ay Caaawinayaan Iyaga oo ay shacbiyad u samaynayaan , Balse arrintaasu waxay wiiqday Mustaqbalka sii jiritaan ee Puntland ,Iyadda oo aan la helleeli karin sidda Soo socotaddu noqon doontu haddana Saadaalintu waa mid lala seego ama sugnaata Mustaqbalka Siddiisa saxda ah ee soo socota ogaanshihiisu Sareeyaha (Alle SW) ayay u kali ahaatay .

- Calanka Puntland
Muddo dheeraysashadda
Muddo dheeraysashadda Maamulki Hore ee Cabdiraxmaan Faroole Iyo Mucaaradku ay ku muransan yihiin waxay noqotay mid aan lahayn Meel kala saarta , Puntland ma lahan Maxkamad Qawaaniineed middaas ayaa keentay in Muranku uu taagnaado.
Muddo Dheeraysashadda Madaxdi Xukuumaddi Hore ee Puntland ay sameeyeen ayaan ahayn mid mudan meel marna uma noqon karto sidda ay iyagu waa Madaxda Xukuumaddi hore ee uu Cabdiraxmaan Faroole hoggaamin jirraye doonnayaan , Qeexidda in aysan Munaasin ahayn Waxaan u celinaynaa Garashadda dabcan Siddaan u arko ayay noqon waa taydee , Buug Qawaaniineedka Caqlaaniga ah ee Puntland ansixintiisi waxay ka dambaysay xilligi la soo doortay Xukuumaddi Cabdiraxmaan Faroole hoggaaminnaayey Garashadda iyaddu qabta Isqabqabsi la,aanta unna aragta in dhibaato ka timaaddo waxay leedahay Qofna ma samayn karo Musuqmaasuq iyo ku tigri-falid in uu ku sameeyo Muddada xil-haynta , Xukuumaddu waxay lahayd Afar sanno waana ka idlaatay sheegashadda Sannadka Dheeraadka ahina waa mid aan Qawaaniinta Puntland qaabilsanayn .
Qawaaniintaas Puntland loo dajiyey waxaa curisay Garashadda dadki ka qayb qaatay dadkaasu ma aysan curin Qaanuun dhibaato Siyaasaddeed keenaaya kolkaas doonitaanka Xukuumaddi hore ee muddo dheeraysashadda ah weeye ayaynu oran Dastuurka cod u qaadidiisu ay ka dambaayey soo doorashadda Madaxda Xukuumaddi Hore kuma dooddi karaan isaga ayaa doorka sii daadinta Hoggaaminta Puntland na siinaaya .
Tusaale haddii dadki Dastuurka Puntland ansixiyey ay ku ansixiyeen in Xukuumaddi Hore leedahay Muddo Sannad ah oo ay iyadu shanta Sanno yeelanayso Maxaa diiddaaya In Xukuumaddi Hore ee hadda sheeganaysa Masuuliyadda Siyaasaddeed ee Puntland ay samayn karto haddiiba loo dayo sii joogista in ay isu keento 480 Cod siddayaal ah oo mar kale gacmaha taaga iyadda oo Muddada Xil-haynta Madaxtinimadda Puntland ka dhigaysa 8-sanno siddaasna ku sheegata Sadex Sanno oo kale , Kuna xoojisata Dimuqraadiyeynta door halla siiyo Waqtiga soo dhamaystiridda Dimuqraadiyeyntuna waa nagu qabyoobay Siddaas ayaan mar kale Sii joogis ku astaysan dhamaystir u dooranay , Mucaaradkana Asxaab Furasho ayaan ugu baaqaynaa ......!
Tusaalaha sarre waxa uu meesha ka saarayaa in Xukuumaddi Hore ay leedahay Muddo sannad ah sheegashaddeeduna ay tahay mid xakun jeclaysi salka ku haysa mana jirto Doorasho daddeed ka dhici karta deeggaanadda Puntland oo muddo sannad ah lagu samayn karo balse waxaa ka horaysa garashadda dhibaataddo curinta diiddan garoowshiyo makaga hellayaan Muddo dheeraysashadda ay sheeganayaan ?
Xilliga uu waqtigayga Qaanuuniga ahaa iga dhamaan rabo ayaan dad Soo urursan oo aan gacmaha taaga oran ka dibna sii joogistaydda xalaalaynteedda ka dhigi saw ma ahan mid mar kasta la samayn karo Maxaa diiddaaya in ay Mar kale sameeyaan Waa hadday sii joogaane .... ?? Akhriste Haddii ay noqoto sii jooguddu mid ku xiran dhowr boqol oo qof oo la isu keeno Gacan taagiddooda dabcan taasu waxay noqonaysaa midda uga sahlan in ay Doorasho galaan , Sababta oo ah Doorashaddu ma ahan mid aad hubto in aad ku soo baxayso Balse Cod xambaarayaal Qaybtoodda deegaanaddoodu Maamullo kale leeyihiin oo Gacanta taagaa waa Mid aad u fudud in la sameeyo sii joogistana dood looga dhigo cod Xambaarayaal ayaa meel mariyey dadka qaybtoodna lagu hima-Galiyo humaagaas u Hayaamid goob hanaan wacan ay u arkaan waa shacabke qaybtoodde balse xaalku Siddaas ka duwan .
Mustaqbalka Puntland
Siyaasadda Xilligaan ee Puntland ayaa ah mid cakiran jiritaanka Puntland-na waxay galinaysaa in laga saadaaliyo Dhibaato dib u dhicid ah oo Deegaanadda Maamulkaasu ka arrimoyo ku timaadda , Mucaaradka aan tabarta badan ee Siyaasaddeed lahayn balse ku amaanan in aysan Khalalaase ridin ma ahan kuwo ka soo dagaaya halka ay joogaan , Xukuumaddi Horena sheegashaddeeda kama tanaasulayso wadda hadal ka galid iyo Gogol dhigidna geeddiga halkay u waddaan uguma jirto dhabaha ay u marayaan siddaay sheeganayaan .
Mugdi galidda Mustaqbalka Puntland muddo dheeraysashaddu in ay sii xoojiso dhicisoowgaas ma ahane Puntland dhibaataddeeda Siyaasaddeed waxa ay bilatay Kolki lagu dhawaaqay Maamulka Khaatumo , Khaatumo waxay meesha ka saaraysaa Puntland-ti 1998-di in ay sii jirto,Khaatumo waa dhul baaxad wayn dhowr Gobolna ka kooban ,Haddii Wadda hadal ay la gali lahaayeen Khaatumo Siyaasiyiinteedda kuwo Puntlandernimadda aminsan Dhinaca wadda joogidda iyo sii jirridda Puntland-ti horena qaba muddo dheeraysashadda ayaaba meesha ka saaraysa oo iyadu dhabar jabinaysa haddii ay jirraan dadaallo dadka badankiisu ogayn oo isu soo celinta ku suntan ayna Siyaasiyiinta Qaybtood qabaan .
Mugdi Galitaanka Jiritaanka Puntland waxaa door ka qaadanaaya Muddo dheeraysashadda Xukuumaddi Hore ee Puntland , Waxay meesha ka saaraysaa in sawir wanaageed laga dheehdo waayaha soo wajahan Muqaalkaas oo ah in Puntland rajo sii jiritaan yeelato , Waxaa dusha saaranaaya laguna xusayaa Xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole hoggaaminaayey haatana sii joogista sheeganaysa .

Qorraha Falanqaynta - Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
Rajadda isu soo celinta Puntland ayaa ah mid aad u hoosaysa waxaana arintaas dib isugu soo noqoshadda sii fogaynaaya Madaxdi Xukuumaddi Hore ee Muddo dheeraysasho aan Siyaasaddaynta loo marin ee hab xoog ah lagu doonaayo ku socota .
Mucaaradka Puntland ma ahan kuwo awood Siyaasaddeed oo xoogan leh balse waxay samayn karraan inta sidda fudud u dhici karta ee ay haddaba ku dhawaaqaan oo ah in ay Masuul ka yihiin doorka Siyaasaddeed ee Puntland xukuumaddi horena aysan lahayn Masuuliyadda hoggaamineed ee Puntland , Waxaa sidoo kale dhici karta in ay dhisaan Maamul , Mucaaradku ma lahan Qorshe Siyaasaddeed iyo Mabaadii ay ugu yeerayaan dadka Puntland , Ma lahan haddalo Siyaasaddeed ku astaysan sheegidda sidda saxda ah ee Xaalka Puntland yahay qorshahooddana ka dhigaaya mid dhagaha dadka ku dhibca awooddooda Siyaasaddeedna xoojiya .
Isimaddi Puntland
Oday dhaqameedka dadka ay Soomaaliddu ugu yeerto (Hor jooge Koox odayeed ) kuwoodda Puntland waxaa la siiyaa yagleeliddi Puntland waloow aan annigu qabin arrintaas balse sidda dadka badankiisu aminsan yihiin ayaan Falanqaynta ku astayn maddaama aysan Aragti ahayn ,Isimaddi Puntland kuwoodda Khaatumo yagleelay ee iyagu kala gooynta Puntland qaatay waa cadyahay doonitaankooddu , Isimadda hadda dareenka Puntlandernimadda la nool waxaan ku qeexayaa in ay iyaguna aminsan yihiin in Puntland inti hore ka soo yaraato , Haddii dadku u hayaan in ay door ku leeyihiin Hannaanka Maamul soo dhisid ee Puntland saw kuwan qaybtood Faroole sii joogidiisa u sacbinaaya miyaysan ahayn in la is waydiiyo Halkee loogu haggaagaa ? Dareenkee lagu sifeeyaa in ay la joogayaal yihiin ? saw siddayda sarre sifayntooddu ku suntanaanmayso ....
Waxay dhanka kale iska indha tirayaan Siyaasadda is-haysashadda leh ee Puntland aaway doorkooddi? , Maxaa loogu nisbeeyaa in ay Maamulkaan dhiseen ? Malaha Maamuuskaas waad la jeclaateene ma lahan bal iswaydiiya Maye Maanta `??
Shacabka Puntland
Shacabka Puntlanddernimadda la nool waxay la soo muuqdaan kuwo ku kala qaybsan Xaalladda Siyaasaddeed ee Puntland , Qaybtood waxay taageersan yihiin sii joogista Xukuumaddi hore oo waxay ku hima-gashan yihiin humaaga aan noqon karin wax la taaban karo ee Madaxti Hore ugu yeerayaan Shacabka Puntland ee ah in ay Doorashooyin daddeed Puntland ka hirgalinayaan , Qaybtood Mucaaradka ayay dhinac taagan yihiin oo Xukuumaddi Hore Xoog ayay ku joogtaa ayay leeyihiin , Shacabka waxaa hagga Hoggaamiyaha Siyaasaddeed waxaana dabiici ah in ay ku kala qaybsamaan Aragtiyadda Siyaasiyiintu yeerinayaan , Halka Badanka dadka Soomaaliyeed ay iyagu la nool yihiin dareen Qabyaaladdeedka kolkaas iskuma dhibaateeyaan in ay Mabaadii kala doortaan.
Doorka Dawladda Soomaaliya
Dawladda Soomaaliya waxay ka arragtaa fursad aad u saraysa xaaladda Puntland ay xilligaan ku sugan tahay Mabaadiida Madaxda Hoggaamisa Dawladda Soomaaliya ayaa iyagu ah kuwo qaba aragtidda ah in aan Soomaaliya Federal noqon karin , Xaalka Siyaasaddeed ee Puntland oo cakiraadda waxay ka arkaan in uu keenaayo kala yaacid Tusaalaha xoogan ee arrintaas muujinaaya ayaa ah Dawladda Soomaaliya kama hadlin xaalka Puntland , Waxaa u bannaan in ay Mucaaradka la safato oo ay saaxiibo siyaasaddeed oo u dhow ay Madaxtinimadda la doonaan kuna tilmaamaan Xukuumaddi hore ee Puntland in Madaxdeeddu qaldan yihiin Muddo dheeraysashaddana aysan lahayn , Dhanka kale waxay dhinac istaagi kareen Madaxda Villa Soomaaliya Madaxwaynihi Hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyaga oo jaal ay wadda shaqeeyaan ka dhiganaaya Faroole Balse taasuna ma dhicin .
Iswaydiintu waxay noqon Maxaa dhinacna u diiday Dawladda Soomaaliya ? Jawaabtu waa siddaan qabee Mabaadiida Madaxda Soomaaliya waa kuwo diidan Naddaam Federal ah oo Soomaaliya noqoto siddaas darteen Khilaafka Siyaasaddeed ee Puntland in uu noqdo mid jiritaanka Puntland eersadda ayuu doonitaankooddu yahay doorkooddana waxay u arkaan ka amusid , Hadday siddaas doonitaanka Madaxda Soomaaliya yahayna u dhacdo waxay jawaabtooddu noqon Soomaaliya Naddaan Federal ah ma noqon karto oo waataa Puntland-ti 14-sanno soo jirtayba is-haysan wayday .
Dhamayn:
Waxaan ku idlayn Falanqayntaydda Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ee 1998-di la aasaasay Jawi Siyaasaddeed la mid ah midka Maanta yaala ma soo marin, Waxaa saaqidiyey Siyaasaddi Puntland ku dhisnayd Maamulki Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole ee ku hoggaamiyey Puntland in lagu kala yaaco Siyaasaddi ay ku dhisnaydna noqoto mid horusocodnimadda ka soo weecata , Jihadda ay ku socotaana noqoto Mid mustaqbalka Jiritaan ee Puntland Mugdi galinaysa .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajoog5@gmail.com
Facebook: Halkaan Riix
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga