Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Xisbigaas Loogu Qabtay Magaalada Gebiley.


(Hadhwanaagnews) Monday, January 14, 2013
Gabiley(HWN)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa maanta kala Qeyb galey Taageerayaasha Xisbiga Wadani

Gabiley(HWN)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha  Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa maanta kala Qeyb galey Taageerayaasha Xisbiga Wadani ee Gobolka Gabiley, oo Munaasibad dabaaldega ah u qabanayay Guushii Xisbiga Wadani ugu soo gudbey Kaalinta Xisbinimo ee Doorashadii Golayaasha Deegaanka Dalka dhawaan ka dhacdey.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro ayaa

si diiran oo kal iyo laab ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Gabiley kadib markii, ay taageerayaasha Xisbiga Wadani ee Gobolka Gabiley soo diyaariyeen Xaflad aad u qurux badan oo loogu dabaaldagayo kaalinta Xisbinimo ee Wadani uga soo Gudbey Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Dalka ka dhacey dhawaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Gabiley Axmed C/laahi Xuseen(Imaamka), ayaa hadhwanaagnews uga waramay in ay aad ugu faraxsan yihiin kasoo Qeyb galka Munaasibadan dabaaldega Xisbiga Wadani ee taageerayaasha Gabiley kusoo dhaweynayaan Xisbigu Guushii uu ugu soo gudbey Xisbinimada Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro), oo wakhtigan xaald xanuun ah kujirey haseyeeshee, kala qeyb qaatey xumada Xisbinmo ee taageerayaasha wadani ee Gabiley.

Munaasibadaas oo dhameys tiran iyo hadaladii laga jeediyay kala soco goor dhow Hadhwanaagnews.

 

Cabdiraxmaan Hiiraan

Hadhwanaagnews Gabiley Office


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.