Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


WAR DEGDEG AH:- Dacwaddii Ay Soo Oogeen Taageerayaasha Ururka Xaqsoor kuna soo Oogayeen Madaxweyne Siilaanyo oo Meel Xasaasi Ah Gashay .


(Hadhwanaagnews) Friday, January 25, 2013
London-(HWN)-Taageerayaasha ururka Xaqsoor ee xubnaha sare ee ka tirsan xukuumadda Somaliland dacwadda kaga soo oogay carriga Ingiriiska kadib markii caruurtooda si arxan daro loolaayay

London-(HWN)-Taageerayaasha ururka Xaqsoor ee xubnaha sare ee ka tirsan xukuumadda Somaliland dacwadda kaga soo oogay carriga Ingiriiska kadib markii caruurtooda si arxan daro loolaayay ayaa walaac ka muujiyey war cusub oo ku soo kordhay ka dib markii ay lawyarada dacwada wadaa ku soo taliyeen in  "Haddii dadka dacwadda lagu soo oogayo maxkammad laga saaro halkan [carriga Ingiriiska], markaa waxaan wax idiin kala talin doonaa dariiqaddan oo faahfaahsan,  laakiinse waa inaad ogsoonaataan in dacwadda denbigan la xidhiidha ay noqon doonto mid farahayaga iyo farihiinaba ka baxda, iyo gacmaha dhibanayaasha, markhaatiyada, ehelada dadku ka geeriyoodeen iwm. maadaama ay dacwadda gacanta ku

qaban doonaan Adeega Dacwooyinka ee Boqortooyada Ingiriisku (Crown Prosecution Service) oo gacanta loo gelin doono dadweyne u doodayaasha (state prosecutors). Qodobkaas oo aanu ka soo min guurinay warqaddii  [if the suspects are put on trial here, then I can advise you about the procedure in detail, but you should be aware that the criminal prosecution will be largely out of your and my control, as well as the victims, witnesses, relatives of the deceased etc. as it would be conducted by the Crown Prosecution Service (state prosecutors)".  Taas micnaheedu waxa weeye in aanay awood u yeelan doonin dacwo oogayaashu in haddii dacwaddu halkan ka bilaababto inaanay dib uga noqon karayn ee farahooda ay ka baxayso.

Sawiradan oo kuwo hordhac ah waxaana Ogolaaday in saxafada loosoo bandhigo Qaremada u Doodaya caruurtan yaryar ee dalkoodii iyaga oo waxba galabsan lagu laayay laguna xasuuqayay.

Arrinkan ayaa dacwo-oogayaashu labo aragti oo kala duwan ka kala bixiyeen hadda ka hor kuwaasoo kala ahaa in waaranka xadhiga (warrant of arrest) la soo jaro si markaas madaxweynaha loogu digo inaanu isku iman carriga Ingiriiska maadaama la xidhayo marka uu cagaha soo dhigo iyo aragtida kale oo ahayd inaan loo digin ee uu iska soo dego oo la qabto oo ah sida ay garyaqaanadu marka horeba soo jeediyeen, qaar ka mid ah dacwo oogayaasha ay la qabeen.

Kala duwanaanshaha labadaas aragti ayaa soo dedejiyey in garyaqaanadu tacliiq ka soo bixiyaan waxa dhici kara haddii la isku raaco in madaxweynaha aan loo digin ee loo qariyo waaranka taasoo marka la qabto uu hor imanayo maxkamad uu kaga jawaabo denbiyada dhacay ee lagu soo oogay taasoo markaas faraha ka baxaysa oo aan dib ula soo noqasho lahayn.

Inta lagu guda jiro soo jaridda waaranka, waxa kale oo dacwo oogayaasha la soo weydiiyey in si loo sii wado dhisidda kiiska ay soo gudbiyaan wixii markhaatiyo ah ee goob joog ka ahaa goobta denbigu ka dhacay, warbixintii dakhaatiirta (medical reports), haddii ay jiraan baadhitaan lagu sameeyey meydka (post mortem reports), sawirro iyo filimo wixii kale ee laga hayo dhacdadaas (films and photographs of the events and casualties) kuwaasoo qaarn la hayo kuwa kalena hawshoodii la soo dirayo.

 

Sawiradan oo kuwo hordhac ah waxaana Ogolaaday in saxafada loosoo bandhigo Qaremada u Doodaya caruurtan yaryar ee dalkoodii iyaga oo waxba galabsan lagu laayay laguna xasuuqayay.

Waxa kale oo la soo weydiiyey dacwo oogayaasha caddeyn ah in shakhsiga ama ashkhaasta denbiga lagu soo oogayaa ay deggan yihiin carriga Ingiriiska. Xeerka Maxakamadda Denbiyadda ee Caalimiga Ah 2001 (ICCA) sifaha oo degganaanshaha ku macnaynayo ayaa sida soo socota:

1)      Qof haysta fasax abadi ah ee waddanka Ingiriiska.

2)     Qof kasta oo codsaday in la siiyo fasax noocan oo kale ah (ama go?aan ha laga gaadho ama yaan go?aan laga gaadhine) balse weli ku nool Ingiriiska

 

Evidence that the suspect or suspects come within the definition of a UK ?resident?. The International Criminal Court Act 2001 (ICCA) provides the following guidance in this respect:

 

67A Supplemental Provision about UK Residents

 

(1)   To the extent that it would not otherwise be the case, the following individuals  are to be to be treated for the purposes of this Part as being resident in the United Kingdom;

(2)  Any other individual who has made an application for such leave (whether or not it has been determined) and who is in the United Kingdom;

 

Inkastoo Dadkan Maxkamada lagu soo ogayo oo uu hormaad kayahay Mr.Siilanyo waxaana Dacwadan kula jira Cali Xamari oo lasoo xaqiijaiyay  inuu haysto jinsiyad Ingiriis ah, waxa aan la hubin sharciga uu madaxweyne Siilaanyo haysto. Hase ahaate waxa la ogyahay inuu hanti ku leeyahay waddanka uuna deggan wuxuu doonaba ha haystee. Arrinkaas waxa lagu xalliyey inuu madaxweynuhu sharci uu ku deggan waddanka UK uu haysto.

 

Waxaanu idiin soo gudbin doonaa sawirrada qaar ay oggolaadeen lawyarada in haatan saxaafadda loo bandhigo karo. Kuwa dhintay ee ay qoorta iyo dhuunta kaga dhacday ee ay jarjartay waa la diiday in loo sii daayo saxaafadda.

 
Hadba halkan kala socda dacwadu halka ay marayso iyo wixii sawiro ah ee la ogolaado waanu idiin soo bandhigi doonaa.
 

Hadhwanaagnews  

London, UK


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.