Hargeysa, -(HWN) ? Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) ayaa wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ku eedeeyay inuu lacagaha qayrul sharciga ah ee uu ku soo rogay dadka Madaarada ka dhoofaya ay yihiin kuwo qayrul distooriya oo la musuqmaasuqo, waxaanu tilmaamay in wasiirka duulistu guddigooda dhaqaalaha u sheegay in lacagaha $10 ee Madaarada lagu qaado uu muddo sanad ah sii wadi doono, taas oo uu ku tilmaamay talaabooyin distoor jabin ah.
Md Cabdiraxmaan Xoog waxa kale oo uu sheegay in mooshin ay ku soo hordhigi doonaan golahooda wasiirka duulista iyo hawada si loogala xisaabtamo lacagahaasi halka ay
ku dhacaan muddadii la qaadayay. Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf uga xogwaramay lacagaha muddada dheer lagu qaadayay Madaarada dalka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ?Horta wasiirkan duulistu muddadii xukuumadan Siilaanyo jirtay ayuu ummada ka qaadayay lacagtan xaaraanta ah, waxa la ii sheegay inuu guddiga dhaqaalaha u sheegay inuu muddo sanad ah lacagtaa sii wadi doono, $10-kaa dollar ee xaaraanta ahi ay sii soconayaan, waxaanu leenahay lacagtaasi xaaraanta ah ee wasiirka duulistu uu xalaalaystay waa qayrul distoori, lacagtii hore ee uu qaadayeyna waa inuu Qasnada ku so xereeyaa, waxa uu jabiyay qodobada 14aad, 53aad iyo qodobka 54aad ee distoorka Qaranka, qodobka 14aad farqadiisa 1aad waxa uu dhigayaa waajibinta cashuuraha iyo takaaliifta, waxaa loo eegayaa danta iyo maslaxada bulshada, sidaa darteed cashur iyo takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo, farqada 2aad waxay dhigaysaa curinta iyo wax ka badalka cashuuraha kale xeer ayaa dajinaya. Hadaba waa yaabe wasiirku ma xeer dajin buu noqday mise aqoon daro sharci ayaa haysa, qodobka 53aad farqadiisa 3aad waxay odhanaysaa golaha wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwo siyaasadeed, dhaqaale, nabadgalyo ama kuwo keenaya culays maaliyadeed oo aan ku soo aroorin miisaaniyada ama keenaya wax ka badalid qaanuun, lacagtan laguma soo darin miisaaniyada culays dhaqaalena dalka way ku keenaysaa, lacagtan xaaraanta ah maalin galinkeed ma sii wadi karo, qodobka 45aad ee distoorku waxa uu golaha awood u siinayaa jidaynta, takaaliifta, habaynta nidaamyada dhaqaale. Waxa kale oo la yaab ah guddi wasiiro ah ayaa loo saaray buu yidhi, waa yaabe goormay wasiiradu xeerdajin noqdeen oo ay awood ugu yeesheen inay shuruucda maaliyada ka hadlaan, wasiiradu kama hadli karaan awoodaha distooriga ah ee golaha wakiilada, waa inuu gole-waynaha hor yimaadaa, waxa kaloo uu yidhi lacagtaasi nabadgalyada ayaan ku ilaaliyaa, waa yaabe goormuu wasiirka daakhiliga iyo amniga noqday wasiirkan duulistu, hadaanay nabadgalyada Madaaradu sugnayn Bajadka nabadgalyada ugu jira wasaarada daakhiliga miisaaniyada la kordhinayaa, $10-kaa dollar ee uu leeyahay nabadgalyaan ku ilaaliyaa meel ay ku dhacdana la garan laayahay waa dhaqaale la musuqmaasuqayo waxaananu u aragnaa in lacagtaasi uu wasiirka duulistu Jeebada ku dhubto oo uu lunsado, lacag kasta oo ummada laga qaadaa waa inay ka muuqato miisaaniyada, lacagtii Haamaha shidaalka ee Berbera xagay martaa, dhaqaalihii Dakadda Berbera ee la odhan jiray dawaladii hore ee Rayaale albaabka hore ee madaxtooyada ayay ka soo gashaa xagay maanta martaa, xukuumadan Siilanyo-na ma albaabka dambe ee madaxtooyada ayay lacagta Dakadda Berbera ka soo gasha. Lacagahaa la lunsanayo ha lagu soo daro miisaaniyada inta dadka cashuuraha lagu kordhinayo, sidaa darteed mooshin baanu ku soo jeedinaynaa in wasiirka duulistu golaha uu hor yimaado si loogala xisabtamo lacagtaa qayrul sharciga ah ee uu muddada dheer ummada ka qaadayay?
Haatuf.