Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dhuumashada Qaar Badhbuu dhabarku Muuqdaa W.Arimaha Gudaha oo ku sugan (Zaylac) by Rashid Yusuf


(Hadhwanaagnews) Monday, January 14, 2013
Dhamaan waxaan salamayaa dadka ku hadla Afka Soomaaliga meelkasta oo ay joogaan Marlabaad waxaan salamaya shacabka

Dhamaan waxaan salamayaa dadka ku hadla Afka Soomaaliga meelkasta oo ay joogaan Marlabaad waxaan salamaya shacabka S.Land gaar ahaan Gobolka Salal,waxa kale oo aan salamaya Shbakada wararka Sugan ee Xariiradnews.com iyo shaqaalaheedaba
 
 
Waxaan rabaa inaan wax yar ka iftiimino dabindaabyada uu wado Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha
Ee JS:Land Mudane Maxamed Nuur Caraale(Duur)kaas oo imika ku sugan Degmada Saylac,kana soo kicitimay
Dalka Djabuuti,akhriste ma la socotaa in uu  Ergadii beesha Ciise ee joogtay Hargaysa ay isku fahmi waayeen
Madaxweyne Siiraanyo,in la dhamaystiro dhinbaatada ka dhalatay boobkii ka dhacay Lughaya iyo Zaylac,kaas
oo foodsaare looga dhigay waxa dhacday Doorashadii Golaha Deeggaanka,sidaasna lagu Boobay Codadkii
Beeshe Ciise masuulna uu ka ahaa Madaxwayne ku Xisgeenka Somaliland C.raxmaan Saylici.
 
Hadaan u soo noqdo Ergada Beesha Ciise ee joogtay Hargaysa

Siilaanyo waxba la,aan ayay kaa tageen markii
ay Gar iyo Garawshuyaba ka waayeen,wixii ay u socdeena uu gabi ahaanba waxaan loo dulqaadan karin kula
hadlay isagoo maslaxaad uga dhigaya waxaan idinsiinaya wasiir ku xigeenka Wasaarada Hidaha iyo Dhaqanka
iyo Agaasime waaxeed,taas badelkeedana ay beesha Ciise ku qanacdo wixii loogu yeedhay Dooradashada
islamarkaana Golaha Deegaanka ee Saylac uu arinkiisu sidaas ku dhamaado Maayarka iyo Maayar xigeenkana
Sidaas ahaadaan reer Awdal ku xukumaan dhul aanay awoowyaashood uga tagin,
 
Runtii taasi odayaasha beesha Ciise iyo Siyaasiyiintooduba aad bay uga cadhoodeen,waxaanay filanay baanay ku
noqotay,Sidaas darteed Ergadii beesha Ciise sidaas ku anba baxday iyadoo wax dhamaaday aanay jirin,intaas Dabadeed
Waxa dhacay oo uu Wasiirka arimaha Guduhu uu bilaabay in uu kala jabiyo masuulyiintii hore ee Beesha Ciise ee
Joogtay Hargaysa isagoo isku dayay in uu qolaba gaar kula hadlo isagoo leh mansab hebal ayaa laguu dhibayaa
Hadaad soo afjartaan Khilaadka Deegaaneed Dhiigu ku daatay,taas oo u cuntamiwayday Siyaasiyiinta Ciise qaar kamid
ah xaga dhinac kale la sheegayo in raga qaar u hanqaltaageen warkaas wasiirku u sheegay.iyagoo runtii ka baqay
beesha ay ka soo jeedaan in ay dhirbaaxo kala kulmaan,
Sidii tii ku dhacday ninkan isku magacaabay Badhsaabka Gobalka Salal Osman Nur Guled,oo run ahantii Beesha
Dhabarjab u soo hooyay ka dib markii uu si sharci daro ah u dhex fadhiistay Odayaal reer Borama ah kuna Kicisten
Awrkoodii garboolaha ahaa,taas oo uu manta Beesha Ciise uu kaga Jiro Baal Madow.Zolkiina dhinac uga leexday
 
Akhriste Ogow xilki waa meertee waxa isagana ku filan Ducaqabe xilka meertee dhabay socod waliba iaga waad
arkidoontaaye marka arinkan saylac dhinac u dhoco Badhasaab cusub ayaa Hargaysa laga soo magacabayaa
 
Xukuumada DJabuuti.akhriste ma la socotaa in wasiirkan iyo wafti uu ku jiraa ay joogeen Jabuuti iyagoo ka soo
Qaybgalay Aaskii Marxuun Jaamac Maxamuud Xayd Aallah ha u naxariistee,Aaska dabadii waxa waftigani la
kulmay Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,waxaana inta badan waxyaabaha lagawada hadlayay waxa
ugu cusla waxay ahad dhibaatada ka taagan Deeegaanada Beesha Ciise,taas oo uu Ismaaciil Cumar Si Sareexan ah
oo kalsoonibadani ku jirto kalsooni ugu siiyey wasiirkan arimaha gudaha SL.Mudae Duur iyo Xukumada Madaxwayne
Siiraanyo in ay khilaafkan ku dhamaystiraan Sidii Boobka ahayd ee ka dhacday Lughaya iyo Zaylac taas oo uu isagu
ku dhiri galinayo Xukuumada SLand inaay habayaraatee aan loo Joojin Beesha uu ka soo Jeedo Ismaaciil Cumar Gele
ee uu dhacay,waxaanan taas kuu cadaynayasa sida aanay Xukuumada Sland marnaba aanay wax Ixtiraam ah u
Siinin Ergadii Beesha Ciise ee Joogtay Hargaysa,markaa lafteeda Ismaaciil Cumar Geele lugbuu ku lahaa in odayaasha
Hargaysa lagu jactadiyo isagoo leh marka uu kharashku ka dhamaado way tagayaan ee ha ka gurin wararka ay sida
Cabashad ha ka dhagaysan
Waxa kale oo jira Mudane Duur waxa uu ku socdaa Amarka uu soo faray Ismaaciil Cumar Geele kaas oo boqoblkiiba
boqol 100%;Dhiirigalinaya in uu beesha Ciise ku Cabudhiyo Deegaankooda isla markaa uu badhkamid ah Odawayasha
Ciise ee Jooga Zaylac iskugu daro Cagajuglay iyo Xadhig waanan arki doonaa waxaana igu maqaala ah in uu u horeeyo
Badhsaabkii hore ee Gobolka Mudane Bucul oo ah raga ugu cadcad beesha ee aan xaqiisa marnaba ka gaban
 
Ismaaciil Cumar Geele.Hadaba waxan muxuu ugu samaynayaa Tolkii oo uu u baa,bi.inayaa oo uu uga rarayaa Deegaanadooda
waxyaabaha qaar ww laf dhabar maanta oo kale may ahay maalintii uu Ismaaciil Deegaankeena reero kale uu ku macsuumayo
sidii ay isaga Talada Ciise ay ka go,odo.waxaanan leenahay Ismaaciil waad Riyiinayasaa waliba waxaad riyoonaysaa adigoo
Soo Jeeda.Waxaanan Madaxwayne ku leenahay waan la soconaa shirqoolada aad ku hayso Deegaanadeena waxaanan kuu
sheegaynaa inaanaw marnaba suura gal ahay waxaad wadaayi ama kharash ku bixi ama waligaaba dadka Cadaab,dadka ilaahay
iyo anaguba waanu u maqanahay,Deekayagana anagaa difaacayna
 
Xadka Jabuuti. sababta lo xidhay waxay ahayd in lagu karbasho beesha Ciise halkaas marka ay dhibaato ka dhacdo si
aan wixii dhimasho iyo dhaawac ah ee beesha Ciise ka soo jeeda aan loo keenin dhakhtarada jabuuti,halka kuwa kalena
loola cararo Borama oo lagu soo dhawaynayo,waxaanu imika igu Maqaala ah in xukuumada Jabuuti balan qaaday inay
xadka furayso hadii Beesha Ciise laga saaro Deegaanada Muranku ka taagan yahay looguna wareejiyo Reer Awdal
waxa fiicnayd xadka oo xidhma waayo meesha waa dariiq marka xadka la
xidho qof aan deegaanka u dhalan waa ka guuraa,waxaanay ku noqonlahayd Cuna qabatayn intaasaa ku filan intaas Rasaas
lala gaadhin hadhaagooduna way cararayaan waayo wali Dagaal may arag Reer Borama
 
Guul iyo Gobanimo ilaahow Nagu Noolee
Rashid Yusuf
Rashid114@hotmail.de
 

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.