Diri-dhaba(HWN):-Golaha Dhaqanka ee Beesha Ciise ayaa magaalada Diri-dhaba ee dalka Itoobiya ku yeeshay Shir balaadhan oo ay kaga hadlayaan Xaadalaha murugsan iyo khilaafka ka taagan Magaallooyinka Lughaya iyo Saylac, kuwaasoo lagu muransan yahay Maayirradooda cidii qaban lahayd.
Golahan dhaqanka ee beesha Ciise waxa ay shirkaas ku sheegeen inaanay doorashadii Golaha deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay bishii November ee Sanadkii tagay aanay aqoonsanayn, isla markaana waxa ay ku baaqeen in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uu Xal deg dega ah ka gaadho Arrimaha Muranku ka taagan yahay deegaanka Saylac iyo
Lughaya, iyagoo ka digay khatar ka timaada Murankaas oo daba-dheeraada.
Shirkan oo galabta laga soo saaray Saddex qodob, ayaa waxay kala ahaayeen sidan:-Afhayeenka Beesha Ciise ee dalka Itoobiya Maxamed Jibriil Waabari ayaa tafaasiil ka bixiyay sadex qodob oo ay ka soo saareen shir Golaha dhaqanka ee Ciise ku yeesheen Diridhaba.
?Waxa Golaha dhaqanka beesha Ciise shirkan ay ka soo saareen sadex qodob oo ah kala ah:-
1- Ma aqoonsanin doorasho ku sheegtii Maayaradda ee Magaalooyinka Saylac iyo Lughaya.
2- Waxaanu aqoonsan nahay xadkii iyo sidii degmooyinku ay kala ahaayeen 1960-kii, kaasi oo Beesha Ciise ay lahayd labadaasi degmo.
3- Waxaanu u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Somaliland inuu Tallaabo ka qaado oo uu Laga Noqdo doorashooyinkii Maayarrada ee labadaasi degmo,?ayuu yidhi Maxamed Jibriil Waabari oo galabta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da.
A.A.Asporo
Hadhwanaagnews./Office
Hargaysa/Somaliland
Asporo23@gmail.com