Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Damaca iyo Damaaciga- Abdirashid Ibrahim Yousuf (Shibbiin)


(Hadhwanaagnews) Friday, January 25, 2013
Bulsho waliba waxbay ka aamin santahay waxa magaca la yidhaa: Magac wuu kula duulaa, Dhulkana waa laga bixiyaa

Laygama badsankareene bahalka Naxwaha la yidhaa shadkiisa iyo madkiisa ayaan kala saari waayay oo shuruucdiisa waa layga badiyaa. Galin kagama gayoon karno oo takhasus kiisu sanaduu qaataaye intiisa u gurracani waxaa ay ka bilaabantaa marka la soo gaadho Cutubka Magac yada.

Bulsho waliba waxbay ka aamin santahay waxa magaca la yidhaa: Magac wuu kula duulaa, Dhulkana waa laga bixiyaa Samadana waa laga ansixiyaa, waxyi lafter kii weeye oo waa laysku soo dajiyaa.

Mid Mabda?, Umadeed, Haybeed, Wadareed, Xirfadeed, Qofeed ama Gaar ahaaneed,  midna, miduun, midadyaw, mid kaad doonto iyo mid kasta. Berigii hore waa laysku sooryayn jiray, Warsame iyo Weedhsan bay ahaayeen. Beryihii dhexana masuugaa batoo inta u daran baa laysu

dooray, Waraabe iyo Waswaasa miidhan. Beryahan dambena bakhaylkaa batoo midna laysu quudhi waa oo qof waliba isagaa isku wan qala oo waxaa soo baxay Isma-gabayaal magacyobadan.

Malaha magac yadaa la qaatayba ee Magac-U-yaaladaa ka daran. Magac-La-Moodayaasha laftarkoodu waaba saleelo?e Magac-Sifeeyayaasha-Magac-U-Yaalada-Magac-Qofeed ayaa u yaab badan. Magac InaMagac IlmoMagac?!
 
Iskaga hadh waad ku marganaysaa abtirsiintooda oo mid qudhaan u socday qabso. Inta kale yeelkeede mid baa ku jira laygu qalday oo layidhi qaybaad u heshay, quudna aan ahayn. Midh kaa weeye ka maalinta aan shadka iyo madka kala saaro haddii Alle yidhaa aan buugta naxwaha ka masaxayaa, micnihiisa badalayaa, dibna u daabacayaa. Nuqulka qaamuuskaygaasi maalinta uu ku soo gaadho aan soo saaro haddii Eebe idmo hantiyi siday u idishahay anaa leh, mood iyo noolba. Hadalo iyo sheekooyin lakala jantay ayaa maalmahan maxkamado layskula fuulaaye maalintaa Ina Sanwayne boob iyo bililiqo waa midkuu igu helaa.

Abdirashid Ibrahim Yousuf (Shibbiin)
abbirash@hotmail.com
+256791541088

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.