Aanbaa xalay Cawayskii markaan baadhay xaashida
xaqii layga duudsiyay daljirkii xabaalnaa,
Raggii
xoreynta lagu diley,Siyaasigiina laguu darey,
Markaan soo xasuustaba ayaan xaqiiqo ulilmeeyaa
Xidida wadnaha iyo xabadkaan ka ooynaa
Ma xidhaa naftaadaan uxamaamo qaataa.
Daa,imow allow adigaa wax doorshee degdeg nooga dhaadhici
Xirsii iyo qabiiliyo Qabqable ayaa ihortaagane
Mawax laga xumaadaa xoriyad ood helaysaa
Xidid iyo dad wada jira xubno aan lakala jarin Dirqibaad kugaadhaayeey
Inta xaalku sidan yahay Gobanimo xalaaleed xusul duubtay abidkay.
Daa,imow allow adigaa wax doorshee degdeg nooga dhaadhici
Dalka guud ahaantii Dabay,ka oogeen dulmibey wadaanoo
Dadka wey xigtaystaan.Xabad caaro dheeriyo rasaasbay la dhacayaan
Darxumay abuureen.Daa,imow allow adigaa wax doorshee degdeg nooga dhaadhici
waxa gabaygan igu kalifay markaan arkay sida xun ee ay xukuumadda siilaanyo ula dhaqmayso dadka muwaadiniinta iyadoo lamid ah taliskii siyaad barre sidiisii oo aan ogolayn in xoriyadda iyo dimuqraadiyadda aynu sheeganayno in laga qaybqaato aanay waxbana ka jirin shalay waa kuwii daahir riyaale ka ooyayay eelaha riyaale wuuna cabudhinayaa oo dimuqraadiyaddii ayuu kasoo horjeestay maantana iyagiibaa taasi wada waxaan diyaar u ahay ugana fadhiyaa tacadi wal oo ay xukuumadda siilaanyo igula kacayso waxaanan balan qaadayaa inaan heeso badan oo tiro beelah soo samayn doono maalmaha fooda inagu soo haya haddii ilaahay yidhaah.
wixii faahfaahina halaygala soo xidhiidho:002522-4414124
wabilaahi tawfiiq asc wrm wbrk