Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hadhwanaagnews: Akhristeyaal Masuulkee Baynu U Aqoonsanaa Kii Sanadkii Tagay ee 2012-ka.


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 06, 2013
Waxa inaga reeban in aynu ugu codayno, eex, qaraabo kiil iyo qof jeclaysi, taas bedelkeedana waxa inoo furan in ay ugu codayno waxqabadkiisa iyo dedaalka uu la yimid mudadii uu ka tirsanaa xukuumadda.

Akhristayaasha Sharafta Mudan, Waxa dhamaaday sanadkii 2012-ka, waxaanu lahaa waayihiisa.

Ugu horeyn waxa aanu leenahay, rabi sanadkii hore Dambaadhudiisa ha inaga duwo, ka aynu galnayna hirdidiisa ha inaga duwo.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo iyadu sanadkii saddexaad hadda sii galaysa, waxa ay ku talaabsatay guulo, guul darooyin iyo waliba qodobo kale oo sugaya.

Guulahaas iyo guul darooyinkaas,

waxa ka shaqeeyay oo badankooda iska leh xubnaha xukuumadda ku jira iyada oo uu madaxweynuhuna dusha u ridan doono, guul iyo guul darraba ka ay xukuumaddiisu la timid.

Hadaba shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, oo sanad kasta aad uga barateen in ay dadkeeda iyo akhristayaasheeda waydiiso, bal Wasiirka, guddoomiyaha iyo maareeyaha ugu wanaagsan ee xukuumadda ka tirsan, sanadkan waxa ay idiin soo bandhigaysaa in aad soo sheegtaan Wasiirkii, Agaasimihii, Guddoomiyihii iyo Maareeyihii ugu wanaagsanaa.

Waxa inaga reeban in aynu ugu codayno, eex, qaraabo kiil iyo qof jeclaysi, taas bedelkeedana waxa inoo furan in ay ugu codayno waxqabadkiisa iyo dedaalka uu la yimid mudadii uu ka tirsanaa xukuumadda.

Wixii intaas dheer ku soo hagaaji Ciwaanaddan??. Najaxcunaaye52@gmail.com  ama Kurtin1982@hotmail.com.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.