Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh.
Sidaad la wada socoteen dhamaantiin waxa qoraaga wayn ee Cali Coomey u soo bandhigay taariikhda magaalda Saylac ee soo jireenka ahayd . Bandhigiisaa oo ka badhax tirnaa caadif qabiil iyo hiil qoys. Waxa si farashaxan ku dheehan yahay u uu soo bandhigay taariikhda Saylac iyo cidda degaankaa ku abtirsata tan iyo laga bilaabo qarnigii afar iyo tobaanad ilaa qarniga hadda ay ku jirno ee koob iyo labaataan taas oo si cilmiyasan u soo gudbiyay
maamuladii gacantooda ay kuu soo kala wareegtay ilaa maamuulkii ugu danbeeyay ee Daahir Riyaale iyo ciddii magaalada ka talin jirtay. Waxa u ku soo lifaaqay qoraalkaa taariikheed tixraacyadooda iyo buugaagta u ka soo qoray si meesha looga saaro sheegasho aan jiray iyo been abuur.
Haddaba taariikhdan aqoonta ku salaysan ayaa amakaag iyo af kalaqaad ku noqotay reer awdal iyo filan waa iyadoo markii ugu horaysay akhristayaasha Somaaliyeed loo soo bandhigay taariikhda magaaldan oo aqoon ku dheehan iyo maraajic (references). Arintan ayaa ku dhalisay jaha wareer sidii looga jawaab celin lahaa. Waxaan diraasaynayay jawaabta ka soo yeedhaysay beesha sheeganaysa saylac oo aad mooda in ay garan laayiheen sidii xaqiiqadan taariikheed looga jawaab celin lahaa oo bulshadii somaliyeed tustay xaqiiqada jirta,meeshana ka saartay been abuurkii ay mar walba soo horumarin jireen reer awdal. Iyadoo qoraalkani salalkii ka toosiyay reer awdal ayaa waxa ka soo baxday in sidan looga jawaabo qoraalkan kol haddii aan loo hayn xaqiiqo kale oo lagaga hortago. Qof kaste oo fiiriya bogaga ama shabakadah reer awdal waxaan kaaga muuqanaya astaamahan soo socda:
1. In shakhsiyada Cali Coomay la caayo oo laga dhigo beenaale. Mar haybtiisa lagu caayo mar aqoontiisa wax laga sheego si meesha looga saaro inuu qoraal taariikheed oo aqoon ku salaysan soo gudbiyay .
2. In lagu dhaqmo siyaasadii wasiirkii warfaafinta ee Germany (Joseph Gobbler) waqtigii dagaalkii aduunka ee labaad taas oo ku salaysan in beenta lagu celceliyo oo la faafiyo ilaa inta laga rumaysanayo . Haddaba cidda u fiirsata jawaabaha ka imanaya shabakadaha reer awadal waxa u markii dheegan karaa jawaabta beenta ee noqnoqodka ah ee ku salaysan qarnigii 18 ayaan saylac lahaan jirnay oo heshiis ayaa dhex maray isticmaarkii iyo gadabuursi.
3. Cali Coomey waxa u taariikh ahaan ku cadeeyay saxeexii ay kala saxeexdeen ingriiiska iyo beesha ciise 1885,iyo mayorkii ugu horeeyay ee Somaliyeed oo cismaaniyiinta wakiil uga ahaa Saylac xaaji cali sharmaarke. Intii xornimada lala soo noqdayna ay waligeed beesha ciise ka talin jirtay ilaa maamulkii ugu danbeeyay ee Daahir Riyaale. Jawaabtii shabakadaha reer awdal waxay noqotay in haba yaraateeaan aan la soo hadal qaadin taariikhda soo jireen hase ahaate lagu celceliyo qarnigii 18 ayaan heshiis la saxeexanay ingiriiska. Su?aasho waxa weeyi halkee ayaad ku maqnaydeen intii beeshan ciise ka talinaysay Saylac. Miyaydaan xishoonayn!
Iyadoo sheegashada dhulku waxa ku cusub aanu ku ahayn reer awdal oo shalay uun ay ahayd markay sheeganayeen Gabiley manta ay ku xigto Saylac, waxaynu sugnaa oo kaliya waa sheegashada soo socota haddi ilaahay nafta inoo daayo oo ah Djibouti ayaan lahaa jiray qarnigii 15. Su?aasha manta wareerisay reer awdal ee hortaagani waxa weeyi ee aan jawaabna loo hayn, inaad soo cadaysaan oo dadka mar uun u soo bandhigtaan waqti aad ka taliseen degmada Saylac marka laga yimaado qarnigii 18 ayuu awoowo ingiriis heshiis la galay aan ahayn .Waxayna Somali rumaysan Karin inagoo beelo ka kooban oo beel walba degan tahay dhulkii ilaahay ku abuuray kana talisa talina jirtay inaad la shir timaadan beesha ciise ayaa 50 sano dhulkayagii haystay. Degaan beeli dagto ayay beel kale ku dul xukumi jirtay in ka badan 50 sano (give us a break abtiyaalayaal) wax caqliga gala la kaalaya. Beeni raad ma leh. Siddanna wax laguma damco colaad sokeeyana ha ina horseedina.
Cumar Rooble
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga