Dhamaantiin waxaan idin leeyey السلام عليكم ورحمة الله وبركاته. Salaan ka bacdi waxaa inoo socday barnaamijkii taxanaha ahaa ee taariikhda Sheekh Isaxaaq bin Axmed Al-Haashimi. الشيخ اسحاق بن أح......مد الهاشمى
Waxaynu maraynay iyadoo Amiirkii Najaf warqad loo soo diray lagula taliyay inay ducada kala hadhaan sheekha Ahlu khayrka ah ee soo booqday, Sheekh Isaxaaq bin Axmed AUN. Amirkii intuu dadkii isugu yeedhay ayuu warqadiina usoo bandhigay taladiina soo dhex dhigay isagoo waydiiyay sidii ay usoo dhawayn lahaayeen shariif Sheekh Isaxaaq. Dadkii markay hadalkii maqleen ayay qaaday carabnimadii isla markaana ay la noqotay inay u dhaqmaan habkii boqoradu u dhaqmi jireen kolkaas ayay isla dhex mareen in la ii dhiso qasri ku dhex
yaala laba tog. Qasrigii bay ii dhiseen oo uu ku xardhanyaay magacaygu waxaanay baneeyeen wax alle wixii ku gudbanaa ee dhir iyo binooyin ahaa iyagoo u yeelay beero qurux badan. Waxay gurigii waynaa ku daabuleen alaabo noocyo badan oo gogol iyo qurxinba leh waxa kale oo ay kasoo buuxiyeen raashin kala gedisan oo ah noocyada ugu wanaagsan ee dhulka markaa laga cuno. Gurigii 120 cisho ka dib waxa uu noqday hooy aad u qurux badan oo ay ka buuxaan dhamaan agabka la goglado iyo kuwa hawlaha guryaha lagu gutoba iyadoo soo dhawayntani noqotay mid i ilawsiisay wixii aan kalasoo kulmay reer Saba´. Saddex bilood marka ay dhamaatay ayay dadkii ii yimaadeen kolkaasay igu yidhaaheen: " sare u kac dhashii Faaduma Zahroow, wiilkii nabiga ubadkiisa ka mid ahaayoow, u kac oo kusoo dhawoow guri ka wanaagsan gurigaagii, hanti ka faro badan hantidaadii, oori ka wanaagsan ooridaadii iyo seediyo dhiigaaga ilaalinaya oo ku garab taagan waana tag ee naga gudoon inanta uu dhalay amiirka dhulkan Axmed bin Saalax bin Xussayn bin Thawaabah أحمد بن صالح بن حسين بن ثوابة amiirka Jawf Muxamadi iyo Xuseen. Run ahaantii kolkan waxaan kusoo dagay dal ladego kii ugu fiicnaa waxaanan dhex degay dad deeqsiyiin ah ilaa aan kala garan waayey timirta tii bislayd iyo tii dhigaalka ahayd oo fardahaygiina intay doonaan ka bateen kuwii aan kaga imid Saba´. Markaa aniga iyo Saba´ halkaas baanu isku sagootinay. Ninkiise uu igu daray Nasr bin Siyaad ee xabsiga uu na wada dhigay Axmed bin Sinaan waxa uu xabsiga igaga danbeeyey labaatan dharaarood iyadoon cidina xagiisa daymoonin. Waxa kale oo ay baadheen dharkiisii oo ay kasoo saareen warqadii Nasr bin Siyaad. Warqadii markay arkeen inay ku socoto Axmed bin Sinaan ayay u gudbiyeen isla Axmed. Markii uu Axmad arkay warqadii ayuu amar ku bixiyay in ciidan loo diro Nasr bin Siyaad soo qabta. Ciidankaas wuxu taladiisa u dhiibay addoon uu lahaa oo ahaa geesi aan cidina ka hor iman karin markuu fuulo gammaankiisa lana odhan jiray Yaaquut. Axmed bin Sinaan wuxuu filayay in Adoonka uu diray uu soo gabo-gabayn doono arrinta Nasr bin Siyaad waxaanu ku daray ciidan gaadhaya soddon kun oo nin. Nasr bin Siyaad markii uu Sheekh Isaxaaq soo diray wuxu kasoo dhinac diray niman sir doon ah oo usoo ogaada siday wax yihiin, nimankii ayaa ku war celiyey Nasr bin Siyaad oo u sheegay in adoonkii balada qabay iyo ciidan faro badan oo uu wato loo soo diray. Markii uu arrintii maqlay ayuu Nasr bin Siyaad aad uga xumaaday sida loola dhaqmay shariif Isxaaq oo iyo sida marba marka kasii danbaysa loo bahdilayo xaaskiisa. Waxa uu u habar wacday tolkii oo uu ka dhaadhiciyay arrintii.
Waxa uu Nasr dadkii u sheegay dadkii in Axmed bin Sinaan kibray oo uu Sheekh Isaxaaq na mustaafirayay lagana yaabe inuu ka daba diray cid dhexda ku disha. Dadkii waxay ugu jawaabeen anaga ayaa Axmed ka dhignay suldaan maanta laga bilaabona anagaa casilnay adoonkiisa iyo waxan uu soo dirayna wax dhib ah naguma hayaan markaa waanu la dagaalamaynaa adigaana hadda laga bilaabo Suldaan dadka u wada ah. Waxay kale oo sheegeen hadii aanay u hiilin Sheekh Isaxaaq inayn noqonayaan qaar ka gaabiyey oofinta xaqiisii taasina waxay noqon kartaa gaf aanu ka galnay Ahlbu Baydka Nabi Muxamad SCW markaa ku dhaqaaji barakada Alle oo aynu ku duulno inta aanay inagu soo duulin iyagu. Halkaas ayay ciidankii Nasr na soo baxeen oo ay soo abaareen ciidankii addoonku watay. Markii labadii dhinac isha isku dhufteen ayuu addoonkii dhawaaqay oo uu ku amray ciidankiisii inay is habeeyaan oo ay saf galaan. Waxa uu soo taxay kumanaan, kolkii uu arkay Nasr waxa uu addoonku kala wado ayuu kaligii banaanka usoo baxay kolkaas ayuu isaga oo hubkiisii ku jeeni-qaaran waxa uu dhawaaq dheer ku yidhi: " Waxaad ogaataan in anaga iyo idinku aanu isku hal nahay. Waxa idinka idin xumaynayaa anagana way na xumaynayaan, markaa anigu waxaan idin ku dhiiri galinayaa intaad tashataan ood arrinta lafo gurtaan inaad berri noo keentaan go´aankiina". Ciidankii adoonkuu afka ayay isasa saareen waxaana u dhag raariciyeen heshiis laga yaabo in la gaadho labada ciidan. Waxay u tageen adoonkii oo ay isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan heshiis lala gaadho ciidanka Nasr. Addoonka isaga waxa la siiyay awood ballaadhan oo suldaan ayaa loo magacaabay ka talin doona dhulka Nasr bin SIyaad laga qabsado isagoo ballan qaadkaa uu ka helay Axmed bin Sinaan, markaa damac wayn baa ku jira. Sidaa awgeed addoonku heshiiskii wuxu ku dhuftay gaashaanka iyagiina wuu u hanjabay waxaanu ku amray inay degaal u diyaar garoobaan marka qorraxdu soo baxdo. Nimankii intay taandhadiisii kasoo baxeen ayay Nasr bin Siyaad ku wargaliyeen in addoonkii "aan aabaha lahayn" uu ku guubaabinayo dagaal iyaguna aanay la wanaagsanayn in ay la dagaalamaan Nasr bin Siyaad. Nasr markuu ogaaday in ay kala socdaan addoonka iyo ciidankiisu ayuu war galiyay madaxdii tolkii oo uu usheegay in addoonka ay war u diraan una sheegaan in uu kaligii usoo baxo Nasr bin Siyaad oo oo dabadeed labadooda kii guulaystaa uu labada ciidanba isku darsado.
Markii waagii beryay ayuu mid ka mida ciidanka Nasr qaylo dheer ku yidhi "maxaad kusoo war celisay addoon yahay?"
addoonkii intuu dhawaaqay buu yidhi " Shalay baan ahaa addoon laakiin maanta waxaan ka mid ahay boqorrada run ahaantiina waxa la iisoo magacaabay inaan madax ka noqdo dhulka adigu aad ka taliso oo dhan oo aan la wareego taladiisa markaa way kuu furantahay inaad isasoo dhiibto oo aad sidaa ku hesho nabad galyo.
Amiir Nasra ayaa ugu jawaabay "waxaagan addoontu dhashay, hadii aad arrinkaa jeclaysatay banaanka isugu keen soo saar labadeena oo aynu toos isu abaarno, markaa keena guulaysta ayaa labada ciidan ba la wareegaya oo sidaa talada ku qabsanaya".
Addoonkii wuxu ku jawaabay: " waad dhamaysay arrinkii hadii ay run kaa tahay" kolkaas ayuu intuu ciidankii Nasr daymooday ku yidhi " ma maqasheen wuxu yidhi amiirkiinu" waxay ugu jawaabeen "haa" kolkaas ayuu haddana waydiiyay oo uu yidhi "miyaad ku raacsantihiin?" waxay ugu jawaabeen haddana "haa". Kuwii isaga la socday ayuu haddana soo eegay oo ku yidhi idinkuna ma maqasheen waxa uu yidhi Amiir Nasr iyo shuruudaha uu galay? Waxa ay iyana ugu jawaabeen "haa". Addoonkii markaa waxa uu yidhi " Anigaaba runtii jeclaa inaan arrinkaa soo bandhigo waanan ku waafaqsanay sida uu jeclaystay waxaanan idiinku ballan qaadayaa in aan idiinkeeno Nasr isaga oo mayd ah ama isaga oo maxbuus ah waanan u bandhigay inuu is dhiibo si uu naftiisu nabad galyo ugu helo balse wuu diiday in aan madaxa ka gooyo mooyee wax kale.
Faraskiisii ayuu usoo eryay xagii amiirkii geesiga ahaa ee Nasr, waxaanu addoonku ku kalsoonaa naftiisa oo hubaal bay la ahayd inuu guusha hantiyayo.Labadii halyay ayaa halkii isku gudo galay waxaanay isugu marmareen sidii laba xadhig iyada oo aad isku boodidooda moodayso sidii laba buurood oo hirdamaya oo kale dagaalkiina waxa uu socday ilaa casar kii gabnaa goortaas oo uu addoonkii dareemay daal oo uu isku dayay inuu dib u gurto si uu u nasto balse Amiir Nasr muu siin fursada uu ku nasal lahaa ee wuu weeraray ilaa uu gacanta kusoo dhigay oo uu intuu xadhig kusoo xidh xidhay soo kaxaystay halkaana Ilaahay guusha ku raaciyay amiir Nasr bin Siyaad.
Nasr intuu kor u dhawaaqay ayuu yidhi "ma jirtaa cid kale oo iisoo baxaysaa". Waxaa soo dhawaaday cadceed dhacee labadii ciidana way kala fadhiisteen iyadoo qolo weliba dhankeed gaadh iska qabatay. Subaxii wuxuu waagu beryay iyadoo ciidankii addoonka badiba uu usoo galay Nasr bin Siyaad intii soo hadhay baase isku soo qaaday la degaalanka Nasr iyo ciidankiisa laakiin way jabeen oo way kala yaaceen. Axmed bin Sinaan markuu warkii maqlay ayuu codhooday kolkasuu soo kaxaystay waxii uusoo kaxaysan karayay isagoo addoonkiisii Yaaquut la odhan jiray kalsooni badan ku qabay oo rajo wayn ka sugayay waxaanu ku geeraaray:
اخوض المعارك مع الجنود ............. سحاب فى جداول ماطر
وأخلع من أبغضته وامرئ من أردته............... وانزل بمن يبغض فعل الخسائر
بطعن رماح فضيات شديدة ............. وضرب الصقال المرهفات البوانز
واحكم على الابطال قهرا و عنوة ..........من حاد هذا طعام المجازر
baydadkan wuu faanayaa Axmad oo wuxu leeyey anigu ninkaan doono ayaan wax ka dhigaaa kaan diidona waan casilaa markaa sheekha buuga qoray ayaa waxa uu leeyey : markii ay maqleen tolkii waxa uu ku gabyay ayay isku raaceen inuu ninkani islwayni badan la yimi oo uu kaleexday wadadii awoowyaashii kolkaasay aad uga niyad jabeen. Ciidankii lasoo jabiyay ayuu u yeedhay oo uu waydiiyay siday wax u dhaceen. Waxay usheegay in Nasr bin Siyaad uu ciidanka si fiican usoo karbaashay addoonkiisii Yaquut na uu yahay lahayste Ilaahay uunbaana og inuu nool yahay iyo inuu dhintay. Axmad waxa uu waydiiyay dadkii in ciidankii addoonku ay dagaalameen markii hogaamiyahooda la qafaashay ka dib iyo inay kala jabaeen. Waxay usheegeen inay degaalameen kolkaasuu waydiiyay in cidi ka dhimatay iyo inkale markaasay u sheegeen in arrintaa Ilaahay uun ogyahay.
Axmad intuu aad u cadhooday ayuu ku tiraabay " waxan oodhan waxa ka masuul ah habartii "xumayd" iyo odaygeedii isna ka yimi ciraaq ee intuu Xijaaz u cararay haddana Yeman usoo cararay isagoo kasoo orday ilmaadeeradii iyo tolkii. Hadii uu khayr leeyahay isaga iyo reerkooda sidaaba umay galeen Cabaasiyiintu oo ilmaadeeradood ahi anagu se waanu soo dhawaynay waanu milgaynay waanan maamuusnay isaguna tan buu maanta abaal nooga dhigay. Run ahaantii waan dili doonaa isaga iyo ubadkiisa iyo xaaskiisaba" Axmed bin Sinaan intuu daymooday kuwii agtaanaa ayuu yidhi:
Si aynu u wada ogaano waxa uu samayn doono Axmed bin Sinaan iyo cadhadu halka ay la mari doonto fadlan LA SOCO Q 11ad ee isniinta soo socota xiliga magaalada sooyaalka ah ee Maydh ان شاء الله
Nagala soco: http://www.facebook.com/pages/History-of-Somaliland/210204385674648
Naglasoo xiriir: historyofsomaliland@gmail.com
Q 9aad
http://www.facebook.com/photo.php?fbid=560946517267098&set=a.251894628172290.75624.210204385674648&type=1&theater
Q 8aad
http://www.facebook.com/photo.php?fbid=557018514326565&set=a.251894628172290.75624.210204385674648&type=1&theaterSee More