Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


HORUMARKA IYO WAXQABADKA MUUQADA EE KA HANAQAADAY WASARADA DUULISTA HAWADA IYO GADIIDKA CIRKA JSL


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 06, 2013
Hadaba maanta oo aynu kawada dhargsanahay hormarka iyo waxqabadka dhabta ha ee ka hanaqaaday dalkeena kaas oo dhinacayo badan leh islamarkana ay Dadweynaha

Tan markii lagu Dhawaaqay Jamuuhriyada curdinka ah ee Somaliland 1991 ilaa maanta oo aynu ka joogno mudo  21sano ah jamuhriyada somaliland wax soo maraysay heer kala Duwan iyadoo ka soo Gudubtay marxalado kala Gedisan iyo xukumada kala Danbeeyey .

Hadaba maanta oo aynu kawada dhargsanahay hormarka iyo waxqabadka dhabta ha ee ka hanaqaaday dalkeena kaas oo dhinacayo badan leh islamarkana ay Dadweynaha iyo muwadinintu taas oo ay kaw ka tahay Dhinaca waxbarashada caafimadka iyo adeegyada aasasiga ah ee dal lagu

horumarin karo.xukumada uu hogaamiyo Madaxweyne Dr.Axmed Maxamed maxamuud silaanyo waxay ku Guulaysatay waxqabada Baaxadleh mudo aad u kooban wasarad iyo waax kasta oo ka tirsan xukumadu waxay ku talaabsatay horumar aan la dafirikarin .xukumadani waxay si farshaxanimo leh guud ahaan calamka iyo Dalalka Geeskaba ugu soo bandhigtay muhiimada uu qarankani u leeeyahay Geeska Africa gaar ahaana sida ay wax uga qaban karaan xal u helida mushkiladaha ku Gedaaman Geeska Africa.

Hadaba hadaynu u soo noqono Wasarada Duulista Hawada oo ka mida wasaradaha Halbawlaha u qarankeena waxa ka Tisqaaday horumar laxaad leh oo ay Bulsho waynta Somaliland aad ugu Diirsadeen Wasaradan oo ay soo mareen Todaba wasiir waxa imika jooga Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo noqonaya Wasiirkii Sideedaa ee wasaradan loo soo magacaabo kaas oo ku talabsaday waxqbad muuqada iyo Dardargalinta Hawlaha wasarada Duulista .

Wasiisirku waxa uu Wasarada Qoray 200 Boqol Dhalinyaro kuwaas oo ka mida Ardaydii Jamacadaha ka Qalin jabisay kuwaas oo si toos ah u Dardar galiyey Hawlihii wasarada imikana Gadhay ilaa Heer Agaasimayaal.wasiirku waxa uu isbadel balaadhan ku sameeyey waxyaha wasarada Gaar ahaana waxda Duulistada oo ay Hoos Yimaadaan Dhamaan madarada dalku.

Madarada Hargaysa iyo BerBera oo wakhtigaa ay ka Taagnayd xalaad Adeeg mamul iyo shaqaale oo aad u liidataa islamarkana ay ka jirtay musuqmaasuq baahsani waxa uu wasiirku ka Hirgaliyey Nidaam maamul oo Quman kaas oo ay Hagayaan Shaqaale Aqoon iyo waya aragnimo lehi ooDhalinyaro u Badani.

Wasiirku waxa uu Dib udhis ku sameyey TERMINALADA ARIVALKA IYO DEPARTURKA madarada BerBera iyo Hargaysa .waxaa madarka berbera laga hirgaliyey dhismayaal casri ah iyo qaboojiyayaal loogu talagay inay ay muwadininta bulshadad kale kaga nastaan kulayl ban magalada Berbera.

Waxa uu wasiirku Dib u habayn Balaadhan ku sameeyey madarka Hargaysa oo ilaa malintii xilka loo magabay ilaa maanta aanay Dhoobada iyo cidu kala qalalin.

Waxa uu madarada ka hirgaliyey Nidaam SAECURITY OO la jaanqaadaya  madarada Aduunka ugu mashquulsani ay isticmalaan kuwaas oo ah x.ray mechino lagu baadho dhamaan dadka ka dhoofaya madarada dalka kuwaas oo ku shaqeeyaan Ardaydii ka qalin jabisay Jamacadaha dalku kuwaas oo wasiirku shaqo u Abuuray qaatayna tabar iyo xirfado kusaabsan mechinadaa.

 

Waxa laga hirgaliyey madarada Dalka CCTV CAMERA laga arki karo dhamaan dhaqdhaaqyada kasocda kudaha madarka kuwaas oo ay bulshadu aad usoo dhawasay.

Waxa imika lagu jiraa Qorshihii lagu abuura lahaa CIVIL AVIATION ATHORITY taas oo la jaanqadaysa nidaamka mamul ee Aviation aduunka Horumaray.

Waxaa socoda Dib u dhis balaadhan oo laga wado madarka burco kaas oo hada wajigii kobaad gabo gabo yahay.

Hadaba dadka war xumo tashiilka ee ka xun horumarka iyo waxqabadka dhabta ah ee wasiirka wasarada Duulisa Hawada Maxamuud Xaashi cabdi waxaan leenahay *WAXBA YAANU XEERKAY I MARIN XOOLANA I SIININE XAASHA NIN LIBINKA XISTIYEY XUMIHIISA YAABE*Waxba Dhag ha dhigin kuwa ku qawlaystaaf mishaarnimada iyo cayda masuuliyinta Qaranka.

Horumarka Somalilanda uu tisqaaday wana soconayaa.

Somaliland Guul ictiraaf iyo Horumar.

 

ALAA MAHAD LEH

MUSTAFE ABDI HUSSIEN

DULMAR004@HOTMAIL..COM

BERBERA SOMALILAND


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.