Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ma Garashaa Mise Waa Gef Golaha Guurtida Oo Qodobkii Ay Hore Dabarka Uga Fureen Maantana Ku Tilmaamay Qaran Dumis?Cabdirashiid Cali Jaamac


(Hadhwanaagnews) Monday, January 14, 2013
Ma Garashaa Mise Waa Gef Golaha Guurtida Oo Qodobkii Ay Hore Dabarka Uga Fureen Maantana Ku Tilmaamay Qaran Dumis?Cabdirashiid Cali Jaamac

Marka hore waxaan salamaaya dhaamaan  shaqaalah shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com meel kasta oo ay caalamka ka joogaan aniga oo uga  mahad naqaya sida wanaagsan ee ay noogu soo gudbiyaan wararka xaqiiqada ku salaysan.

Intaas ka bacdi hadii aan u daadago dulucdka maqaalkayga waxaan doonayaa inaan ka hadlo golaha guurtida Somaliland iyo doorka ay kaga jiraan dalka.

Fadhigii shalay ee golaha guurtida ayaa waxa ka soo

baxay wax aan u qaadan waayey iyaga oo marxalada dalka ku tilmamaay mid halis ah, iyada la wada ogyahay inay ka soo bixi waayeen kaalintii ay kaga jireen qaranka, taas oo gabi ahaanba ka maqan dalka.

Golaha guurtida oo maalintii shalay dood ka yeeshay siyaasada arimaha gudaha iyo  siyaasada arimaha dibada waxay sheegeen in dalku uu labadaas siyaasadeed ee jiritaankiisa muhiimka u ah ay ku fashilantay xukuumadan hada talada haysaa, taas oo ay sheegeen inay meesha ka saartay doorkii ay golayaasha qaranku ku lahaayeen talada dalka oo wax kasta xukuumadu gacanta ku qaadanayso

Sidoo kale waxay xukuumada Madaxweyne Siilaannyo ku eedeeyeen inay ku fashilantay xalinta khilaafyada ka taagan dalka, iyada oo tilmamaay in xaalada nabad galyada ee dalku marayso meel halis ah.

Sidoo kale waxay gaashaanka ku dhufteen wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee dhawaan wajigiisii labaad qabsoonto,waxaanay soo jeediyeen in laga noqdo wada hadaladaas.

Hadaba iyada oo ay intaas oo dhan ka hadleen golaha guurtidu wali mays waydiiyeen idinku xilkiinii halkee ayuu idinla marayaa,  kaalintii aad dalka kaga jirteena ma muuqataa.

Waxaan leeyahay golaha guurtida Somaliland marka ugu  horaysa waad ku fashilanteen inaad ka hadashaan xaalada uu dalku  marayo idinka oo arkaya in meel halisa la marayo ayaad moodaa in gudoomiyiinu idinku dhaqayo heshiiskii gar adage e uu la galay inaadeerkii Siilaanyo.

Marka waa inaad ka soo baxdaan shaqadiina oo aad dalka badbaadisaan ileen waad arkaysaan heerka uu dalku marayo.

Ugu danbayntii waxaan leeyahay mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waa inaad ka soo baxdaan xilka aad umada u haysaan ee laydinka sugayo, waana inaad badbaadisaan dalka maadaama oo meel khatar ah la marayo.

 

By Cabdirashiid Cali Jaamac

   


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.