Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Qoyskii Reer Yuusuf Jaamac Ee Xanuunku Ka Wada Naafeeyey Adhaxda Oo Guri Weyn Loo Dhisay Jimcihiina Shalayna Lagu Wareejiyey + SAWIRO/DHAGAYSO


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Hargeysa (HWN):- Khadiibka Masjidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aaden Muxumed ayaa shalay Jimcihii soo afmeeray, hawl uu in muddo ah gadh-wadeen kasoo ahaa

Hargeysa (HWN):- Khadiibka Masjidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aaden Muxumed  ayaa shalay Jimcihii soo afmeeray, hawl uu in muddo ah gadh-wadeen kasoo ahaa, oo si tabarruc ah Hoy ay galaan loogu dhisayey qoys dhibaataysan oo reer Hargeysa ah, kuwaasoo uu ku dhacay xanuun ilaa hadda aan la fahmin oo wada naafeeyey.


2; COLOR: rgb(0,0,0); WORD-SPACING: 0px; -webkit-text-size-adjust: auto; -webkit-text-stroke-width: 0px" align=justify>Aabbaha qoyskan oo la yidhaa Yuusuf Jaamac, ayuu sheekhu Salaaddii Jimcaha dabadeed kuwareejiyey Furayaashii guri Hanti u noqon doona oo ay u dhisaan walaalaha dalka ku sugan iyo kuwa dibadaha. Waxaana masjidka looga duceeyey dhammaan dadkii ka qayb-qaatay dhisidda gurigan.

Sheekh Mamamed Aaden oo ah shakhsigii isku xil-saaray una guntaday iskana lahaa abaabulkii gurigan lagu dhisay, ayaa dabayaaqadii khudbadda ku sheegay in uu dhammaaday gurigii ay bulshadu iska kaashatay ee loo dhisayey qoyskan. Isagoo xusay una duceeyey cid kasta oo wax ku darsatay hawshaasi.

Sheekhu waxa uu ka dhawaajiyey maadaama uu wejigii hore ee qoyskaasi loogu gurmanayey uu guul kusoo dhammaaday oo gurigii oo dhamaystiran macal gogoshiisii ay la wareegeen, wejiga labaad ee xigi doona waxaanu yidhi "Waxa u hadhay in noloshooda la daryeelo, masaariiftooda meel lagu hubsado Insha Allaahu, waxa kaloo u hadhay bal xanuunkani waxa uu yahay in la baadi doono..."

Yuusuf Jaamac ayaa isaguna markii uu la wareegay furayaashii gurigan cusub ee loo dhisay, halkaasi ka hadlay mahad-naq iyo ducaba uga gudbiyey dhammaan dadkii u soo gurmaday. Waxaanu ka sheekeeyey dareenkiisa waxaanu yidhi "Walaalayaal maanta waxaan la ooyey Farxad, beerkayga mullaaxdiisii ayaa sidaa u wadhnayd, wuu arkay, way gur-guuranayaan,.......maanta ayaan mafaatiixdii guriga sidaa laygu wareejiyey,...haddii dadkaa indhihiina ku aragtaan maalintii hore iyo maanta siday yihiin, maanta wejigoodii iyo quruxdoodii ayaa soo noqotay..."

"Daar weyn, oo Geydh leh, oo biyihii soconayaan, oo laydhkii leh oo gogoshii taal oo daah-yadii leh ayaa maanta mafaatiixdiisa la ii dhiibay, waxaa farxad weyn ii ah intaasoo islaam ah ee wax ii tartay, ...Ilaahay uunbaa idinka abaal-marin kara..." Ayuu Yidhi Aabaha qoyska Yuusuf Jaamac.

Yuusuf Jaamac waxa kale oo uu halkaa uga duceeyey Hadhwanaagnews, iyo Suxufigooda C/salaam Cismaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra) oo hawshan qayb-libaax ka qaatay isla markaana dadkii dibadaha oo dhan u gudbiyey waxaanu yidhi "Ninka Website-kaa Hadhwanaag haya C/salaam, isagana ducadaa duco leegbaan farayaa, waayo isaguna qay ayuu ka qaatoo wuu gudbiyey dibad iyo gudaba, aad buu inankaasina Alle ha karaameeyee ii karaameeyey...."

Qoyskan reer Yuusuf Jaamac ee Lixda Ubadka ahi u yuururaan Xanuun adhaxda ka wada jabiyey, ayaa horey ugu jiray guri kiro ah, taasoo iyaduna dhibaato xooggan kusii ahayd maadaama aanay kici karaynba, waxaase maanta ay u ahayd Farxad aan la qiyaasi karin, maadaama walaalahooda dibadda iyo guduhuba u soo dhiseen guri hanti u ah oo ay galaan.
 

Sheekh Maxamed Aadem Muxumed Oo Furayaashii Ku Wareejinaya Yuusuf Jaamac

Sh Maxamed Aadem Iyo Yuusuf Jaamac Oo Dhex Taagan Gurigii Loo Dhisay Oo Waliba Goglan

Sheekh Maxamed Aaden Oo Minbarkii Masjidka Ku Taagan Kana Akhriyaya Khudbadii Uu Kusoo Daray Dadkii Soo Dhisay Guriga Ugana Duceeyey

Walaalaha Dhibaataysan Oo Aanu Shalay Ku Booqanay Wax Yar Ka Hor Intii Aanay Kasoo Wareegin Gurigii Kirada Ahaa Ee Ay Ku Jireen

Aabaha Dhalay Ubadkan Dhibaataysan Oo Dhex Taagan Gurigii Ay Kirada Ugu Jireen

salaanmuctasim@hotmail.com

Hargeisa, Somalialnd.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.