Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


War Deg-deg ah:- Xukuumadda Oo Shan Bilood Dib U Dhigtay Ciyaaraha Goboladda


(Hadhwanaagnews) Monday, January 14, 2013
Tartanka ciyaaraha Somaliland oo loo balansanaa in uu qabsoomo bishan aynu ku jirno 15-keeda oo ku beegnayd maalinta berri ah, ayaa u baaqday sida ay wararku sheegayaan ka dib markii dadka ku dhaqan Degmadda Axmed Dhagax

Hargeysa (HWN) Wasiirka ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay in qabsoomida tartanka ciyaaraha Goboladda Somaliland dib loogu riixay 2 bisha June ee Fooda inagu soo haysa.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisu waxa uu ku sababeeyay in qurbo jooga reer Somaliland ay ka codsadeen in lala sugo wakhtigooda xagaa baxa, si ay uga qayb galaan tartamadda kala duwan ee ka

dhici doona dalka Somaliland.

 

?Waxa aanu qaban doonaa tartanka ciyaaraha Goboladda hadii alle idmo 2 bisha june, waana codsi nooga yimid dadka qurbe jooga ah ee reer Somaliland? ayuu yidhi.

 

Tartanka ciyaaraha Somaliland oo loo balansanaa in uu qabsoomo bishan aynu ku jirno 15-keeda oo ku beegnayd maalinta berri ah, ayaa u baaqday sida ay wararku sheegayaan ka dib markii dadka ku dhaqan Degmadda Axmed Dhagax oo uu ku dhex yaalo garoonku wax garadkeeda laga talo geliyay, kuwaas oo xukuumadda u cadeeyay in aanay wakhtigan suurtogal ahayn in uu qabsoomo.

 

Si kastaba ha ahaatee Tartanka ciyaaraha Goboladda oo markii labaad hadii alle idmo u qabsoomi doonto xukuumadda Taladda Haysa ayaa lagu wadaa in ay ka qayb galaan wadarta Goboladii hore iyo kuwii Intii uu xilka hayay Magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Najax Adan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.