Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Caafimaadka oo Xadhigga ka Jaray Xannaanooyin Laga Hirgeliyey Abaarso iyo Arabsiyo


(Hadhwanaagnews) Monday, January 14, 2013
Hargeysa (HWN)- Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog), ayaa Maanta xadhigga ka jaray laba xannaano (MCH-yo) oo laga hirgeliyey magaalooyinka Arabsiyo iyo Abaarso oo ku yaal jidka weyn ee u dhexeeya caasimadda Hargeysa iyo magaalada Gabiley.

Hargeysa (HWN)- Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog), ayaa Maanta xadhigga ka jaray laba xannaano (MCH-yo) oo laga hirgeliyey magaalooyinka Arabsiyo iyo Abaarso oo ku yaal jidka weyn ee u dhexeeya caasimadda Hargeysa iyo magaalada Gabiley.

 
Wasiirka caafimaadka Somaliland oo ay wehelinayeen Isu-duwaha caafimaadka gobolka Maroodijeex Dr. Sayid Ismaaciil Xuseen iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka, ayaa xadhigga ka jaray xannaanada caafimaadka ee magaalada Abaarso oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, taasoo muddo dhawr iyo toban sanno ah xidhnayd oo aanay wax shaqo caafimaad ahi ka socon, kadib markii hay?adda

IFAT ay xannaannadaas dib-u-habayn iyo qalabayn ku samaysay.

Guddoomiyaha Abaarso Mr. Rashiid Xuseen Cigge oo hadal ka jeediyey xaflad magaalada Abaarso loogu sameeyey shalay xadhig ka jarida xannaanada caafimaadka magaaladaas, waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay furitaanka xannaanada caafimaadka oo uu tilmaamay in degaankiisu baahi weyn u qabeen, isagoo si weyn ugu mahadceliyey masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Caafimaadka oo ay ugu horreeyaan wasiirka, Isuduwaha caafimaadka gobolka Maroodijeex iyo saraakiisha hay?adda IFAD oo dib-u-habayn ku samaysay xannaannadaas.

 
Waxa kale oo Guddoomiyaha Abaarso ballanqaaday inay ka shaqayn doonaan daryeelka xannaanada iyo shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlaba, isagoo wasiirka caafimaadka ka codsaday in shaqaalaha xannaanada Abaarso loo raadiyo gunnooyin ay ku shaqeeyaan, isla markaana wax laga qabto baahiyaha caafimaad ee ka jira degaanka Abaarso.

Isu-duwaha caafimaadka gobolka Maroodijeex Dr. Sayid Ismaaciil Xuseen oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee loo maray furitaanka iyo ka shaqaysiinta xannaannada magaalada Abaarso, isagoo xusay in dhawr iyo toban sanno ka hor markii xannaanada la dhisay ay guri ahaan u isticmaaleen qoysas degaanka ah, balse ay maamul ahaan ku guulaysteen in qoyskaas laga saaro xarunta xannaanada, laguna sameeyo dayactir iyo dib-u-habayn ballaadhan oo ay hirgelisay hay?adda IFAD.

 
Waxa Isuduwaha caafimaadku sheegay inuu xannaanada Abaarso u soo xulay shaqaale caafimaad oo xirfadoodu aad u sarayso, isagoo maamulka iyo dadweynaha reer Abaarso kula dardaarmay inay ilaashadaan xannaanada iyo shaqaalaha ka hawlgalaba.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay furitaanka xannaanada Abaarso, isagoo tilmaamay inay wasaarad ahaan ka shaqayn doonaan daryeelka xannaannada iyo shaqaalaha caafimaadka ee loo soo xulay inay ka hawlgalaan.

?Inta jeer ee aan waddaddaas Abaarso dhexmarta ku safray tiro malaha mar qudhana maan istaagin oo gaadhigayga kama soo degin. Haddaan soo dego oo aan magaalada dhexmaro su?aasha u horreeya ee la i weydiinayo ayaan garanayey, waxayna noqonaysay xannaannada Abaarso, markaasna jawaab umaan helayn, siddaas ayaanan magaaladiina u dhaafi jiray, laakiin maanta waan faraxsanahay oo xannaannaddii ayaa la diin furay, su?aashii la i weydiin lahaana waan ka jawaabay, markaa hadda ka dib idin dhaafi maayee waan soo mari doonaa,? ayuu yidhi Wasiirka caafimaadka Somaliland oo sharaxayey werwerka ay ku haysay  muddadii xannaannada Abaarso xidhnayd.

 
Waxa kale oo xaflada loo sameeyey furitaanka xannaannada Abaarso ka hadlay, saraakiil ka socotay hay?adda IFAD iyo xubno ka mid ah dadweynaha reer Abaarso, kuwaasoo muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin furitaanka iyo ka shaqaysiinta xannaannada hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Abaarso.
 
Waxa kale oo isla duhurnimadii shalay xadhigga laga jaray xarunta xannaannada caafimaadka ee magaalada Arabsiyo oo ka tirsan gobolka Gabiley, iyadoo xaflad furitaanka xannaannadaas loo sameeyeyna ay ka qaybgaleen Wasiirka caafimaadka Somaliland, saraakiil sare oo ka tirsan wasaarrada caafimaadka, guddoomiyaha gobolka Gabiley, saraakiil ka socday hay?addaha IFAD iyo World Vision, maamulka Arabsiyo iyo xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka Gabiley.

Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiirka caafimaadka iyo guddoomiyaha gobolka Gabiley oo xafladaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin furitaanka xannaanada caafimaadka magaalada Abaarso oo hay?adda IFAD dib-u-dhis iyo qalabayn ku samaysay, halka hay?adda World Vision bixiso mushaharka shaqaalaha caafimaadka ee xannaanadaas ka hawlgala, iyadoo masuuliyiinta iyo martishafartaa xafladdaas ka qaybgalay casuumad qado-sharaf ah loogu sameeyey beer weyn oo ku taal duleedka magaalada Arabsiyo.

 

Hadhwanaanews/Office

Hargeysa/Somaliland

C/casiis Caydiid Cilmi(Yamani)

Abdiaziiz@hadhwanaag.org

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.