Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dugsiga Hoose ee Mahdi Cali Oo Loo Qabtey Xafladii Xidhitaanka iyo Maamulaha Dugsiga Oo Dardaaran Culus Ugudbiyay Dhalinyaro Kasoo Horjeeda Qaranimada Somaliland


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 06, 2013
Tog-Wajaale(HWN)-Munaasibad balaadhan oo Lagu Sagootinayay dhamaadka Waxbarashada Teeramka yar ee Sanad

Tog-Wajaale(HWN)-Munaasibad balaadhan oo Lagu Sagootinayay dhamaadka Waxbarashada Teeramka yar ee Sanad Dugsiyeedkan ayaa Loo Qabtey Dugsi Hoose ee Mujaahid Mahdi Cali ee Magaalada Tog-Wajaale Munaasibadaas oo aheyd Mid Si heer sare ah Loo Soo Agaasimay.

Waxa kasoo Qeyb Galey Gudoomiyaha Waxbarashada

Gobolka Gabiley Cali Aadam Beyle, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Tog-Wajaale,Gnacastada Magaalada, Cuqaasha iyo Madax dahqameedka, Culumaa,udiinka,Waalidiinta Macalimiinta Maamulka iyo Ardeyda Dugsiga Hoose ee Mujaahid mahdi Cali Faarax ee Magaalada Tog-Wajaale.

Waxaana ugu horeyn halkaasi hadal tafdheer ka jeediyay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Gabiley Cali Aadam Beyle oo Siweyn ugu amaanay dedaalka iyo Doorka ay Maamulka Dugsiga Hoose ee Mujaahid Mahdi Cali Faarax ku leeyihiin Waxbarashada, iyo edbinta Ardetda Dugsigaasi isagoo carabka ku dhuftey in uu Dugsigani hormood ka yahey Dugsiyada ugu fiican Gobolka Gabiley, islamarkaan ay kalsooni boqolkiiba boqol ah ku qabaan Maamulkiisa guud ahaanba dhinacyada looga baahan yahey in Ardeyda lagu barbaariyo haday tahey Waxbarashada, Diinta, Akhlaaqiyaadka  iyo Barbaarinta looga baahan yahey Ardeyda Dugsiyada Hoose,Waxaanu Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Gabiley hoosta ka xariiqeyn in uu sigaar ah u Xusi doono dedaalka Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiga hoose ee mujaahid Mahdi Cali Faarax ee Magaalada Tog-Wajaale.

 

Waxa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay Maamulaha Dugsiga Hoose ee Mujaahid Mahdi Cali Faarax ee Magaalada Tog-Wajaale Aadam Sheekh Abokor Xuseen, oo ka waramay doorka Waxbarashada Dugsigan Hoose iyo dedaalka ay xooga ku saaraan Maamul ahaan dhinacyada Waxbarashada iyo Barbaarinta Ardeyda fasalada koowaad ilaa afaraad haday noqoto Dhainacyada Diinta iyo akhalaaqiyaadka oo ay sigaar ah u tarbiyeeyaan Ardeyda inta ay Dugsiga ku sugan yihiin iyagoo Waalidiintana ku dardaara sidii loo ilaalin lahaa tarbiyada oo Guriga iyo Waalidiintuba  Qeyb weyn ku leeyihiin, Sidoo kale Maamulaha Dugsiga Hoose ee Mujaahid Mahdi Cali Faarax ee Magaalada Tog-Wajaale Aadan Sheekh Aobokor Xuseen waxa uu dardaaran adag usoo jeediyay dhalinyaro wadaado Sheegta oo been abuur iyo borobogaando mar walba ka bixiya Dugsiyadan kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay Guud ahaanba kasoo horjeedaan Qaranimada iyo Wasaarada Waxbarashada Somaliland, isagoo dhinaca kalena Xukuumada usoo jeediyay in ay ka warheuyso talaabada ku haboon ee Sharcina ka qaado.

Waxaa kale oo iyaguna halkaasi hadalo duco iyo mahad celin ah ka jeediyay kasoo Qeybgalayaashii Munaasibadani hadey yihiin Waalidiinta Ardeyda, Culumaa,udiinka Cuqaasha iyo Duqeyda Degmada Tog-Wajaale.

Sikastaba ha ahaatee Dugsiga Hoose ee Mujaahid Mahdi Cali Faarax ee Magaalada Tog-Wajaale ayaa kamid ah Dugsiyada ugu fiican Waxbarasho ahaan dhinaca Maamulka iyo Macalimiintaba iyadoo Dugsigani kamidka yahey Dugsiyada Qadiimka ah islamarkaana ay ka baxeen Masuuliyiin tira badan oo Xilal ka haya Xukuumada maanta sida Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland, Daa,uud Axmed Faarax, Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale, Agaasimaha Guud ee dhawaan laga badelay Wasaarad Ganacsiga Sbiib Axmed Cali iyo Qaar kale oo badan.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan)

Hadhwanaagnews/Office Gabiley
hiiraan2007@gmail.com

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.