaa hada si rasmiya xilkii maayarnimo ugala wareegin maayarkii hore ee Saylac Maxamed Cawad Xadi, oo la sheegay inuu shalay subax socdaal kadis ah oo aan la ogayn ujeedadiisa ugu amba baxay dalka Jabuurti, taas oo wararku intaasi ku dareen in si weyn laysku waydiinayo asbaabaha kadiska ah ee xilligan keenay inuu maayarkii hore oo aan ilaa hada xilkii wareejini ugu safray Jabuuti, isagoo la sheegayna inuu todobaad ka hor ka soo laabtay Jabuuti. Xigasho/Haatuf.

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Kampala/Uganda 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.