Asaalu calaykum dhamaan waxaan salaamaya bahweynta saxaafada somaliland meel kasta o ay joogta iyo akhristayaasha ku xidhan e sida joogtada ah waraka uga qaata salaan kadib
Waxa ayaamaha saaxada siyaasada somaliland ku badnaa faalaynta midowga labada garab e ay kala hogaaminayeen Dr Maxamed Gaboose iyo PROF Cabdiraxmaan Ciro hadaba bal aynu wax yar ka yara dheehano labadan siyaasi ee miisanka culus ku leh somaliland iyo dhamaan mandaqada geeska africaba
Hadii aan ku bilaabo Dr Gaboose wa siyaasi aqoon sare u leh caafimaadka waxa u shahaado PHD ah ka sitaa aqoonta loo yaqaan (neurology) o ah aqoonta neerfaha
o ah halbowlaha ugu muhiimsan ee banii aadamku ku shaqeeyo waa xidhidhiyaha maskaxda iyo dhamaan jidhka kale, wa aqoon ku ah naadir aduunka o wadamada horumaray xataa marka aad u baahato dhakhtar aqoonta leh waxa lagu siinayaa ugu yaraan 3 bilood o balan ah aragiisa, taas o ku tusaysa qofka aqoonta bartaa inuu yahay qof aad u maskax sareeya o aqoontiisu la jaan qaadi karto, Gaboose wuxu xilal badan ka so qabtay dowladii Siyaad Bare e xiligaa dalka ka talinaysay isaga o gaadhay heer wasiir, wuxu dhex galay garoonka ama saaxada siyaasada, wuxu ka noqday xubin aad u firfircoon isaga o ahaa hormuudka siyaasiyiinta beelaha isaaq, ee muqdisho joogay, wuxu noqday ninka kaliya ee talooyinka beesha go aamiya, iyada o si gaara gurigiisa loogu qaban jiray shirarka xasaasiga ah ee beeshu ay leedahay.
Dr GABOOSE markuu arkay dhibta ay dowladu ku hayso umada waqooyiga iyo sida arxan darada ah ee ay ula dhaqmayso wuxu go aan ku gaadhay inu ku soo biiro dhaqdhaqaaqi xoriyo u dirirkaa ahaa ee SNM, xiligaas o ururka SNM ku jiray ama maraayay meeshi ugu adkayd, o ay ka dhex aloosnayd khilaaf aad u adag o dhex yaalay hogaankii siyaasiga ahaa iyo ki militariga ahaa .
Gaboose wuxuu gacan laxaadleh ka qaatay isku soo jiidkii labada garab isaga o kaashanaya aqoontiisa iyo khibradiisa siyaasadeedd ee u ilaahay u dhaliyay, wuxuu si yar o fudud iskugu keenay labadi garab waxaanu halka ku soo af jaray khilaafkii curyaamiyay dagaalka lagula jiray horarkii Siyaad, intaa kadib wuxuu qayb laxaadleh ka qaaatay qabsoomidi shirkii Baligubadle isaga o ku biiray golihii dhexe ee SNM kadibna wuxu ahaa hormoodkii talada dalka lagu xoreeyay ku lahaa gacanta weyn, taas o an ula jeedo wuxu ahaa ninkii sameeyay isku xidhkii General CAYDIID iyo SNM taariikhduna wa mid aan beeen sheegin, o hadii aynu xaqiiq u noqona dalka xorayntiisa waxaan odhan karaa waxaaba u ahaa sabab General CAYDIID, sababta o ah hadii aanu Muqdisho xabada gaadhsiin Hargeysa waligeed lama xoreeyeen, qofka aadamiga ahna waa in libinta u leeyahay la siiyaa waayo hadii kale waxaad noqonaysaa xaasid aan run sheegin
Gaboose wuxu qayb libaax ka qaatay gooni isku taagi somaliland isaga o ku taliyay in shacbiga somaliland noqdaan shacbi madax banaan o an mar danbe hoos tagin dowlad xamar ka dhisan, waxaanu iftiimayay wax yaabo badan o aan markaa shacbiga somaliland war badan ka haynin, iyo ujeedooyin u qarsoon dadka koonfurta, Gaboose wuxuu diiday inuu xil ka qabto dowladii ugu horaysay e somaliland e u hogaaminaayay Rabi ha u naxariiste CABDIRAXMAAN AXMED CALI, isaga o mar walba aaminsanaa in dadka wax tabanaaya wax la siiyo iyaga marka hore o waliba shakhsiga xilka hayaa noqdo mid aan ku sifoobin qabyaalad iyo dad so kala dhawaysi, iyo in lagu xanto inuu dhan u jan jeedho ama cid gaara naas nuujiyo, waana in badan o ka maqan siyaasiyiinta somaliland ee dalka jooga iyada o ay ugu wacantahay garaad gaabnimo,wayo waxa jirta aqoon rabi qofka aadamiga ah ku manaysto kuna abuuro iyo mid qofku barto, ta qofku bartaana ma badasho abuurka RABI,
Gaboose markii dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen wuxuu ahaa shakhsiga kaliya ee ka nadiifta ah e aan gacanta la galin e walibana ahaa nin ku jira saaxada siyaasada e dalka, qof wal o markaa dalka joogay ama siyaasi ha ahaado ma suuq joog ha ahaadee dagaalka wa dhex galay, gacana wa ka gaystay, laakiin Dr Gaboose waa diiday inuu dhex galo marar badan o loola tagay xataa, waayo wuxu ahaa nin aragti dheer (visoinary), waxaana kaga markhaati kacaya raga maanta dalka taladiisa haya iyo kuwa ku xeeranba wa ragii qoriga dabka leh shacbiga la dhex socday maanta hadi lala soo qaado dagaalka waxa ay ku noqotaa boog madow iyo dhinbiil dab ah o waxa ay diidaan in dhagahoodu maqlaan dagaalka sokeeye, halkaa marka waxaa kaga cad akhriste ninka maalintaa arinkaa arkaayay wad garan kartaa aqoonta iyo xikmada rabi u dhaliyay
Gaboose wuxuu ahaa shakhsigii ugu horeeyay e markuu arkay halka u dagaalka sokeeyay gaadhay iyo xumaanta looga dhaadhacay iyo waliba ragii maalintaa lahaa waa inoo dagaal iyo" dabci qorigu ha i furo" in ay wajigii sin kari waayeen shacbigoodii, o ay noqdeen sidii tuke baal cad o kale, raga qaarna ay noqdeenba inay shacbigaba iska qariyaan o ay ka so bixi kari waayaan guryaha ay dagan yihiin, ragna dalkaba waa ka dhoofeen o wadamo shisheeye ayay iska dhiibeen, wuxuu ka bilaabay shirar wadamadii dibada dadki joogay ee aqoon yahanka ahaa wuxuuna ka dhex sameeyay ururkii la magac baxay dib u heshiisiinta somaliland, isaga o ahaa ninkii fikirkaa keenay marki danbana si dhab ah u fuliya o waliba ku bixiyay xoogiisa iyo xoolihiisaba, wuxu ku guulaystay inuu dadkii kala irdhoobay isku keeno, wuxuu ku guulaystay inuu shirkii umadu ku heshiisay ka noqdo xoog hayn, wuxuu ku guulaystay inuu dadkii walaaleeyo o u dhiso dowlad dhamaan ka talisa dhulka somaliland waayo dawladi marka jirtay Hargeysa mid ku kooban ayey ahayd, wuxu mar kaliya ka soo furay dhamaan xafiisyadii dowlada ee asaasiga ahaa dhamaan gobolada bariga ee somaliland
Gaboose mudo kadib ayuu xilkii ka dagay kadib marka u arkay in aan himiladii u doonaayay aan dalka lagu wadin, laakiin mar qudha gaboose afkiisa muu soo marin wax hadal ah o u ku duraayo maamulkii marka xilka hayay, halka maanta raga xilka doonayaa marka xil laga qaado inta ay saxaafadaha tagaan yidhaahdaan "SIR BAAN HAYAA AAD U WEYN O AAN SHEEKAYA" ninba wa garaadkii hadana ragaas ayaa saxaafadaha somaliland qaar ka mid ahi habeen iyo maalin amaanaysaa o ay umada wax uga dhigaysa, halka ay Dr gaboosana doonayaan in ay xajiimeen ugu sameeyaan, wa dad aan garanaynin aqoontu iyo sharaftu waxa ay tahay o ay kala weyntahay qabyaalad qadhmuun o waliba reeraysan
Gaboose wa nin aragti fog o waliba ah ninka soo saara ninka madax ka noqon kara somaliland, taas o ku cadaynaysaa sadexdii mdaxweyne e dalka u kala danbeeyay wuxuu ahaa mid waliba mid ku soo baxa is garab taaga Gaboose, bal u yara fiirso
Maalintii Cigaal doorashada galaayay 1997 waxaa gacanta midig u ahaa ama u kursigaba saaray waa Dr Gaboose o hadii aanu maalintaa haysan Gaboose aanu ku soo baxeen, waana xaqiiqo jirta o qofka siyaasada ku dhex jiraa ogyahay.
Maalintii Daahir tartanka la galay Silaanyo waxaa garab istaagay Gaboose taas o la ogaa ninkii maalinta kursiga saaray ama u ahaa sababta inuu aha Dr Gaboosee, taasuna wa mid ku cad taariikhda somaliland
Maaliintii u kulmiye ku biiray Gaboose ayaa waxa la ogaaday in silaanyo kursiga fuulaayo, waayo wa nin aragti dheer o arkaaya wax aan dadka markaa jooga u muuqan, waana marag doona in kursigaa maanta silaanyo ku fadhiyo gacanta Gaboose rabi sabab uga dhigay, iyana wa mid kale o ku cad taariikhda dhabta ah ee aan ahayn ta gacan rimiska ah ee dhawaanahan ku sooo badatay dalka
Maantana waxa inoo cad in madaxweynaha mustaqbalka e somaliland yahay hadii rabi ku simo PROF CABDIRAXMAAN CABDILAAHI CIRO, sababta o aah inaga o eegayna ashkhaasta miisanka leh e ku jirta maanta xisibiga WADANI iyo waliba garaadkii iyo ildheer garadkii somaliland o maanta si cad inoogu sheegay o aan waliba gabasho lahayn inuu PROF CABDIRAXMAAN CIRO yahay ninka maanta dalka iyo dadkaba hogaamin kara himiladii u lahaana gaadhsiin kara shacbiga somaliland ............................. la soco qaybta labaad
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga