. jaamacada gollis waxay soo saartaa arday tayo leh kuwaas oo aan la qiyaasi karin baahida ay dalka ka buuxiyeen iyo shaqo wanaagooda.
Jaamacada gollis markasta waxa ka go,an horumarinta bulshada iyo inay gaadhsiiso somaliland wadamada horumaray ,cidna maanta kumay dhalan aqoon laakin ninkastaa waxa uu sameeyay dadaal iyo samir.
Wadamada maanta loo tahriibayaana waa dalkeena oo kale lacag iska taalaana ma jirto laakin waa ay fikireen ,dabaedeedna waxay ka faaidaysteen dadkoodii iyo khayraadkoodii kala duwanaa.kaas oo ay dadkii lahaayeen ay horumariyeen naftoodiina u hureen.
Hadaba jaamacada gollis waxay diyaar u tahay inay somaliland gaadhsiiso caalamka horumaray taas oo ku jirto qorshaheeda iyo dadaalkeedaba . Adduunka qofkastaa oo horumaray wuxuu ku horumaray tilmaam kaga timi bulshada ama familkooda ama asxaabtiisa ama isaga ku dhalatay. Jaamacada gollis waxay tilmaan horumarineed u tahay ardayda somaliland iyo cidkasta oo wax ka barata iyadoo diyar u ah inay horumariso arday.qaran,bulsho.iyo cidskata oo ay horumarin karto.
Jaamacada gollis waxa horumarinteeda kow ka ahaa gudoomiye siciid ahmed xasan oo aan la,aantii aysan socoteen jaamacada,isagoo sameeyay furaha guusha oo ah dadaal iyo samir badan.maantana gaadhay halkii ugu fiicnayd siina wada doona dadaalkiisa iyo samirkiisaba. Yaa soo raaca horumarinta jaamacada gollis? Gudooomiye siciid ahmed hasan wuxuu doortay hogaan aad u da,a yar yar kuwaas oo u dhabar adaygay marxaladihiii kala duwanaa ee jaaamacadu soo martay. Dhamaan maamulkaas oo ay kaw ka yihiin deamamka kala duwan sida :-
Nimcaan abdi ali
Mustafa abdi rahman
Aydarus mohamed abiib
Maxamed
Ahmed yaasin
Omar
Iyo qaar kaloo badan kuwaas oo ka qayb qaatay maamul wanaaga jaaamacada iyo kor u qaadista tayada waxbarashada. Gudoomiyaha wanaagsani waa ka u mahad naqa shaqaalihiisa. Gudoomiye siciidna siyaabaha uu ku guulaystay waa isagoo oo marwalba u taagan mahadnaqa shaqaalaha iyo tayayntooda.
Jaaamacada gollis markasta oo ay ku soo kordhinayso faculty cusub .kuma soo darto un laakin waxay samaysaa qiimayn kala duwan iyadoo eegaysa kolba baahi intee leeg ayaa loo qabaa faculkan cusub dabadeedna wuxuu noqdaa faculty shaqeeyo ,guulaystana .
Jaaamacada gollis waxay markasto diyaar u tahay talo bixinta dawlada iyo qaabka horumarineed
Hadaba cidkasta oo maanta jecel waxbarasho tayo iyo mustaqbal leh oo isbedel ku dareensiisa waxaan kula talinayaa inay yimaadaan jaamacada gollis iyadoo aad ka helaysid heer degree oo nooc walba leh iyo heer master ah labadaba. Waxaan aad ugu adkaynayaa dhamaan waalidiinta caruurtooda la jecel waxbarasho jaamacaded inay gollis yimaaadaan caruurtoodana ku soo daraan.
Gollis waxay markasta ka go,an horumarinta ardayga iyo qarankaba
Gollis waa hoyga waxbarashada iyo kor u qaadista baahida bulshada.
Waxaan markasta kula talinayaa maamulka kala duwan ee jaamacada iyo sii laba laabaan dadaalkooda iyo horumarka jaamacada iyo ardaygaba.
Wasalaamu calaykum
ALLAA MAHAD LEH
NOQO MID WANAAG LAGAGA DAYDO LAAKIN HA NOQON MID XUMAAN LAGAGA DAYDO.
Qalinkii: farxaan maxmed xasan