Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ganacsade u Dhashay Dalka ingiriiska oo San Cusub looga Sameeyey Gacantiisa


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
London-(HWN)- Ganacsade u dhashay dalka Ingiriiska oo sankiisa uu ka jaray cudurka Kansarku ayaa mid kale loogu beeray gacantiisa,

London-(HWN)- Ganacsade u dhashay dalka Ingiriiska oo sankiisa uu ka jaray cudurka Kansarku ayaa mid kale loogu beeray gacantiisa, isagoo xilligan san cusub oo uu wax ka ururiyo, hawadana ka qaata ku leh gacanta, kaasoo leh dareemo caadiya iyo waliba unugyadii dhiiga ka qaadayey, waxaanay sheegeen khubarada arrintan ka dambaysay oo ka tirsan jaamacadda University College London in muddo saddex bilood kadib ah loogu dhejin doono halka sankiisa caadiga ah ka go?ay.

Prof. Alex Seifalian oo isagu ah khabiirka dawadan ka dambeeyey ayaa isagoo arrintan ka hadlaya waxa

uu yidhi; ?Sankiisu wuxuu u yara janjeedha dhinaca bidix, waxaanannu weydiinay haddii uu doonayo in loo haggaajiyo, waannu naga diiday, sidaasna isaga door biday.?

Sankan laga beeray gacanta ninkan ganacsadaha ah ayaa lagu xidhan qalab quraarad ah oo loogu talogalay, taasoo lagu buufiyey kiimiko khaas ah oo isku xidhaysa unugyada sanka, iyadoo laga furay quraaradaas, isla markaana waxa lagu talaalay nafaqo caadiga ka dhigaysa carjawda sanka.

Sidoo kale maqaarka gacanta ninka ayaa waxa lagu kala jiiday qalab loogu talagalay ilaa intii kor looga saaraayey carjaw u eeg sanka bina?aadamka.

Hawlgalkan oo socday ku dhawaad laba bilood ayaa sanka lagu muday nafaqo loogu talagalay inay unugyada sanka isku habayso, waxaana sida sanka caadiga ah isagoo ku yaal gacanta ninkaas.

Prof. Seifalian ayaa magaasiin BBC-du leedahay u sheegay in sanka ninkan ee ku yaal gacanta uu dareemo leeyahay, isla markaana sidoo kale leeyahay xididada dhiiga soo gaadhsiinaayey, kana qaadaayey, isagoo sheegay in sankay ay ku guulaysteen balse aanay maqaarka qofka daaweyn karin haddii uu ka go?.

Sannkan ayaa saddex bilood laga goyn doona, kadibna lagu toil doona wejiga ninkaas, kaasoo qaadan doona qalliin aan culsayn.

Ibraahim Khadar Saciid

Hadhwanaagnews/Office Hargeysa

ibraahimkhs@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.