Gabiley(HWN)-Beelaha Madigaan iyo Baha-muuse ee Deegaanka Gobolka Gabiley ayaa markii u horeysay baaq u jeediyay Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), oo ay ka dalbadeen in ay wali ka sugayaan Saamigii ay ku lahaayeen Xukuumada Haysa iyo Saamigii Maamulka Gobolka Gabiley oo ay ka qatan yihiin intii Guud ee talada Xukuumadiisu la Wareegtey talada dalka.
Odoyaal iyo Madax Dhaqameed kasoo jeeda labadaas Beelood oo fariin kooban soo Gaadhsiiyey Xafiiska Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ayaa sheegay in ay ka aradan yihiin Guud ahaanba Saamigii ay ka filayeen Xukuumada
iyo Saamigii Gobolka Gabiley ee ay deegaan ahaan kasoo jeedaan iyagoo xusey in ay ka Qeyb galeen Xukuumadihii ka horeeyay Xukuumadiisa ee Madexweynihii geeriyooday Marxuum Cigaal iyo kii ka horeeyay isaga Daahir Rayaale laakiin ay hada fara madhan ka joogaan Xukuumadiisa.
Duqeyda labadan beelood oo Sheegay in ay hada hordhac ka dhigayaan fariintan ay ku ekeysiinayaan Madexweynaha Somaliland laakiin ay si rasmi ah dhawaan usoo saari doonaan baaq balaadhan oo ay ku iftiiminayaan cida ka hor taagan Saamiga beelahan ee Xukuumada dhexe iyo Gobolka Gabiley waxaanay Madexweynaha ka codsadeen in xogwareysto dadka daacada ka ah Deegaankaas haday duqey yihiin iyo haday Siyaasiyiin hagaagsan yihiinba, Waxaanay sheegeen in aanay hada xusi doonin Wasiir katirsan Xukuumadiisa oo ka hor joogsadey saamiyadaasi ay xaqa u lahaayeen laakiin ay mar dambe soo bandhigi doonaan, Waxaanay si naxariis leh uga codsadeen Madexweynaha Somaliland in la eego Saamigooga oo laga Qeyb galiyo Xukuumada.
Waa markii u horeysay ee ay hadlaan Beelo kamid ah Beelaaha aan saamigooda ka helin Gobolka Gabiley iyo Xukuumada dhexe labadaba ee kasoo jeeda Beelaha Deegaanka Gobolka oo dhawaana si ficil ah isugu muujiyay Doorashadii Golaha Deegaanka oo ay Cod Aqlabiyad ah kusoo saareen Murashaxiintoodii, iyagoo sheegay in ay ka Qeyb galeen Xukuumadihii hore ee Somaliland laakiin ka qadey Xukuumada Siilaanyo oo kaliya.
Hadhwanaagnews Gabiley Office