Waxa aynu ku guda jirnay xidhiidhka iyi amarkutaagleynta uu Xirsi yare ku hayoWasaarada Arrimaha Debede, inta aynaan arinkaa guda gelin waxaad ila garan kartaan intii aynu soo qornay baa inagaga filan amar ku taagleynta Xirsi Xaaji Cali xasan,laakiin waxaa isoo jiitay asbuucan waxaa mareegaha reer Somaliland lasoo geliyey Maalintii aynu go,aansanay in aynu Gooni isu taagno, Waxaa la golihii burco fadhiisteen ay go,aamiyeen 6 Qodob. Waxa aan halkan ka dheeganayaa oo idin xasuusinayaa waxa uu yidhi Aadan Axmed Diiriye (Baradho ) oo halkaa ka aqriyey 6 qodob, oo ay ugu weynaayeen in aynu Gooni dawlad u yeelano iyo in aynu shareecada Islaamka isku
xukuno, Shareecada waa waajib Rabbaani ah, laakiin gooni isu taaga waxa u asal ahaa Cadaalad La,aan aynu ka tirsanay walaalaheenii Koonfureed iyo dulmi.
Hadaba aniga oo aan marnaba ku talinayn in aynu 4 teena qoys ee Somaliland kala tango, hadana Cadaalad Daridii iyo Dulmigii iyo in Caruur rasaas lala dhaco miyay dhamaatay, jawaabtu waa MAYA ,inkastoo aan la barbar dhigi karin tii Siyaad Barre, waxase muuqda wax u eeg waayo, horaan idiin weydiiyey ee maxay tahay awoodan aan caadiga ahayn ee Xirsi Xaaji uu siiyey Siilaanyo, maxay kaga duwan tahay tii Cabdirahmaan Buluqbuluq, waxaan odhan karaa ta Xirsi baa qaawan, bal ila eeg Wasaaradda arimaha Debeda weli kulan mihiim ah oo debeda ka dhacaya inankan yari kama hadho, LONDON,DUBAI,DJABOUTI,ADDIS ama meel walba, ma isaga ayaa mudan mise Wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire,
Muxuu ku kordhinayaa wada hadalka Somalia iyo Somaliland, miyaanay jirin Rag badan oo ka mudan Sida Maxamed Xaashi, Xildhibaan Jirde, Xildhibaan Cabdirahman Yusuf Cartan, Maxamed Kaahin, Muuse Biixi, Professor Guuleed. Dr Cabdi Awdahir, Dr Cabdirahman Xoog IWM
Miyaanay ahayn in la milgeeyo loona meel dayo marka la dirayo Wafuud Caalami ah oo metesha Qaranka Somaliland, waan garan karnaa Wasiir Maxamed Cabdullahi ilayn waa loo igmaday Wasaarada oo waa Wasiirkeediiye waa maxay title ka Xirsi Xaaji Cali
Wasiirka Madaxtooyada oo shaqada madaxtooyadu tahay Wasaarada qudha ee ay shacabka reer Somaliland ka cabanayaan, muxuu ku kordhin karaa Wasaarada Arimaha Debeda, waa yaab, hadii Cabdirisaaq Qaliif oo ah wasiirka ganacsiga uu la soo hadlayo beesha Dhulbahante ee Laascaanood iyo yagoori, Xirsi hadana way kan, waa in uu dhegeystaa waxa Cabdirisaaq iyo dhulbahante ku wada hadlayaan, saw sidaa maaha, anigu fasir kale uma hayo, adigu bal ii soo sheeg.
Waxa uu madaxweyne Siilaanyo lumiyey milgihii dawladnimo, waxa luntay kalsoonidii lagu qabay Madaxda qaranka, Wasaaradda keliya ee Xirsi uu ka gaabsadaa waa Caafimaadka waayo waa Wasaarad leh technicality oo u baahan qibrad Caafimaad, dee ma fara gashto, Waxa aan kaloo xaqiiqsanahay in aan warbixintayada aanu Siilaanyo waxba ka qaban Karin, waayo maba helayo, mana aqrinayo, Xaalada uu Mudane Xirsi Dalka geliyey waa xaalad adag, Waxa aan kusoo gabagabay maqaalkeena Xirsi yare waxa la weydiiyey muxuu u tacsiyaday waayey madaxweynuhu dadkii rabshadaha ku dhintay, waxa uu yidhi waxa uu sugayey inta ay ka dhamaanayaan oo la ogaanayo qasaaraha dhabta ah, yacni qaar kale ka dhimanayaan, Waa yaab,
Madaxweyne Siilaanyo tacsi uu iyaga uu ula badheedhay masii dayn, laakiin waxa uu u raaciyey Xaquuq insaankii muda 5 casho ka dib, weji gabax runtii
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Wasaarada madaxtooyada ahna Wasiirka Wasaarada Arimaha debeda ahna Wasiirka Gaashaandhiga, AHNA AHNA AHNA AHNA AHNA AHNA AHNA waxa uu ku yahay waxaas oo dhan waa Qabyaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaalad.
Waa magac xumo uu ka tegey Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo marwo Aamina oo lasoo taagan ii daaya wiilka aan Aayada u ahay.
La Socoooooooo
Mubaarig X Ibrahim
qoryaale2013@hotmail.co.uk
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga