wax uga qaban lahayd.
2. Siyaasadii dibada oo dabac badani ka muuqdo oo xitaa uu madaxweyne Siilaanyo kari waayey in uu dalka aduunka ugu xooga badan uu wax xadhiidh ah la yeesho ama booqasho ku tago.Fursadaas ama ka maqnaanshaheena USA wax ay daliil u tahay laalista USA ee wadashaqayteenii ee ay ku dhawaaqday walow aynaan heerkeeda ogayn.
3. Furitaankii axsaabta siyaasada oo lagu degdegay dhibaatooyin aan ilaa hada xal loo helina dalka kaga tagay.
4. Dawlad u badan rag dhalin yaro ah oo dadaalaya laakiin khibrad badan aan lahayn ee socod barad ah.
5.shirkii somaliland iyo somaliya qodobadii ka soo baxay oo aan wax nacfi ahi ku jirin oo aad moodayso in somaliland lagu khiyaameeyay ee ay wanaagsanaayeen dhinaca somali.
Isku soo wada duuboo madaxweynaha waxa la gudboon talo iyo in dawlad wakhtigan adag dalka ka saarta uu soo dhiso isaga oo eegaya duruufaha ku xeeran wakhtigan xaadirka ah wadatashi balaadhana uu sameeyo si uu talo badan u helo.
Abdulqani Mohamed Hassan (Swedan)
Sanwalo2@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga