Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


UBAX AAYO BEELAY qaybtii 3aad W/Q: Maxamed Sadiq Dhamme


(Hadhwanaagnews) Monday, January 14, 2013
dalka fulay iyo faqiir ayaa ku hadhay miyaanad garanayn ninki ina haabiil bil isgoon wada maqnayn ayu yurub jaanta

Ubaxaa qabriga galay

Hooyada ilmada qubtay

Waa qoomamiyo ciil

Waa qasaare ummaded

Waa qabar aduunoo

Qalbigeena jiifaa   

Sheekadan ka qeexo

Qasaara tahriibkaa!!!

 

dalka fulay iyo faqiir ayaa ku hadhay miyaanad garanayn  ninki ina haabiil  bil isgoon wada  maqnayn ayu yurub jaanta dhiga,y maxaa ina haysta miyaynu socono  tahriibno sida raga iga walle inaan bil inagu qaadateen inaynu yurub kazoo hadalaa ,

guubabo iyo abaabul  badan waxa isla  garteen Cwil iyo saaxibadi  in ay  tahriibaan cagtana  saran dhabaha Ethiopia ilaa Libya  baddana degdeg looga gudbo kadib yurub lagu raaxaysto,

halkan aad

arkayso

haraad iyo abaarbay

hantideed tahyee

ragii hore u baxayee

yurub haybasaday

hantibay dhaqdeeno

hada waa tijaar saree!

 

war la?aanba colhoday markay odorosayaan bixitaanka xuduuda  dalalka ay siimarayaan isu dhawaa dhibyara , waa  isha bidhiqdeeda talaaba lagu gaadhaya magaalo kasta baduna waa halka ugu sahlan meelaha ay cabiranayaan waayo waxabay iftiinkisa arkaana xeebta malta ee dalka Italy waa irida yurub sharci darda lagag gale,
wuxuu usoo hoyaday haarun gurigii habeenki la goostay taladi tahriibka ee u danbaysay, hooyadi waxba umuu sheegin hadi uu u sheego way ku cataabaysa calaacal  iyo murugana way la dhimanaysaa , haddi ay ogaato Hooyo xaawi wiikeeda taladiisa marna kama yeelayso madaama jidka tahriibku yahay geeri iyo nolol waliba geeridu badantahay,
hooyo xaawi maalin ka hor waxay qaadatay hagbad ay mudu ururinaysay taas oo ay  ugu talo gashay in ay ku dabarto afarta bilood ee hore jamacada madaama imtixanki qalin jabinta haarun bili ka hadhay si aanu qayrkii uga hadhin aqoontuna uga kala go?in,  hooyo xaawil hagbad ayay u gashay mustaqbalka wiilkeeda madiga ah ee dunida ay ka eegto awadii ,
lacagti waxay kuy riday joog macdana oo madaxeeda ay dhigi jirtay habeenkii wax qaadisi iyo tuuugo hide umu lahayn C awil  caruurnimadisina  shilinka daaqada Hooyadi saarta halkaasay ugu iman jirtay,
wuxu toosay habeenka hoogiisa u bixi doono Cawil  shanti subaxnimo waxanu u diyaargaroobay qorshihiisi iyo taladiisi bixitanka , hooyo xaawi suuligay gashay si ay salaada ugu diyaar garawdo waayo waxay ahayd muuminad aan salad salad ku darin,
wxuu qaatay joogi wxuu kala daba wareegay gurigooda wuxuuna ka jabiyay quflkii ku xidhna iskamu qaadane wuxuu ka warqabay in ay ku jirto lacag uu ku gaadhi karo dalka suudan ,
lacagtii wuu la baxxay waxxaanu beegsaday goobti balanta saxiibadi ahayd oo ahayd istaanka gaadiidka wajaale ka baxaan wagi si fiicanbu u berayay , wuxuu ka quraacaday meherad suuqa ah waxa u yimi wiilashi  ay saaxiibka ahayeen, is waraysi iyo sheeko dheer waxay xaqiijiyeen nin waliba inu diyaar yahay ,
Ambabixii cawil
waxay  fuuleen  gaadhi marka too  ah waxay ku dhaceen shidhka gaadhiga, waa dhalin u muraaqootay oomeel kale loga yeedhaye jabane ayay dalbadeen iyo sharaab ninki gaadhiga wadayna waay maraxabaysiiyeen ,cajiib waxa cirka la gaystay cajalad ay ka  dananyso hees  xasuus mudnayd waa  fanaanka codka tolmooon lafoole, hadii aad dhaqaaqdo inaad dhoofto jeceshahay gaadhiga dhaqsanayee ku sida ma dheeliyo ilahay dhankaaga kuma tuso dhibaato, madaxa ay tuxayaan murqaan iyo farxad awaawaded , inkastoo Cawil aad uga fekeraayo hooyadi oo uu aad u jecla dhibtay mudan doonto ,  waxa uu ka fekerayaa  ceebta uu dhaxlay ee tuugada ah , hadana yeeladeede uma joojinayo waayo wuxuu arkayaa iftiiinka iyo hirka yurub wuxuuna ku taamaya inuu maruun debeda hallo kasoo yidhaahdo asxaab badan ee ay isku dugsiga iyo xaafda ahaayeen iyo Hooyadi Xaawa ,
waxa saladii ka baxda  Hooyo Xaawi waxanay  u diyaar garaw suuqi si ay u shaqo tagto una  soo saarto  nolol maalmedki iyada iyo wiilkeeda ,   intabadan markay hooyadii toosoto way kicin jirtay si uu  guriga  uga soo xidho quraacda ay diyaarisayna u cuno dugsigana u aado,  mise waa sariir banana waxay eegatay guriga hortiisa iyo suuligi mise ma joogo may tabin waxay u malaysay inuu u baxay kubad lagu qaatay  oo balawadiisa ahayd subax subaxna uu ku kalihii jiray,
bisinka balaay ku dhacaday maxaa xiligan kalihiyay waaba dhaxane  toloaw koodh ma xidhay, hooyo waa beer wacana oo wanaagsana sida ay uga  fekerayso wiilkeeda  kalagacaylka ay u haysaana  xeeldhera oo qiima badanan,
hooyo xawi waxay soo gashay qolkeedi si ay u qaadato shandadi ay ku shaqo tagaysay mise  joogi maba yaala barkinta dusheeda ,yaaba malaha tuugab idin miray xalay iyo sawtii taalay markaad toosatay , baroor ayay  dhabnada qabsatay iyo calaala ,alla hoogay maxaan ku dabari mustaqbalka Cawil  , maxaan sameeya alla ayaan dariyaana  halkasu ku seegay mustaqbalkiisi agoonka aan ehel iyo aqaariib lahayni maxaan toloaw sameeya , bal aan sugo  intuu soo noqonayo,
waxay gaadhay baraqdii waxanay dhaaftay xiligii uu soo laaban  jiray Cawil  walaaci iyo warwaekii ayaa kusii kordhay  hooyo xaawa , may  filayn  inuu inankeedi  Cawil  ficilkan sameeyay waxayse xaqiiqsatay markii ay gaadhay casarkii ee loo sheegay inankeedi iyo laba inan oo jaarka ahaa inay wajaale kasii baxayeen,
waxa u dumay gabal baas waxay gashay murugo daran waxay ka fekeraysaa nolosha iyo wuxuu mudan doono waxay is waydinaysaa lacagtii ay ku dabari lahayd hadii la xidho halka ay ka keeni iyo ciday u qaylinlahayd,
waaali sahalan ayay gashay way isla sheekaysanaysa Hooyo Xaawi waxay dhawraysa inuu la so hadlo wiilkeedi ay dunida ka eeganaysay foolasheedi horaad curadkeedi madiga ahaa,
waxay galeen wajaale Cawil iyo asxabtisii degdeg waxay u fuuleen bas u baxaaya jigjiga si ay u tagaan addis ababa markii baski la dhaqaaqay wuxuu istagay kaantaroolki wajaale , la socoo!!!!

maxamed sadiq dhamme

telephone : 002522-448-7021

cadaalada5@hotmail.com

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.