Boorama(HWN)- Aroornimadii hore ee saaka waxa ay Shaqaalaha Dowlada Hoose Ee Magaalada Boorama burburiyeen Suuq Caanaha & Khudaarta lagu iibiyo oo dad danyari ah ku shaqeynayeen isla markaana ku yaalay dhinaca waqooyi ee istaanka Djibouti ee magaalada Boorama.
Hawl galkan ayaa waxa lagu burburiyay qaybo badan oo suuqan ah, oo ka samaysnaa cooshado iyo miisas looxaan ah, waxana halkaasi lagu baneeyay dhul aad u balaadhan oo markii hore ay dad badani ganaci ku haysteen
quutal daruurigana kala soo bixi jireen.
Qaar ka mid ah dadka ku ganacsad suuqaasi oo Saxaafada la hadlay ayaa u sheegay in D/Hoose ay ku soo kalahday iyada oo aan ogaysiis siinina ay burburisay goobahii ay ku ganacsan jireen, waxa kale oo ay intaasi daba dhigeen in xadaalad daro ay ka muuqato hawl galkan maadaama ay shaqaalaha D/Hoose ka baaqsadeen inay suuqan wada baneeyaan oo ay kaga tageen miisas dhawr ah.
Si kastaba ha ahaatee, hawlgalkan ayaa ilaa hada masuuliinta D/Hoose ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan ujeedada hawlgalkan, balse waxa intan ka badan dadka daneeya kor u qaadida bilicda Boorama oo soo dhaweeyay hawlgalkan, waloow dadka qaarkood ku tilmaamayaan Masuuliyiinta cusub ee dowlada Hoose ee Boorama inaysan wax qibrad ah ka heysan howl-galada noocaan oo kale ah oo loo baahan yahay in dadka lasii ogeysiiyo.
Wariye
Cabdifataax Axmed
Xafiiska Shabakada HWN
Boorama